SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Saxiibkay ayaa Email Aakhiro iiga soo diray !!

Wakhti kasta oo aad firaaqo haysato waxa aad jeceshahay ,in aad furato Computar kaaga ,adigoo raba warar amma barnamijyo adiga kuu gaar ah in aad ka fiirsato .waa hadii aad tahay mid ku xidhan aalada Internadka .

Adiga oo soo daalay isla markasina yimi Gurigaagii amma Xafiiskagii amma goob kale oo aad markaasi dan ka leedahay ,markii u horaysay ee aad fadhiisatay ma laacday oo masoo qabsatay Computarkagii Gacanta.

Qofkasta oo inaga mid ahiba sida aan isleeyahay, marka u horaysa ee uu Computar-kiisa furo waxa uu hubiyaa bal in wax fariimo ahi ay uga yimadeen as-xaabtiisii kadibna waxa uu sii guda-galaa barahiisa fariimaha loogu soo hagaajiyo, sida Facbooka Hotmail ,Gmail iwm.

Maxay ayaad dareemi lahayd hadii marka u horaysa aad Indhaha ku dhufato Fariin kaga timi saxiibkagii amma saxiibadadii runta ahayd, balse aad ku ogayd in uu Geeriyooday ,wakhtigan xaadirkana aanu muran kaaga jirin in uu Qabriga amma Xabaasha jiifo.sawmaha wax ar-gagax-leh !!

Bal aynu waxyar u samirno saxiibkeen oo inooga sheekeya sida ay wax u dhaceen :-

Waxaan imi Guriga aniga oo daalan,waxyar ka bacdi markii aan is-idhi waa uu kaa ba'ay daalkii,kadibna sidii ii caadada ahayd waxa aan soo qabsaday Conputarkaygii gacanta oo aan sidaa iigaba fogayn.

Markii aan shiday Computar-kaygii kadibna uu diyaar ii noqday ,ayaa waxa aan si toosa u gudagay Hotmail-kaygii ,si aan uga fiiriyo in ay wax fariimo ah oo cusubi ay igu soo dhaceen iyo in kale.

Layaab iyo amakaag !! fajac iyo filanwaa ! waxa markaliya ii soo muuqatay calamada Casaanka amma gaduudka qofba sida uu u yaqaano ,tasoo tilmaamaysa in Box kayga ay ku jirto fariin iiga timi saxiibkaygii aan Geerida ku ogaa.

Waxaa igu dhacay u qaadan-waa , sidii wax araga Indhaha wax ka khaldan-yihiin ayaan gacmaha ku maraan-maray,balse wali qoraalkii waa sidisii waxna iskama badalin,magaca ku qorana waa kii saxiibkay,tuugna ma xado ,Ilahay ayaa yaab ii keenay.

Waxaa igalay shaki ,Shaydaanka ayaa waxa uu igu yidhi ,waar malaha qofkii dhintayba saxiibkaa muu ahayn, ee saxiibka waa uu nool yahay oo waakan fariinta kusoo diray ,balse shaki-la'aan ayaan is-qanciyay ,waayo anaa Shaydaan uga war-roon xaalka saxiibkay ,madamaa aan ka mid ahaa dadkii marka Iilka la dhigayay gacanta ku qabtay.

Waxyar ka bacdi ,waxa aan iska-naaray Shaydaanka ,kadibna waxa aan Mooska Computarka dul-geeyay halkii ay fariintu ka ifaysay, inta aan Bisinka qabsaday ayaan furay ,Subxanaka-yaa cadiim,Allaw sahal amuuraha.

Markiiba waxaa si lama filaana aan Indhaha ugu kala qaaday Fariin saxiibkay katimi oo noqotay Filimaanta loo yaqaano Sex-ka ,waan ar-gagaxay waxa aan eegay hareeraha sida ay cidi i arakayso.

Waxa aan isku laabay Computar-kii aniga oo aan is-ogayn,hadana marlabaad ayaan ku laabtay waaba daahir-yaashamis ,waa fariin ka timi saxiibkay kuna socota aniga ,waxaba igaga sii daran waxaa dusha sare kaga qoran erayga ah "hadyad qaaliya oo kaaga timi saxiibkaa" yaab ma Akhiraa Hotmail-laga soo diraa.

Waxa aan damcay in si dhab ah aan ugu kuur-galo halka ay waxanu igaga yimadeen iyo cida isoo dirtay ,kadibna waxa aan indhaha la raacraacay qoralada caday-naaya meesha ay Filimadani ka yimadeen,aakhirkiina waxa aan helay cida filimadan isoo dirtay oo ah Shirkad ku shaqaysata waxyabahaasi faxishada ah.

Aniga oo cadhaysan ,ayaan waxa aan markiiba, si degdeg ah, fariin cadho leh u diray shirkadii waxan isoo gudbisay ,igalamay daahin jawaabtiye ,waxa ay ii sheegeen in filimadani ay yihiin sida ay hadalka u dhigeen ,Hadyad uu saxiibkay uu iiga qorsheeyay ,tasoo wiigii kastaba hal mar la isoo dhici doonta.

Saxiibayaal hadaba iyada oo sheekadu halkaasi inoo maraysa aan wax yar dib idiinku celiyo,saxiibkaygan geeriyooday horta markii hore waxa uu ahaan jiray iyo waxa uu ka shaqayb jiray iyo waliba sida ay Filimadani iigu yimadeen.

*Saxiibkay waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah ,balse shaydaan ku ibtileeyay fiirsashada iyo ku foognaanta filimada aadka u anshiga xun,waxa uu ahaa nin wakhtigiisa inta ugu badan ku lumiyay waxyaabahaasi ay Diinti inaga mam-nuucday.

Waxa uu ahaa saxiibkay nin dhamaan waxbarasho ,Soon iyo Salaadba kaga habsaamay fiirsashada Filimadaasi aadka u qaabka daran,waxa uu ahaa nin balwadaasi ay si aad ah ula fogaatay dhalintii faciisa ahaana ku fogeeyay.

Waxa kale oo intaasi u dheeraa in uu dhalinyardii isaga la saxiibka ahayd sidaydaa iyo kuwii la faca-ahaaba uu wakhtigoodi ku seejiyay xumaanta isaga la falgashay ee uu kasoo noqon kari waayay.

Saxiibkay Allah ha u naxariistee waxa uu ahaa mid shilinka yar ee soo galaba inta badan siista Filimadaasi,dhalinyaradana ugu iibiya si ay ula mid noqdaan hadhaw , waxa uu ahaa nin ku caan baxay balwadaasi uu ku baloobay.

Geeridii saxiibkay!! Maalin maalmaha ka mida ayaa saxiibkay isaga oo wa'ta Gadhigiisa ayaa waxa uu u baxay safar gaaban, kadibna isaga oo jidka wayn ee Babuurtu ay aadka u marto xawli ku socda, ayaa si lama filaana waxa ay isku dhaceen Babuurkale halkaasi ayuu ku geeriyooday.

Saxibayaal wakhtigan aan Computar-kayga fariinta ku arkay waxa ay tahay ,wakhti uu saxiibkay uu Qabriga ku jiro ,balse Hadyad ku sheegtani aniga waxa ay igu soo gaadhay ,kadib markii uu saxiibkay intii uu noolaa Hotmail-kayga uu u geeyay shirkadaasi kana codsaday in ay Wiig-kasta filimo isoo diraan.

*Waxyar iga raali ahaada hadana aan sheekada qaybtii aynu kasoo gudubnay aan dib inoogu celiyo,si aan wax uga ogaano aniga iyo shirkadii hadaladii na dhex maray.

Saxibayaal shirkadii waxa aan u sheegay in saxiibkaygii waxan isoo hadyeeyay wakhtigan xaadirka ah in uu dhintay oo aanu noolayn,taas awadeed ayaa waxa aan ka codsaday in ay filimadan iga joojiyaan.

Waxa ay iga codsadeen si ay filimadan iiga joojiyaan in aan heli karo iyo in-kale Paswodkee saxiibkay ,balse waxa aan u sheegay in anan hayan ee uu la dhintay madama uu ahaa wax isaga u gaar ah.

Saxibayaal waxa aan ka fikiray bal in aan waxoogaa ayaamo ah aan u yar kaadiyo,aniga oo is-idhi waxaba dhici karta in ay kaa xidhmaan,balse waxaba dhacday in todobaad kasta ay igu soo *butacaan iyaga oo intii ka badan.

Waxa aan si cadho leh ula xidhiidhay mar-lanbaad shirkadii,balse waxa ay ii sheegeen in hadyadan shaydaan ay Hotmail-kayga kusoo dhici doonaan muddo dhan 4 afar Sano oo xidhiidha ah ,kadibna ay iga joogsan donaan sida uu heshiiskii ahaa.

Akhyaarey waxa ay ii joogsatay laba arimood oo kala ah :- in aan Hotmail-kaygan ka guuro Kab-iyo Xaarkeedna aan isla tuuro ,xidhiidh badan oo saxiibo ahna aan muddo ku waayo iyo in aan iska daayo hadyadaasi shaydaan,balse marka ay soo dhacdaba aan iska masaxo ,waxanan ku go'aan saday in aan iska titrtiro.

Guntii iyo gaba-gabadii,waxa aan naf-tiina iyo naf-taydaba aan kula talinayaa in aynu ka taxadarno fiirsashada iyo ku foognaanta filimadaasi anshaxa ka fog,qof kastawna waxa aad ogataa in Ifka waxa aad ku hayso amma shaqadaadu u badan tahay in aakhirana lagugu abaal marinaayo.

Bal u fiirsi ninkaasi dhalinyarada ahaa isdaga oo Qabriga jiifa ayaa dhaxalkii uu ifka kaga tagay waxa uu noqday xumaantaasi saxiibkii uu ka baxsan kariwaayay ,walibana ay dhci karto in intaasoo dhalinyaro ah oo uu baleeyay ay wadadiisii hayaan.

Ilahay waxaan ka baryaynaa in uu Ceebteena asturo xaqana uu ina waafajiyo.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar