SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Safiirka dalka Britain u fadhiya Sacuudi Carabiya oo Islaamay.

Safiirka dalka Britain u fadhiya Sacuudi Carabiya oo Islaamay ayaa ka mid noqday xujayda ac-maasha xajka gutay sanadkan Xaaji Simon Collis waxaa Xajka ku wehelisay xaaskiisa Huda Mujarkech.

Lixdan jirkaas ayaa noqonaya safiirkii u horeeyay ee UK u dhashay ee ac-maasha Xajka guta. Collins ayaa la soo sawiray isaga oo qaba labada go’ ee cadcad ee ay xujayda astaanta u ah.

Sawirkan waxaa markii hore Twitterkeeda soo dhigtay Fawziah Albakr oo ah gabadh Sacuudiyaan ah oo qoraa ah arrimaha haweenkana u dhaqdhaqaaqda.Collins ayaa Twitterka ugu mahad celiyay dadka wanaaga u rajeeyay ,wuxuuna sheegay in uu Muslimay ka hor inta uusan guursanin xaaskiisa

Wuxuuna intaas ku daray "hadalka oo kooban waan Muslimay kaddib soddon sano oon bulsho Muslim ah ku dhex noolaa ka hor inta aanan guursanin Huda".

Dublamaasigan Britishka ah ayaa danjire ka ahaa Sacuudiga tan iyo 2015-kii

Wasaaradda arrimaha dibaddana jagooyin badan ayuu ka soo qabtay isaga oo safiirro ka soo noqday Ciraaq, Suuriya, iyo Qadar.

Collis waxaa kale oo uu qunsul guud ka soo noqday Dubai iyo Basra, wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Tunis, New Delhi iyo Camaan.

Sanadkii 2012 wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ka soo saartay Suuriya kaddib markii walaac laga muujiyay ammaankiisa, wuxuuna dawladda Assad si cad ugu dhaliilay doorka ay ku leedahay colaada sokeeye.

Xigasho.BBC.Somali.com