SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Talo ku socota Mudane Cali Warancadde .

Cali Maxamed Warancade ,waa Siyaasi ka caan ah dhamaan Somaliland iyo gayiga Somalidaba,Cali Warancade waa nin in badan wakhtigu u saamaxay in uu Somaliland kasoo qabto xilal Wasiirnimo iwm .

Cali Maxamed Warancade, oo ahaa wasiirkii u danbeeyay ee Arimaha Gudaha Somaliland,ayaa dhawaan isku shaandhayn uu Madaxwaynahu sameeyay ,waxa uu xilkii kaga qaaday Wasiir Cali ,oo ka mid ahaa Wasiirada loogu hadal-haynta badnaa.

Hadaba ,Mudane Cali Warancadde ,ayaa markii xilkaasi laga qaaday ,waxaa dadka badankiisu isla dhexmareen in Cali loo magaacabay amma uu isaguba doortay, in uu noqdo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ethopiya ,taasi oo uu Cali laftiisu markii danbe uu cadeeyay.

Wakhtigan aynu iminka ku jirno ayaa waxaa kolba baraha warbaahinta kusoo baxaya, hadalo ku wajahan in Cali Warancade uu ka noqday xilkii Safiirnimo ee loo magacaabay balse hadana waxa aad meelo kale ka maqlaysaa Mudane Cali waxaa laga yaaba in loo magacaabo Lataliyaha Madaxwaynaha ee ......

Hadaba ma lagayabaa , in Cali Warancadde, si aanu ugu xuubsiiban kooxa Mucaradka gaar ahaan Xisbiuga Wadani ,in Mudane Cali Warancacdde lagu hayo Xisbiga Kulmiye, iyada oo loo magacaabaayo Shaqo uu Cali horaba usoo qabtay xiligii Madaxwayne Rayaale, oo ahayd, Lataliyaha Madaxwaynaha Arimaha Bulshada.

Faalo:- Sadax Arimood oo kala ah:-

1.Hadii Cali Warancade uu qaato jagada Safiirnimada Ethopiya ,sidee ayaa loo arki doonaa siyasadii Cali warancadde .

2.Hadii Cali Warancade uu qaato ,jagada labaad ee iyadana la saadalinaayo ,oo ah, Lataliyaha Madaxwaynaha arimaha Bulshada,taasi waxa ay markaasi beeninaysaa hadalkii Cali ee ahaa waxa aan diiday in la ii magacaabo wasaarad aan tan aan joogo waxka ka yarayn,taasi oo uu ua jeedo wasarada duulista hawada ,iyaduna dhadhan caynkeeya ayay siyasadii Cali Warancadde ku samayn doontaa.sidayse u arkii karaan dadkii Cali Warancadde siyasadiisa la dhacsanaa.

3.Hadii Cali Waranacde uu labadaasi shaqaba uu diido ,isla markana uu isu arko in uu yahay ,nin lagu gabood falay ,xaqna aan u lahayn in wakhtigan xaadirka ah uu sii *dugaashado Xisbiga Kulmiye ,iyadana maxaa kasoo bixi doona ,halkee ayuuse tagi doonaa.

Qodobka koowaad ,ee ka hadlaya Safiirnimada Ethopiya:-

Hadii aynu ku horayno ,magacabista Mudane Cali Warancade ,loo magacaabay Safiirka Ethopiya u fadhiya Somaliland ,ha doorto isagu sida uu hadalka u dhigay amma madaxwaynahuba ha kula taliyee,waxa ay dadka badankiisu u arkayeen in uu Cali Warancade uu u muuqdo nin siyasadii dalka dibada uga baxay.

Dad badan oo aan la sheekaystay,waxa ay isku raac-san-yihiin in Cali Warancadde uu noqday mid kasii niyad jabaaya siyasada xisbiga Kulmiye ,taasii oo ay sabab uga dhigayaan in magacabista Cali Warancadde markii horaba ay ahayd mid lagaga soo goynaayay xisbiga Wadani oo si aad u baxaad wayn uu u tageeray.

Hadii aad la sheekaysato dad badan oo Mudane Cali sifiican u yaqaana,waxa laga yabaa in ay qabaan amma ay aamin sanyihiin, rayi kaasi ka gadisan, oo odhanaaya, Cali Warancadde wakhtigan xaadirka ah uma baahna hawo gadis siyasadeed, ,iyaga oo ku sar-goynaya arimo la xidhiidha siyasada qooyskiisa .

Qodobka labaad ,ee ka hadlaaya latalinta Madaxwaynaha:-

Cali Maxamed Warancadde ,kuma cusba xilka la talinta Madaxwaynahu ,waa xil uu hore usoo qabtay ,waa xil uu yaqaano farsamada iyo xeelada loogu shaqaysto .waana afaafka iyo irida laga waardiyeeyo siyasada shakhsiga ah ,balse waxa ay dad badani aamin sanyihiin in aanu Cali maanta taasi ku haboonayn.

Xilka la'talinta Madaxwaynahu , marka dhinac laga eego maaha wax sii ridan ,balse waa xil hadba qofka loo magacaaba uu macne u sameeyo ,hadaynu dhinac kale iska tusnana waa Paarkin iyo fadhiisin loogu talagalay, raga looga baqanaayo in ay ku biiraan Xisbiyada Mucaradka ah sida Wadani oo kale.

Isku soo wada duuboo ,dadkii Cali Warancade siyasadiisa wakhtiga badan aadka ula dhacsanaa waxa aad mooda wakhtigan xaadirka ah in ay yihiin kuwo ku jahawareersan,kaadhka siyasadeed ee uu Cali Warancadde uu kolba lasoo baxaayo.

Qodobka sadaxaad:-

Dad badan, oo la dhacsan ,siyasada Mudane Cali Warancade ,ayaa waxa ay maanta saadalinayaan ,in Cali uu yahay mid looga gacan haadinaayo Xisbiga Wadani oo uu ka tagay isaga oo wakhti kooban uun ku jiray.

Su'aasha iswadiinta lihi waxa ay tahay ? hadiiba ay dhacdu in Cali Warancade uu ku gacan saydho xod-xodashada xisbiga Kulmiye,una arko in ay yihiin, kuwo si gaar ah dano siyasadeed ugu fushanaaya ,cadaystana ku biirista Xisbiga Wadani,maxaay ayuu kusoo kordhigan karaa Xisbigaasi Mucaradka ah ee Wadani .

*Caad inagama saara, in Siyasada Somaliland sideedaba ay tahay * Googaa-Cigalee,macnaha "xisbigan gal, oo hadana ka diga-rogo ,mid-kale ku biir" jaha-wareerka caynkaasi ahi ,waxa ay siyasiyiinta *Laadhuuda xariifka ku ah ,balse aan aqoonin ciyaarta Shaxda ,waxa ay markasta u sahlaysaa in ay helaan ,fursad siyasadeed oo cusub.

Bal-hadiiba ,Mudane Cali Warancade, uu maanta Xisbiga Wadani uu ku biiro.,siyaasad ahaan maxay ayuu kusoo kordhin karaa ayay idinla tahay?

Runtii waa su'aal u bahan in laga jawaabo,dad badan oo aqoon yahan ah ,ayaa iyaga oo ka duulaya siyasada Xisbiyada Somaliland ee ay asaaska u tahay qabyaaladu,waxa ay aamin sanyihiin ,in Cali Warancade aanu waxba kusoo biirin karin siyasada Xisbiga Wadani.

Waxaanay u daliishanayaan:-

Dadkaasi iyaga oo fikirkooda sii cabiiraya ,ayaa waxa ay rumay-san yihiina, wakhtigan xaadirka ah,in deegaanka uu kasoo jeedi Mudane Cali Warancade uu u badan yahay Xisbiga Mucaradka ah ee Wadani,taas awadeedna aanay jirin *rakaab cusub oo uu Cali Warancade ku gorgortamo,aan ahayn shakhsiyadiisa.

Akhyaarbadan oo ka mida rakaabka Cali Maxamed Warancade ,ayaa waxa ay Mudane Cali kula talinayaan,in wakhtigan xaadirka ah uu ka nasto jaha-wareerka siyasadu ay leedahay,isaga oo raacaya tubtii saxibadiisii ka horeeyay,ee kala ahaa Cabdilaahi Imaan Darawal iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo labaduba wakhtigan xaadirka ah siyasada kaga jira nasasho.

Dad-badan ayaa aamin san, in la gaadhay wakhtigii Cali Warancade siyasada ka nasan lahaa ,isla markana uu uga wareegi lahaa dhinackale oo ay ka mid tahay,in uu noqdo nin talada siyasada wax laga waydiiyo ,guurti iyo odaynimana ku shaqeeyo.

Qofka bini-aadmiga laftiisa ayay u fiican tahay in ,tabeecadaha iyo dhaqamada lagu yaqaano in uu wax ka badalo,hadii Cali Warancade shalay lagu yaqaanay nin siyaasi ah,malaha waxaa kasii qurux badnayd in maantana lagu aqoonsado ,khabiir siyasadeed oo dhalinyarada wadanku ay talooyinka waydiiyaan.

Guntii iyo gaba-gabadii ,waxaa dadka siyasada Cali Warancade odorosaa ay leeyihiin Cali wakhtigan xaadirka ah ,waxa uu u baahan yahay in waxoogaa uu ka nasto shaqada Siyasada,jaanis,fikir,talo iyo tusaalana uu siiyo , dhalinta sida firfircoon u xiisaynaysa in ay ka qayb-qataan siyasada dalka,taasi oo Mudane Cali Warancadana u noqonaysa odaynimo iyo han-waynaan.
Wabilaahi tawfiiq. waa uun aragtidayda gaaban.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar
W/Q. Khadar Ibrahim Aar