SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Mucjisooyinka Quraanka iyo Axaadiista Qudhaanjadu way hadasha. W/Q: Sh Ibrahim Xirsi Galow.

Sida aynu marar badan ku xusnay daraasadaha koob kooban ee aynu ku soo qaadano Shareecadda Islaamka iyo cilmiga sayniska, waxaynu xusnay in markasta sayniska lagu cadeeyey shaybaadhku uu waafaqo Quraanka iyo Axaadiista Rasuulka NNKA. Maanta qormadan kooban waxaynu ku eegaynaa culimadda sayniska gaar ahaan kuwa ku xeesha dheer cayayaanka (Entomologists) ayaa waxay isku waafaqeen wixii ka dambeeyey 2009 in qudhaanjadu hadasho.


Culimadda Saynisku waxay daraasad ka sameeyeen in ka badan 200 oo nooc oo qudhaanjo ah iyo sida ay u wada xidhiidhaan xaaladaha nabada iyo colaadaba. Hore waxaa loo ogaa kolanyada kala duwan ee qudhaanjada ee dariiqa qulqulaysa iyada isdaba socota midna mid seega-hayn in ay isugu baaqaan walxo kiimikaad oo loo yaqaan (trail of pheromones), walxahaas oo u suurto geliya qudhaanjada in midkastaa guriga iyo derejada ay ku leedahay bulshada qudhaanjada aqoonsato.

Haddaba waxay culimadda saynisku daahfureen si cad in marka dhibaato ka hortimaado qudhaanjada ay wada hadasho oo cod isugu baaqado. Codkaasi wuxuu dhexmaraa boqorada ama hogaamiyaha qudhaanjada iyo qudhaanjada inteeda kale ee dhibka la kulantay si la isugu gurmado, xaaladana loo maamulo. Arintani muuminiinta muslimiinta ah fajac ku keenimayso waxayse sii kordhinaysaa iimaanka Alle hore ugu deeqay.

Ilaahay wuxuu Quraanka inoogu sheegay 1430 ka hor Suuratal Namal in Nebi Suleyman Naxariista Allah iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato (NNKA) oo wata ciidankiisii Jin iyo insiba uu ku soo baxay waadi qudhaanjo ah oo qulqulaysa. Ka boqoraddii ama qudhaanjadii hogaanka haysay ay la hadashay qudhaanjaddii kale oo tidhi: "qundhaanjayahay gala guryihiina, maxaa yeelay haddii kale Nebi Suleyman NNKA iyo ciidamadiisa ayaa idin burburin doona. Nebi Suleyman NNKA wuxuu ku qoslay hadalka qudhaanjada isaga Ilaahay waydiistay inuu ugu kaalmeeyo ka mahad celinta abaalka Ilaahay u galay isaga iyo waalidkii iyo inuu waafajiyo camal wanaagsan oo Alle Raxmadiisa ku geliyo oo uu ka mid noqdo adoomada Alle ee saalaxiinta ah:


حَتَّىٰ إِذَا أَتَوْا عَلَىٰ وَادِ النَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَا أَيُّهَا النَّمْلُ ادْخُلُوا مَسَاكِنَكُمْ لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَانُ وَجُنُودُهُ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ (18) فَتَبَسَّمَ ضَاحِكًا مِّن قَوْلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِي أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ الَّتِي أَنْعَمْتَ عَلَيَّ وَعَلَىٰ وَالِدَيَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَالِحًا تَرْضَاهُ وَأَدْخِلْنِي بِرَحْمَتِكَ فِي عِبَادِكَ الصَّالِحِينَ (19) سورة النمل
Culimadda saynisku waxay sameeyeen tijaaboiyin la yaab leh si arintan ay wax uga ogaadaan. Saynisyahanka loo yaqaan Luca Casacci iyo saaxibaddii oo ka tirsan machadka (Centre for Ecology & Hydrology, Wallingford, in the United Kingdom) ee lagu daraaseeyo cayayaanka (entomologist) wuxuu sheegay in ay cod gudbiye aad u yar (microphone) iyo cod duube (recorder) ay dhex dhigeen hoyga qudhaanjada. Ka dib waxaa qudhaanjaddii lagu sameeyey daandaansi iyo farogelin si loo ogaado falcelinteeda.

Waxaa la ogaaday in ay obacda ku leedahay sabarad ama waran (Spike) kaas ay la gaadho lugaheeda dambe iyada oo ka soo saartay cod ay dhammaan fahmayaan oo madaxda qudhaanjadda iyo kuwa mijihiiba isla garteen in dhibaato soo korodhay oo loo baahanyahay badbaado iyo difaac deg deg ah.

Waxaa la yaab leh codkii laga duubay boqoraddii amarka bixisay ayaa qudhaanjaddii guriga qudhaanjadda ka shaqaysa looga daaray iyada oo laga fogeeyey boqoraddii. Qudhaanjaddii si ay ugu jawaabaan amarka boqorada oo ay u haystaan iyadii oo dhab ah ayey ku soo urureen goobtii codka boqorada laga daaray ilaa dareemayaashoodii (Antennae) ay la dhaceen cod-baadiyihii (sameecaddii). Waxaa markale loo daaray cod kale oo culimada saynisku samaysay oo ku dhaw kii boqoradda qudhaanjadda hase yeeshee qudhaanjaddii codkaasi dheg uma dhigin.

Ugu dambayn waxaa culimadda saynisku daahfureen in ay jiraan noocyo cayayaanka ka mid ah oo canjila codka dhabta ee qudhaanjadda si inta ay u soo ururaan ka dib u ugaadhsadaan qudhaanjadda. Cayayaankaas waxaa ka mid ah balanbaalista loo yaqaan (blue butterfly) iyo dirindiirteeda (caterpillars).

Gunaanad iyo gebogebo

Arintani waxay ina tusaysaa mar kale iyo sida Ilaahay uu Kitaabkiisa iyo Sunnadda Nebiga NNKA innoogu sheegay aqoon markasta bani-aadamku aanay ogayn oo in aynu sidaas ku rumayno Alle inagu adoonsaday. Waxaa la yaab leh qaar muslimiinta ka mid ahi inay maanta noqdeen mulxidiin Ilaahay iyo Rusuulkiisa NNKA iskaga tegey. Aan diinteena iyo aqoonta maadiga ah oo markasta ah qayb diinta ka mid ah iyo Towxiidka Allah ee laga dheehanayo kownkiisa (توحيد الربوبية) aan ku dadaalo in aan barano.

W/Q: Sh Ibrahim Xirsi Galow.