SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

SOMALILAND WAXA AY U DHAXAYSAA DAWLAD IYO DAWLAD LA'AAN. I

SOMALILAND WAXA AY U DHAXAYSAA DAWLAD IYO DAWLAD LA'AAN
Inkastoo aan si rasmiya aan war sugan aan laga haynin waxyabaha kasoo bixi doona Komoshinkii Doorashooyinka ee dhawanaan la doortay in ay shaqadii sii wadayaan iyo inkale.Hadana waxaa mararka qaar soo baxaaya fikirado iyo aaraa iskhilaafsan oo ku saabsan hawl socodsiinta Komishankaasi.


Aniga aragti ahaan waxa ay ila tahay in hadii ay dhacdo in Komishankaasi laga dalbado in ay iscasilaan isla markaana ay joojiyaan shaqadii loo igmaday, dibna lasoo celiyo komishankii hore,fikir ahaan waxa aan isleeyahay waxa inagaga imandoona  baal mar sharciga la baal maraayo iyo kutumashi xeerarka dalka u yaala.
Tusaale ahaan :

1. Kumishankani waxa uu ahaa mid dhamaystiran, kaliya waxaa ka maqnaa hal xubin,sharciguna waxa uu dhigayaa in ay aqlabiyad wax ku dooran karaan,

2.waxa uu ahaa Komishan la dhaariyay madaxwaynahuna uu goobjoog ka ahaa.

3.Waxa uu ahaa Komishan maray Baarlamaan lana ansaxiyey

4.Waxa ay sifa sharciga waafaqsan isaga dhex doorteen Gudidii maamulaysay.

5. Waxa ay shaqadii kala wareegeen Komishankii hore oo gabi ahaanba meesha ka xamaan gurtay.

Hadaba iyada oo  shuruudahii sharci ee ay xaqa u lahayeen la mariyey sidee ayay suura gal u tahay in layidhaahdo Gudi odayaal ah ayaa waxba kama jiraan kasoo qaadaaya dhamaan hay'adahii dastuuriga ahaa ee dawlada.

Hadii layidhaa Komishankan ha lakala diro isla markaana ay taasi dhacdo, waxa muuqanaysa in Somaliland ay qaadayso jidka burburinta sharciga isla markaana xukuumada iminka jirtaana ay u muuqanyso mid sharciyada iyo hay'adaha sharciga ee dalku ku dhisan yahay kaga kalsooni badan Odayaal iyo Ganacsato aan sharciga dalka meelna kaga jirin.Dawlad nimo waxa ay ku dhisantaa ku adkaanshaha sharciga.

No comments:

Post a Comment