SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Kumaad tahay adigu ?

Nin, xaaskisa iyo carruurtiisa oo safar ku gudojiray, ayaa waddada ku arkay nin dhex taagan, waxaanay weydiiyeen oo ninkii waddada taagnaa, kumaad tahay? ninkii waddada taagnaa, ayaa ugu jawaabay, ?Waxaan ahay maalka la doon doonayo.?


Ninkii xaaskiisii iyo carruurtiisa ayuu ku yidhi, ?Ma u oggolanaa inuu gaadhiga nala soo fuulo?? waxay dhammaantood ugu jawaabeen, ?Haa, waan doonaynaa, maalku ma wax la diidaa.?
Gaadhigii ayuu la fuulay, waqti yar markii ay socdeen waddada waxay ku arkeen nin kale oo taagan, kaas oo aabbihii ninkii ku yidhi; ?Kumaad ahayd?? ninkii waddada taagnaa, ayaa ku jawaabay; ?Waxaan ahay xilka iyo talada.?


Aabbihii xaaskiisii iyo carruurtiisii ayuu ku yidhi; ?Ma qaadnaa mise waan ka tagnaa?? cod qudha ayey ku yidhahaadeen, ?Haa, talada iyo xilkka wax kasta ayaan ku gaadhaynaa oo aan doonayno.? Sidaasu gaadhiga ku raacay xilkii iyo taladii, intii safarka ay ku gudo jireena waddada waxay kula kulmeen shakhsiyaad kala duwan oo iyagana magacyo xambaarsan.


Waxay socdaan ugu dambeyntii wuxuu la kulmay nin uu ku yidhi; ?Ku maad ahayd?? ninkii ayaa ugu jawaabay; ?Waxaan ahay diinta.? Aabbihii xaaskiisii iyo carruurtiisii, ayuu waydiiyey ma qaadnaa, kuwaas oo mar qudha ayey yidhaahdeen, ?Waqtigan laguuma baahna, waxaan doonaynaa adduunyada iyo raaxadeeda waad naga mashquulinaysaa, waxaan jecelnahay waqti kale oo iminka aan ahay inaan kula kulano oo aan kuu baahannahaya.?


Sidaa ayey kaga dhaqaaqeen, waqti yar kadib waxay ka war helayn jidgooyo iyo iyaga oo lagu yidhi joojiya gaadhiga, waxa xigtay nin farta ku fiiqay aabbahay oo ku yidhi ka soo deg gaadhiga, ninkii wuxuu ku yidhi; ?Aabbihii waxaan doondoonayaa diinta?? aabbihii ayaa uga jawaabay; ?Waddada ayaan ku soo dhaafay, hadaad doonto waan kuu geynayaa.?


Ninkii ayaa ku jawaabay ma kartid arrintaa, safarkaaga nolosha wuu soo gebagabeeyey, dibna uma laaban kartid marna. Aabbihii wuxuu yidhi; ?Gaadhiga waxaan ku sidaa maalka, xilka iyo talada iyo xaaskayga iyo carruurtayda, intuu hadalka ka kala gooyey, dabadeed ku yidhi; ?

Dhammaan waxaad xustay waxba kagama tari karaan xagga Alle (SWT) aabbihii wuxuu ku yidhi ninkii maxaad ahayd? Wuxuu ku jawaabay;a ?Waxaan ahay geeridii, aad iska ilowday oo aanad u diyaargaroobin.?


Aabbihii dhinicii gaadhiga ayuu eegay, wuxuu arkay xaaskiisii oo kaxaysanay gaadhigii, maalkii, awooddii iyo talada iyo carruurtiisii midna aan uga soo dhaadhicin, sidaa ayuu ku dhammaaday safarkii noloshiisii, kuwii uu sidayna inta safar u hadhay ayey gudagalayn

Qalinkii: Alle ha u naxariisto M.M.Kastam .