SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

QURAANKU MAAHA FALSAFAD KA TIMI NABI MUXAMED CSW .

Baraha bulshada ee Somaalidu wax ku qorto qaarbaa aafaysan, waxaan xalay si kadisa ah iigu soo baxday bar qoraal lagu bayaamiyey in Nabi Muxamed CSW uu yahay kan isagu Quraanka hal abuuray ama Quraanku yahay falsafad Nabigu aas-aasay .
Maanta iswaydiin mayno in Quraanka Kariimkii in uu yahay hadalkaa Ilahay, Nabi Muxamed na uu yahay uun Rasuul/Nabi Ilahay soo diray.

Marka aadan garashada iyo caqliga saliimka ah aadan adeegsan waa uun sidan oo kale ,adiga oo Muslim hore u ahaa in aad maanta ka shakido Diintaadii .


Hadaba waxaa maskaxdayda kusoo dhacday markii aan akhriyey Dadka fikirka odhanaaya Nabi Muxamed ayaa Quraanka Alifay miyaanay u fiirsan Quraanku sida uu Nabiga u siinaayo talooyinka dhaxal galka ah ee noloshoo dhan ku saabsan.

Tusaalaa 1-aad

1. Masaladii Ceebaynta Hooyadii Muumininta Sayidinaa Caasha Abubakar Sadiiq oo Munaafiqiin iyo warmoogayaal kutidhi ku teen ku ceebeeyeen markii danbana Ilahay SWT uu isagu beri yeelay. Miyaanay arintaasi been abuurkii ku qornayn Kitaabka Quraankaa? Cajiib oo hadii Nabigu Quraanka allifay Buug uu isagu qorayna uu yehay muxuu ugu ceebeeyey xaaskiisa Caasha !?

Miyuu inaga mid yahay nin reerkiisa iyo Xaaskiisa ceebayn lahaa kaasoo waliba ku Qoraaya Buug uu alifay? isaga oo bulshada doonaaya in uu dhaxal fiican uga dago ??

Tusaalaha 2-aad.

Qisadii Ninkii Indhoolaha ahaa ee Cabdilaahi Ibnu-Caamir ay ku soo degtay Suurad Cabasa ee Nabiga CSW ILAHAY canaanta usoo jeediyey markii ka damcay in uu waxbaro ama Hanuuniyo.

Cabdilaahi Ibnu Caamir waa ninkii indhoolaha ahaa ee lagu canaantay Nabiga CSW siday suura gal u tahay in nin qoraal isagu uu isku sharfaayo in uu kusoo qaato Canaan uga timo Meel isaga ka saraysa,mid kasta oo inaga mida isla markaana isla wayni ma kula tahay in nin maskiina Indhoole ah ayuu wax inooga sheegi lahaa canaan tiisa,xaasha waxay ku tusinaysaa in Quraanku uu yahay Hadalkii Ilahay dadkuna aanay Ilahay aktiisa ku kala sarayn.

Tusaalaha 3-aad.

Masalada Sadaxaad ee ka hadlaysa taladii iyo tilmaantii Ilahay siinaayey Nabi Muuse CSW markii loo diraayey Fircoon,iyada oo lagula dardaarmaayo in uu si dabacsan ula hadlo Daalinkaa Ilaahnimada sheegtay ee Fircoon.

Arintaasi waxa ay ku tusinaysaa in Nabigu CSW uu ahaa nin ka mida bulshadii uu ku dhex noolaa walibana aan lahayn xadaarad dhul mareenimo iyo waayo aragno ka horaysay Quraanka.

Tusaalaha 4-aad

Cali binu-daalib waxa uu ahaa adeerkii run ah Nabiga CSW hadana Quraanka meelna kagama jirto in uu Janada galaayo .

Hadii caqliga kuwa aamin san in Nabi Muxamed Quraanka uu qoray aynu raacno ,maxaa inoo diidaaya in aynu iyaga su'aal waydiino odhanaysa "oo Muxamed muxuu qoraalka Adeerkii ee Axadiista ugu sheegay in la cadaabaayo, muxuu ugu qori waayey in uu janada galaayo Adeerkii ".Tusaalaha 5-aad.

Sida Ilahay Quraanka ku sheegay Nabigu waxna ma qori jirin mana Akhriyi jirin ,taasna waxaaba markhaati buuxa ka ahaa dhamaan Carabtii la deganayd.

Hadaba siday isu qabanaysaa i Nabiga markhaati looga yahay in aanu waxna qorin waxna akhriyin hadana layidhaa Quraanka isagaa alifay ama waxa uu ahaa Qoraa.

Tusaalaha 6-aad.

Bal aan runsadaba masaladaa ,Caqliga iyo garashadana aan daboolo siday u dabooleen kuwa doododu tahay in Nabi Muxamed CSW uu yahay ninkii Quraanka alifay.

Hadaad Quraanka u Fiirsato waxa aad arkaysaa Nabi Muxamed CSW oo talooyin la siinaayo,gaar ahaan dhanka qoyskiisa sida xasaaskiisa iyo caruurtiisa iyaga oo loo tilmaamaayo dhanka dharxidhashada iyo asturnaanta.

Tusaalooyinka ku tusinaaya ka imaanshaha Quraanka xagge ALLE way badan yihiin waxaa ka mida qaabkuu u noolaa oo ahay Nolosha xiligaasi tii ugu liidatay.

Waxyaabaha kale ee ku tusinaaya in Quraanku Alle ka yimi waxaa ka mida waxaa loo yaqaano Qaafiyada aan horay loo arkin ee erayga lagu bilaabo laguna dhameeyo.

Quraanka in aynu fahamno ayaa inooga fiican in aynu akhrino .

W/Q : Khadar Ibrahim aar

France Paris

No comments:

Post a Comment