SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

AYAXA XALAAL NIMADIISA WAXA KU HOOS QARSOON DHIBAATOYIN KALE

Baraarujinta hore: Hadii aad maqasho Diintu waxbay xalaalaysay haw qaadan in ay tahay wax cusub oo Diintu la timi ama dadka lagu amray in ay cunisteeda bilaabaan , lakiin waa uun caado iyo dhaqan horteed jiray oo Diintu fasaxday, Ayaxuna waxa uu caado Cunto waligii u ahaa dhulka Carabta Diintuna way u ansixisay in ay cunistii sii wataan.


Ayaxu waa Xalaal waa run, lakiin Xalaal kasta dhibaato ma yeelan karta ? waxaa dhici karta in shay xalaal ah in aanu deegaanka iyo jawiga aad ku nooshahay aanu ku haboonayn ,khasab kuguma aha in cunto laga isticmaalo dal kale oo Muslim ah in aad xalaal nimadiisa u cunto.

Inta badan xanuunada sida caadigaa dadka ku dhacaa kama yimadaan waxyaabaha Diintu xarimtay madamaa ay wax kooban yihiin, balse waxaa dhibta cudurada keena waxay u badan yihiin wax yaabaha xalaashaa iyo is'fahamwaa ka yimaada dabeecada jidheed deegaan ee qofku leeyahay,imisaad garanaysaa qof laga mamnuucay in uu cuno ama uu cabbo wax yaabo xalaal badhax-tiran ah.

Taas awadeed ha ku sirmin xalaalnimada shayga ee ku xisaabtan aqoonta iyo dabeecada jidheed iyo deegaan ee aad u leedahay shaygaad cunayso.

Muslimka islaanimadaa inaga dhaxaysa lakiin cuntada iyo caadooyinku inagama dhaxeeyaan. Cunta kasta oo dhaqan iyo caado u ah dad meel wada yaalla duruuf iyo xaalad hore oo ku xanbaartay ayaaa jirta.

Diimaha Ilahay soo dejiyey inta badan waxa ay ilaaliyaan kaljarada dhaqan iyo caado ee ay haystaan dadkaasi Nabiga laga soo saaray,waxaana loo tixgaliyaa xaaladkasta oo aan dhibaato Caaqido xuma ahi anay ku jirin.

Amarada iyo waajibaadka ay Diimahu bixiyaan waxaa inta badan asal u ah dadka uu kasoo jeedo Nabigaa ama Rasuulkaa lasoo diray,waxanay amaradaasi u bataan kuwo dadka deegaanka wax lagu faraayo iyo mid wax lagaga reebaayo kadibba waxa ay isu bedashaa mid si caam ah dad dunida u saamaysa.

Arimahan waxaa ka markhaati kacaaya Diinta Islaamka oo kusoo degtay dhul Carbeed laguna soo dejiyey Nabi Muxamed CSW oo Carab kasoo jeeda, tasaa waxa ay ku tusinaysaa in Diintuba asaaska ugu wayn ee ay ku fadhidaa uu yahay Carabnimo;.

Tusaale kooban:

Inta aynaan u galin Axadiista Nabiga scw dhamaan quraanku ashyaada uu tusaalaha inagu siinaayo oo dhami waxa ay kasoo jeedaan dhul Carbeed.

Taasi awadeed ayaa Ayaxuna caan ku yahay cunistiisu dhulka Caraabta.
Hadaad u fiirsato dhirta ,midhaha la cuno sida Saytuunka ,Tiinka,Timirta iwm dhamaan waa wax kasoo jeeda dhul Carbeed, Bahasha layuidhaa Afaryo-adinlay Carabta cuntooyinka ugu fiican ayay dhaqan kooda ugu jirtaa Somali ahaanna in aynu cunno iska daaye Shaydaamad ayaynu u naqanaa.
waxa dhici karta hadii muslimiinta Shiinaha wax laga waydiiyo dhaqamada caado Carbeedka in ay layaabaan, lakiin inaga a Somali ahaan Nabigaba SCW labaynu kala tirsanaa mana aha wax inagu cusub caado Carbeedku.

In Ayaxu xalaal yahay layskuma hayo, balse Ayaxa cunistiisa iyo xalaal nimadiisa waxa uu hormood u yahay baalaley yaryar oo duusha oo dhamaantood xalaal ah, kuwaasi oo qaarkood in la cuno iska daaye aynaan gacmaha saari karin nacayb awadii.

Hadaba Ayaxu waa noole isaga gudbaa Qaaradaha Dunida,wadankasta oo uu tagana dagaal xoogan ayaa lagu qaadaa waana la sumeeyaa,inta dhimata mooyaane inta kale waxa ay u hayaantaa meel kale iyadoo sumaysan kor iyo hoos.

Hadaba waxa hubaala in la ogaday in uu Ayaxu qayb wayn ka qaato xanuunada faafa,gaar ahaan infectionka maqaarka ka dadku dhaca .

Ayaamahan waxa aad arkaysaa ama aad maqlaysaa Ayax isaga oo nool la cunaayo ama la dubaayo iyada oo xalaal nimada uu yahay mooyaane aan cilmi kale loo haynin.

Wadaadka Somaligina waxa uu talo yaqanaa waxaasi waa xaraan iyo waa xalaal balse labadaasi wax u dhaxeeya oo dhibaato nafta u keeni kara in ay jiraan ma yaqanaan.

Haadaad akhrisato barnaamij yada laga diyaariyo xanuunada ay keenaan cayayaanka Cawska iyo dooga ku hoos nooli waxa aad oganaysaa in Ayaxu uu yahay kan ugu horeeyo.

Isku day in aad booqato bogaga ay ku qoran yahay""" infections from locusts"""kadibna fiira gaar ah u yeelo Ayaxa iyo dhibaatoyinka ka imaan kara cunus tiisa,taasow u sabab tahay Sunta uu kasoo xanbaarto Beeraha uu soo xaalufiyo ee Dunida.

Ayaxu waa noole isaga gudba qaradaha Dunida isaga oo sumaysan;taasina waxa ay wax yeeli kartaa dadka aqoondarada isaga cunaaya.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment