SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Halku-dhigga maanta :- Bakhayl-ku ma qarsoomo.

Nin Bakhayla ah ayaa waxaa u soo hoydey niman marti ah, markii ay qolqolka isa soo taageen ayay weydiiyeen; "Reerku waa reerma?" markaasaa loo sheegay magaciisa. Waa reer "Colhaye".


Nin odaya ayaa yidhi; "Waar inta ay fiidka tahay aan iska gudno, ninkan anigaa aqaanoo waa marti bi’iyee". Nimankii kale ku yidhi; "u kaadi aan kula aragnee, durbaba ha noo dardaarwarine".

Waxoogaa ka dib, ayaa waxaa la arkay ninkii odayga ahaa oo neef sii jiidaya, macnaha doonaya in uu qalo, Nin martidii ka mida ayaa yidhi; "Sawtaa neefka laynoo loogey maaha, maxaad noogu deyrinaysay?".

Ninkii odayga ahaa ee ninkan bakhaylka ah yaqaanay ayaa yidhii; "ilama ahan" haddana mid kale ayaa yidhi; "Sawtaa hilibkii karayo oo reerkii hawsha ku jiraan,maxaa kaa si ah !"

Ninkii Odayga ahaa ayaa ee ninkan bakhayl-kaa yaqaanay ayaa hadana yidhi; "ilama ahan" Ninkii martida ahaa ee saddexaad ayaa yidhii; "sawkaa odaygii reerku saxanka wayn ee Hilibkaa ka inoo soo sida".

Ninkii Odayga ahaa ayaa mar kale yidhi; "ilama ahan" ka dib ayaa Colhaye markuu marayo ardaagii martida iyo guriga dhexdiisa uu kor u qayliyey,kuyee isaga oo la hadlaya islaantiisii .

Naa *Racwiyeey, waxa aan ku waydiiyay ,horta neefka caawa aan qalannayno waa ina-ayo?" markaasay marwadiisii ugu jawaabtey, "Waa dir Daylocad" intuu xeeradii dib ugula laabtay sooryadii uu sday ayuu yidhi; "Waa hore ayaan ku xila furey inaan hilibkeeda ninna cunin!".

Ninkii Odayga ahaa ee ninkan yaqaanay ayaa yidhii; "Waa kaas waxaan idiin sheegayey",taasi waxa ay ku tusinaysaa qofka bakhayl ka ahi si kasta oo uu ugu talagalo in uu cid wax siiyo amma sooryeeyo ,bakhayl nimadu maaha mid marnaba gafaysa.