SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisadii asxaabul Kaaf (Hahfi) iyo wadanka ay daganaayeen.

Gaaladii reer Qureesh ayaa u tagtay Yahuuda, waxayna waydiiyeen "Maxaan ku samaynaa nin sheegaty nabinimo, waa nabi Muhammad (N.N.K.H)" Kadibna Yahuudii waxay tidhi waxaad waydiisaan sadex arrimood oo kala ah:-

Dhalinyaro la waayey oo meel ay qabteen aan la garanayn, Nin dhulka meeray iyo Ruuxda. Dabadeedna gaaladii Reer Qureesh ayaa u yimid Nabiga oo waydiiyey sadexdii arrimood. Nabiguna waxa uu ku yidhi "barri ayaan idiinka warrami" laakiin waxyigii umuusan iman nabiga.

Gaaladii ayaa utimid barridii nabiga oo waydiisay inuu uga warramo sadexdan qiso balse nabigu waxa uu ku yidhi "barri ayaan idiinka warami" markay gaadhay dhawr casho oo aan waxyina kusoo dagin nabiga ayaa xitaa muslimiintii yaabeen oo is waydiiyeen muxuu usoo dagi waayey waxyigii!

Kadibna Eebe ayaa soo dajiyey Aayadan:-


وَلَا تَقُولَنَّ لِشَاْىۡءٍ إِنِّى فَاعِلٌ۬ ذَٲلِكَ غَدًا (٢٣) إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ‌ۚ
"ha odhanin shaygaasaan fali barii. (adoon odhan ) hadduu Eebe doon "

Maalintii danbe ayuu nabigu ku yidhi; "Inshallah barri ayaan idiinka waramayaa" Markaas ayey soo dagtay qisadan Asxaabul kahfi, Dul qarnayn iyo ruuxduba.

Waxa jiray dhalinyaro rumeeyey Ilaahay, waxaana la la yidhaahdaa waxa dhalay boqoro, deegaankooduna waxa uu ahaa degaan gaaleed oo caabuda sanamyada iyo Ilaahay oo cid kale lala wadaajiyo.

Dhalinyaradan ismay garanayan ee mid waliba waxa uu qarsanayey iimaankiisa, dabadeedna maalin ayaa qoomkoodii u baxeen ciid ay lahaayeen, balse mid kasta oo dhalinyardii ka mid ahaa waxa uu muujiyey cudur daar ,waanay ka hadheen qoomkoodii.

Dhalinyaradii ayaa iskugu yimid geed hoostii kadibna mid ka mid ah ayaa kacay oo yidhi "Kuwaasi waa qoomkayagii waxay caabudeen sanamyo Eebe ka sokow, anaguna waxaan rumaynay Eebaha abuuray samooyinka iyo dhulalka, mana caabudayno cid aan isaga ahayn.

Waxa Eebe isku xidhay quluubtoodii oo way isku raaceen inay Eebe kaligii caabudaan. Dhalinyaradii waxay go’aansadeen inay ka fogaadaan qoomkooda oo ay hoy ka yeeshaan god.

Deegaankooda oo ahaa buuralay ayey ka doorteen god ku yaalay markaasbay galeen godkii ayagoo aqal ka dhiganaaya . Waxaad qiyaastaa caruurtii boqoradu dhaleen oo ka fogaanaya ehelkooda oo gaalo ah, kana yeelanay hoy god aan la garanayn waxa kaga soo bixi doona!

Markay godkii galeen ayey jiifsadeen, kadibna Eebe ayaa kusoo rogay raxmadii iyo naxariistiisa, waanay seexdeen waxayna hurdeen 309 sano.

Waxaad arkaysaa qorraxda oo markay soo baxdo u iilan xagga midig ee godka, markay dhacaysana ka goynaysa xagga bidix ayagoo ku sugan meel waasac ah oo godka ah.

Subaxa iyo galabtii ayey qorraxdu qabanaysay si ay uga helaan faytamiinada daruuriga u ah jidhka hase ahaatee xilliga duhurka qorraxdu maysan qabanayn, waxayna culumada dhakhaatiirtu sheegeen in qorraxdu ay halis badan tahay xilliga duhurka, sidaa awgeed ayaa Nabigu (N.N.K.H) uu u leeyahay:-

قيلوا فإن الشياطين لا تقيل


"Qayluulaysta- qayluuladu waa hurdada xilliga duhurka- sababtoo ah shaydaanku xilligaa ma seexdo" Saxiix albani.

Dhalinyarada ehelkoodii way raadiyeen, oo waxa la galay baadi goobkoodi laakiin maysan helin ee way ka quusteen kadibna arrintoodiibaa faaftay in la waayey dhalinyaro, meel ay qabteena aan la garanayn.

Dhalintii huruday ayaa Eebe (SWT) u gedgedinayey midig iyo bidix, si hadii uu qof uu arko uu ugu maleeyo inay noolyihiin iyo si aan jidhkooda dhulku u cunin. waxaad moodaysay inay soo jeedaan hadana way hurdeen.

Xitaa culumada tafsiirka qaarbaa yidhaahda "dhalinta indhahooduna way furnaayeen". Ay-goodiina waxa uu albaabka hurday isagoo fidiyey dhudhunkiisa, hadii aad aragto waad ka jeesan lahayd adigoo cararaya waanad argagixi lahayd cabsi darteed.

Eebe waxa uu siiyey haybad ay makhluuqaadka kale kaga argagaxaan, gaar ahaan xayawaanka wax u gaadhsada.

Dhalintii waxay godkaa hurdeen mudo dhan sadex boqol iyo sagaal sano. Jiilkoodii iyo jiilkii ka danbeeyeyba way dhinteen. mucjisada tiradan ku jirtana waxaad kaga boqotaa maqaalkan .

Maalintii danbe ayey hurdadii ka kaceen waxayna is waydiiyeen "imisa ayaan hurudnay" Markaasay yidhaadeen maalin ama maalin badhkeed, (ma oga inay hurdeen sadex boqol oo sano).

Dabadeedna waxay dareemeen gaajo, markaasay mid ka mid ah dhalintii u dhiibeen lacag ka samaysnayd fido "qalin" kuna yidhaahdeen inoo soo iibi cunto, iskana ilaali qoomkeena, sababtoo ah haday ina ogaadaan way ina rajminayaan ama diintooda ayey inagu celinayaan.

Wiilkii wuu baxay, isla markiiba waxa uu la kulmay dunidii oo isbadashay, cimaaradihii iyo guryihii oo badalan iyo sidoo kale dadkii oo aan ahayn kuway yaqaaneen, kadibna waxa uu utagay nin iibinaya cunto markaasbuu ku yidhi "lacagtan qaado oo iga iibi cuntada.

Ninkii wax iibinayey ayaa la yaabay lacagta uu wiilkani watay, dabadeedna waxa uu ugeeyey boqorkii deegaanka. Boqorkiibaa warsaday wiilkii oo waydiiyey halka uu ka yimid iyo lacagtan halka uu ka keenay,Boqorku warkooda wuu hayey in dhalinyaro la waayey mudo sadex boqol oo sano kahor ah.

Wiilkii ayaa uga waramay inay shalay seexdeen godka isaga iyo saaxibadii ayagoo ka cabsanaya qoomkooda, boqorkii ayaa ku yidhi "shalay maydaan seexanina waxaad hurudeen sadex boqol oo sano" wiilkii isagii oo yaaban ayuu u yimid dhalintii kale, dabadeedna warkii ayuu u sheegay inay hurdeen sadex boqol oo sano.

Dhalintiina way cajabeen, markay xaqiiqsadeen in ay hurdeen mudo aad u dheer, ayey Eebe mahadiyeen. Dabadeedna Eebe ayaa ruuxdoodii ka qaaday dhalintii isla hal mar, halkaasbayna ku geeriyoodeen.

Dadkii ayaa yimid godkoodii waxayna heleen dhalintii oo geeriyootay, markaasbay albaabkii godka saareen dhagax, kadidibna waxay isku khilaafeen in ay godka dushiisa ka yeeshaan masaajid.

Asxaabul kahfi waxa laysku khilaafay tiradooda, qolo waxay tidhi waxay ahaayeen sadex wiil iyo aygoodii, kuwo kalena waxay dhaheen waxay ahaayeen shan wiil iyo aygoodii sidoo kale waxay yidhaahden, waxay ahaayeen todoba wiil iyo aygoodii hase ahaatee tirada rasmiga ah waxa og Ilaahay subxaana wa tacaalaa.

Balse waaxaa la wada ogsoon yahay in Islaamku Ay-ga aanu dhamaantii u wada aqoon-sanayn in uu yahay nijaas,balse kolba waxa ay ku xidhan tahay qaabka loola isticmaalo, Aygu sidiisaba maha nijaas ee qabab ay ku timaado nijaas nimadiisu ayaa jirta.


Xaguu ku yaalaa godkii Asxaabul Kahfi?
Godka Asxaabul kahfi meesha uu ku yaalo khilaaaf badan ayaa ka jira, waxaana la sheegaa in uu ku yaalo wadamada Turkiga, Suuriya, Yemen iyo Urdun. Sanadku markuu ahaa 1963 ayey dawlada Urdun sheegatay in godka asxaabul Kahfi ku yaalo Urdun, ayagoo soo bandhigay God la yidhi waxa ku aasan todoba qof iyo Ay. Ilaahbaana og.

Wabilaahi tawfiiq.