SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Farriin Ku Socota Ardayda Ka Qalin-jebisay Jaamacadaha Dalka

Hir cusub oo nololeed ayaa bilaabmay. Farxad, rejo iyo riyaaq ayaa kugu kulmay, sahanka mustaqbalkuna geeddi hor leh ayaa uu hilaadiyay. Waa ku kan, oo saaka xafladdii qalinjebintaada ayaa loo fadhiyaa. Laba illaa saddexdii cisho ee ka horreeyay waxa aad ku jirtay isu diyaarinta ka qaybgalka xafladdaas sida weyn loo agaasimay.

Waxa aad soo xidhatay khamiis madow oo diillimo leh, madaxana waxa kuu saaran koofiyad afar gees leh oo ubaxyo ku tolan yihiin. Lebbiska maanta aad ku joogtaa waa astaan lagu tilmaansaday in aad wax barasho jaamacadeed dhammaysay.Waxa aad diyaar u tahay in aad madaxweynaha ka guddoonto shahaado ka marag-kacaysa in aad aqoonyahan tahay.

Si kale Kuma garatide, maanta waa lagu caleemasaaray; run ahaantii waa lagu caleemasaaray oo bulshadaadii, ehelkaagii iyo dalkaagii ayaa ku caleemasaaray.
Waxa ku weheliya oo xafladdaa iyo raynrayntaa kaala qaybqaadanaya waalidkaa oo muddo ku soo garab taagnaa, lagana yaabo in uu danyarow ahaa, amma saaxiibkaa amma ehelkaaga kale ee kuu dhow.

Dhammaan waxa ay diyaar u yihiin in ay dareenka farxadeed kula wadaagaan, sawirro xasuusta geli doonana kaa reebaan kolka madaxweynuhu ku salaamo, amma shahaadada laguu dhiibo.


Xasuusta maalintaasi kaama guuri doonto, in door ahna madaxaaaga ayaa ay guuxi doontaa. Haddii Eebbe kugu simo, in badan oo noloshaada dambe ka mid ah waxa aad daawan doontaa sawirrada aad goobtaa iskaga qaadday, aaladihii kuu suurtogeliyay iyo isgaadhsiintii kaa caawisay in ay bulsho badani xasuustaa kula aragtaana waa aad u mahadnaqi.

Xasuustu waa duug hadhi doona e, in xafladdii dhammaatay, iyo in aad lebiskii qalinjebinta ciddii lahayd ee aad ka soo ergisatay u celiso ku abshir.
Hadda waa aad soo laabatay. Qiiradii iyo dareenkii farxadeed ee qalinjebintu waa uu sii yaraanayaa, waxaana beddelaya dareen kale oo saadaashiisu hummaagyo kala duwan leedahay.

Wayddiimaha maankaagu soo celinayo waxa ugu weyn, waxa xigi doona caleemasaarkii lagugu boqray. Isla caawaba, goobaha lagu caweeyo ayaa aad ka sheekaynaysaa. Waa adigan asxaabtaadii yo ehelkaagii la wadaagaya xafladdii maanta iyo dhacdooyinkii ku xeernaa. Waa adigan ogsoon aroorta in aanad u kallahayn waxbarashadii jaamacadda.

Inkasta oo aad hurdo isu diyaarisay, haddana caawa jewigu ma aawana oo hurdadu ma aha mid sidii hore kuugu soo degaysa. Waxa jira wayddiimo cusub; kuwaas oo gadaal ay ka soo riixayaan hammi iyo fekerro cusub oo carcartooda wataa. Habeenku si uu kaaga tegayba, waa san ayaa kuu beryay, wax kastaaba se sidii hore waa ay ka geddisan yihiin.

Saaka, waxa aad dareemaysaa xaqiiqo kale. Oo maxay tahay? Jaamcaddii afarta sano aad u kallahaysay waa aad dhammaysay. Ogoow oo afartaa sano baahidaada cid kale ayaa masuul kaaga ahayd, maanta se cutubkaasi waa uu xidhmay!

Waxa aad foodda saartay jid kale oo ka sii dheer kii aad shalay soo martay, oo maanta ugu yaraan waxa aad – masuul ka noqonaysaa – baahiyaha naftaada, iyada oo masuuliyado kale oo dheeraad ahina meertadaada ku soo biirayaan.

Abaal badan ayaa lagugu leeyahay, sidii aad u celin lahaydna waa hawl ku sugaysa. Abaalkaas intiisa badan waxa kugu leh waalidkaa iyo ciddii kale ee noloshaada ka soo qayb qaadatay. Marka xiga, dalkaaga iyo dadka aad ka dhalatay ee aad wax u soo baratay, ee shalay ku caleemasaaray, ayaa ay tahay in aad abaal u celiso, oo waajibka kaa saaran aad ka soo baxdo.

Qabyada kuu taallaa waa mid badan. Waajibaadyo ay tahay in aad xambaarto ayaa ku sugaya, adiga ayaa ay ku sugayaan. Hoggaankii berrito waa adiga. Adeegihii berrito waa adiga. Macallinkii berritoole waa adiga, oo wax kasta oo jiraa berri waa adiga, maxaa yeelay maalmaha soo socda adiga ayaa ah hoggaanka mustaqbalka iyo hormoodka ummadda.

Hilinkaas iyo hawaalihiisa haddii aynnu isla garannay, bal aan isku dayo in aan wax yar kaaga iftiimiyo timaaddada kugu soo foolka leh iyo sida xaalku noqon karo. Waxa aad u dhalatay oo ka dhalatay ummad wax weyni ka maqan yihiin.

Waa ummad laga nasiib badan yahay, jirtadeeda iyo taladeedana gacmo kale ku jiraan. Waa ummad khayraadkeeda lala leeyahay, oo sharafkeedu liidato. Ummad aan meeqaam iyo macno weyn ka lahayn fagaaraha adduunka, ummad kala qaybsan oo qabyaaladi dishootay.

Ummad qaadka iyo qabiilku yihiiin labada shay ee soo deddejin doona dabargo’eeda. Ummad loo foolxumeeyay dalkooda, oo la nacsiiyay. Ummad gudaheeda lagu qadiyay, marka ay dalkeeda ka baxdana cad quudheed la siiyo. Ummad aan laga caawin oo aan laga taageerin kaabayaasha lafdhabarta u ah nolosha. Ummada aad ka dhalatay waa ummadda astaamaheedu sidaa u foosha xun yihiin, ee iyaduna qaayibtay xumaanta, xumaan wixii u darnaana iyadu dhexdeeda isu geysatay.

Sida aad ogtahay, ummaddaada kuwa xilka loogu dhiibaa 90% bilaha u horreeya ayay boobka hantideeda yar filooyin iyo dabaqyo dhaadheer kaga dhistaan. Ummadda aad ka dhalatay waa ta aan marnaba la xisaabtamin cidda masuuliyadda u qaadda, waa mid aad aqoon xaqa ay ku leedahay kan xilkeeda qaadey iyo waajibka iyada lagu leeyahay midnaba.

Ummaddaadu waa ta neceb shaqada adag iyo wax soosaarka, ee qof kasta oo ka mid ahi fekerayo sidii uu hawl fudud oo waqti yar uga heli lahaa macaash buuran, oo isaga iyo qoyskiisuba ka dhergaan. Alla hawsha kuu taalla iyo golaha aad hab ku soo tidhi wiilyahow/gabdh yahay, dhib badanaa!

bidhaantaa iyo aayatiinkaa werwerka leh aan kaa yara qariyo e bal dhan kale nasiib-wanaaggaaga soo eeg: waxa aad ku dhalatay oo aad leedahay dalka adduunka ugu hodan san uguna barwaaqada badan.
Waxa aad leedahay dhul Ilaahay ku mannaystay khayraadka xoolaha nool
Waxa aad leedahay xeebo dhaadheer oo kalluun iyo khayraad kale ka
Waxa aad leedahay waddan dhul beereedkiisu 95% ka badan yahay, (waddan illaa xeebihiisa laga beeri karo timir cuntooyin kale).
 
Waxa aad leedahay dal Ilaahy ku mannaysatay macdano kala duwan oo qaali ah, oo weliba dusha sare daadsan oo aan u baahnayn qodaal iyo godad hoose oo shaqo badan u baahana amma [kugu dumi kara].
 
Waxa aad leedahay dal uu ceegaago
Waxa aad leedahay dal ku yaalla meelaha adduunka ugu habboon ee xagga meel-fadhiga (strategy).
 
Waxa aad leedahay dal cimiladiisu ay tahay tan ugu wanaagsan adduunka, sababta oo ah dhulkaagu malaha baraf iyo kulayl, kamana dhacaan duufaanno iyo dhulgariirro (Alle ha innaga hayee).
 
Waxa aad leedahay dhul ay ku nool yihiin dad isku midab ah, isku diin ah, isku af ah, oo isku mad’hab iyo isku dariiqo ah.
 
Waxa aad leedahay dhul leh taariikh aad fog; (ogoow Masaaridii hore iyo Giriiggii hore waxa ay u soo hiloobi jireen dhukeenna, oo ay ka qaadan jireen udugga iyo waxyaabaha la mid ah).

Marka aad isu eegto dadkaaga iyo dhulkaaga, waxaa kuu soo baxaya farqi aad u weyn, waana halka aad ka fahmi karto hawsha kuu taalla baaxaddeeda iyo gunteedu inta ay le’eg tahay.

Intan kale ee kooban, haddii aad ila fahamtay, waxa aan rabaa in aan ku siiyo talo wixii aan kuu geysan karo.

Ardayahow wax bartay, wiil iyo gabadh ka aad tahayba, gobol kasta iyo geyi kasta oo Soomaliyeed, oo aad joogtidba talooyinkan iga guddoon:

Horta wax yar aan ku xasuusiyo e; maalintii ku xigtay qalinjebintaada, waxa aad ka fekeraysay waxa aad qaban doonto iyo meesha aad shaqo ka heli doonto. Madaxaaga waxa ku soo dhacayay magacyo iyo hebello aad is lahayd wax ay kuu fududayn karaan in aad shirkad ganacsi ammaba xafiis dawladeed shaqo ka bilowdo.

Niyadjabka kaaga imanaya shaqo-la’aanta ka jirta dalka, qorshe la’aanta masuuliyiinta talada haysa ee meella aan u diyaarin kumannaanka arday ee sida isdabajoogga ah uga soo baxaya xarumaha waxbarashada ayaa ka mid ah caqabadaha runta ah ee aad wajahayso. Isla caqabadahani waa kuwii kellifay in saaxiibbo badan oo aad garanaysaa dalka ka suudalaan, dabadeedna badaha shisheeye yaxaasku kaga haagay, amma intii ka badbaadday silica ugu nool yihiin dhulal shisheeye.


"Ninkii haayiray ee ka tagay hodanka ciiddiisa;

Haydalashka uu maganta u noqdey buu abid ka hoosayn!"
Macallin Dhoodaan, AHUN.
Haddaba, aqoonyahanka soo baxayoow, waxa aad maanta taagan tahay halkii ay kula baydheen dariiqii adkaa ee guusha ku dhammanayay, iyo dariiqii fududaa ee guuldarrada, dawarsiga iyo foolxumadda ku dhammaanay. Si haddaba aad u marto dariiqa guusha waxa lagaa rabaa:
Ugu horrayn naftaada aqoonsi iyo kalsooni buuxda sii.
 
Garawso oo aammin in naftaadu muqaddas tahay.
 
Aammin oo ku niyadsamow in aad tahay qof Alle karaameeyay awoodna u leh in uu nolosha wax ka beddelo.
 
Garowso hibada iyo awoodaha Alle kugu galladay, han sarreeyana yeelo.
 
Go’aanso oo guddoonso in aad ciiddaada jeclaato, kuna feker in aad hoggaamin iyo hal-adayg yeelato.
 
Xaqiiqso in sharafta ugu weyn ee aad dunida ka heli karto meesha aanad marti uga noqon karin tahay ciiddaada.
 
Rumayso in ayaantaadii ay maanta tahay, bulshadaaduna baahi kuu qabto.
 
Ku talogal in sidii aad uga xoroobi lahayd labada cudur ee bulshadaada qayrkeed ka reebay haddii aan Eebbe ka cayminna ay dabargo’i doonto (qaad iyo qabyaalad).
 
CV qurux badan in aad diyaariso, oo aad ku xerayso laba ama saddex shirkadood oo horeba ay u buux dhaafiyeen kumannaan CV kaa soo horeeyay ha ku dagmin hana ku qancin.
 
In aad noqoto maalqabeen adduun badan haystaa yaanay yoolka aad wax u baratay marnaba noqonnin.
 
Adiga iyo [intii kula qalinjebisay] oo isu tegay ayaa abuuri kara shaqo aad ku noolaataan; ogaadana in aydaan gaajo ugu dhiman doonin dalkaa qaniga ah ee Rabbi idinku uumay.

Ugu dambayntii, iskuduubnidiinna ayaa ay ku suurtagalaysaa in aad wax weyni iska beddelaan qaabka uu yahay xaalka dalkiinnu. Awooddii wax ka qaban lahayd jihooyinka siyaasadda, arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulsho waa idinka oo aamminsan in rejadu idinku jirto.

Intiinnii maanta ka qalinjebisay jaamacadda magaalada aad joogto, tirada ay doonaan ha ahaadeene, isku-xidhnaatiinnu waa bilowga iyo tallaabada ugu yar ee isbeddelka noloshiinna iyo ummaddiinna. Tallaabo kastaaba hilinmar ayay bilow u tahaye, haddii aad samaysaan ururka ardayda jaamacadda ee gobolkaaga, amma magaaladaa aad joogto, qorigaa iftiimaya haddii aad isu dhiibtaan – waxa aad iftiin weyn gaadhsiin kartaan dhammaan gobollada dalkiinna.

Dardaarankaaga iyo kayguna ha ahaadaan; in laga fayoobaado labadii cudur ee dilaaga ahaa: qaadkii iyo qabyaaladdii!

Haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo;

waana lama huraaan ee hagar li’i wax ugu qabo.

W/Q: Mustafe Cali Ducaale