SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisadii la-magac-baxday :- Qur'aanka jiidhay !

Waa maxay Quranku ? Quranku waa waa hadalkii Ilahay ee mucjizada ahaa, taasoo lagu soo dajiyay Nabi Muxamad (Nabad iyo Naxariis korkiisa ha-ahaatee) ayadoo loo soo marsiiyay Malagii sharafta lahaa ee Malakul Jibriil.


Qur'aanka waxaa uu Allah u soo dajiyay inuu ummadda dastuur u noqdo, Dunida oo dhanna uu nuur u noqdo, kasoo cadaynaaya xaqnimada nabi Muxamad csw in uu yahay Rasuulkii Rususha Ilahay ugu dambeeyay .

Sheekadani waa qiso ka dhacday dhulka Somalida,wakhti aan sidaasi u fogayn ,taasi oo ku tusinaysa in dadka Somalida qaar ka midii aanay faham sanayn Quranku waxa uu yahay iyo ujeedada ugu wayn ee uu Ilahay usoo diray.

Sheekadii waatan ee la soco ,qofka inoo waramayaana waa Canbaro:-

Waxa aanu deegaan ku ahayn dhulka Somalida ee ku yalaa dhinaca Miyiga amma Baadiyaha gaar ahaan dhulka hawdka ,waxa aanu nahay dad xoolo dhaqata ah,Ilahay mahadi ha ka gaadhee waxa aanu haysanaa waxa ay Somalidu u taqaano shanta maal Aduunyo.

Waxa aanu nahay amma lanagu tiriyaa in aanu kasoo jeedno ,kuwa ugu xoolaha iyo Xeryaha badan dadka dhulkaasi yaala, Ilahay mahadi ha ka gaadhee habeena balo nooma soo hoyan hadii noo soo hoyatayna nagumay badnayn.

Waxa aanu ahayn dad ka caado dhigta ku dhaqanka Diinta Islaamka ,walaw hadana anaan si fiican u aqoonin , Soon iyo Salaad midna nagama tagi jirin ,gaar ahaan dadka yaga waawayn ee markaasi reerka jooga ,Sa'ko iyada daa hadalkeed in ay nagu baaqato ,waa waxa uu Ilahay xoolahaba noogu barakeeyay.

Sa'ko kasta oo aanu bixinayno waxa aanu gacanta ka saarnaa Culimada markaasi deegaanka joogta ,si ay iyagu u siiyaan cidii kasta ee ay Sakadu ku baxayso,waa intii ay noo sheegeen culimadu wax ka dheerada ma naqaano .

Diin iyo Culimo jacayl halka aanu ka gaadhnay,hadii mid ka mida Awrta aanu rarano uu naga xanuusado amma balaayo kalaba ay ku dhacdo, waxa aanu uga Qardhaas xidhanaa culmada ,gaar ahaan kuwooda *Tufta leh.

Odayga reerka markasta Waysada iyo Tusbaxa ayaa midna Qoorta u sudhnaa kan-kalana garabka,waxa uu hal-hays u lahaa oo uu nagu waanin jiray intii uu noolaa ,ka xirsi-xidhashada Culimada dawaafka ah ee had iyo jeer xiliga Gu'ga reeraha kusoo faafta,kuwaasi oo ka gurta xoolo ay noogu sheegeen Sa'ko iyo sadaqo kolba kii aad ula niyooto.

Inkastoo la saadalin jiray xiliga iyo wakhtiga ay culimadaasi reeraha kusoo foolka leeyihiin ,hadana mararka qaar ayay kadiso kuugu imanayaan ,waxaana caado u ahaan jirtay in inta aadan muuqooda arag in aad maqasho dhawaaqa xadrada aad moodo in ay Masraxa kusoo galayaan.

Hadii aanad markaasi culimadaasi aanad geedka uga horayn , oo inta ay Xadrada ku shawakhsan yihiin aanad u diyaar garayn shaah iwm ,waxa laga yabaa in aad istidhaado inkaar ayaa xagooda kaaga iman doonta.

Mucdii sheekada :-

Waxaa guriga ii joogta gabadh gashaanti ah oo aan dhalay,gabadhaasi oo ahayd mid u dhalatay hawl karnimo iyo daacad ,balse xaalkeedu iminka ma fiicna ,wax haysta iyo wax ku dhacaytoona ma naaqaano, Ilahay ayaa og ,waa la amuusiyay uun.

Inantaasi aan dhalay in muddo ah ayay iga xanuun-sanaysay,sida runtaa cilinkeeda ayaanu saari waynay,inkasta oo aanay badnayn hadana dhakhtar magaalo waanu gaynay, waxba waa uu ka tari waayay.

Somalidu waxa ay ku maahmaah-da ruux-buka boqol u taliye ,inantaasi wadaad iyo waranlaba waanu kala quusanay ,guriga ayay noo dhex fadhidaa ,Ilahay ayuunba mar shinbir-malayko u keeni ayaanu talo ku gudoon sanay.

Waa goor maqrib ah,waxa aan odhankaraa xiligaasi ayuunbaanu dhamaysanay saladii Maqrib,waxa aanu caado u lahayn in qofka xiliyada maqribka dadka soo booqdaa uu yahay qof siloon oo saan-cadaale ah.

Waa maalin Arbaca ah ,waa maalintii ay culimada qaarkood kutubaha nooga akhriyeen in ay tahay Arbacadu Kulan Aw-liyaad ,balse ilayn caamo hadana caamo kale loo geeyay ayaanu nahaye ,markaliya culimadaasi kumanaan odhan Aw-liyadu halkay ku kulantaa maad na gaysaan , waaba kulan baraykaysane aanu ka qayb qadanee .

Waxaa si kadisa ah naga dul-yeedhay cod anaan xiligan filaynayn balse aanu si fiican u naqaano, digriga iyo dayaanka waad yaabtaa ,waxakale kuma garatide waxa naga dhaadhacsan in ay yihiin Aw-.liyadii oo isu xamaan guratay,bari iyo galbeedna isaga soo guurtay ,madama ay maalintuna tahay Arbaca sacaduna ay tahay Maqrib .

Reerkii dhamaan waa uu isu habar-wacday ,qofkasta hawshii dhinaciisa ku adanayd ayuu qabtay,barakada iyo bash-bashka culimada laga rajaynaayo yar iyo wayn looma kala hadhin ; waxaa dhagaha nooga buuxa dardarankii Alla u naxariisayga ee ahaa *culimo intaanay fadhiisan ayaa faraha wax loo galiyaa .

Ilahay waxa uu nagu-og-yahay waxba manaan hagranin, waxa aad mooda in aanu koronto ku shaqaynayno ,waxkasta oo aan markaasi ahayn Hilbihii iyo Cadadkii ay culimadu gaarka u lahayd waanu diyaarinay, kadib ayay dhulka badhida dhigeen ,hadal waxa ay ku bilaabeen duco iyo balaayo xijaab,aamiinta-ayaanu guray .

Xaajadayadu waxa ay maraysaa nin la sugayoow adna yaad sugu ,waxa aanu u jeesanay dhinacii xerada Adhiga ,marba neef dhagta qabo ,kan ka daa kaas soo qabo ,waxa aad moodaa ixtiraamka iyo xurmada aanu u hayno culimada ,in xoolihii aanu haysanayba wax u qalma aanu is-nidhaahno malaha xeradaba kuma jiro.

Ilayn waa culimoo marka si gobonima leh loo sooryeeyo waxa ay xaq noogu leeyhiin in faraqa loogu xidho ,wixii xoolo ahaa ee ay sahay ka dhigan lahayeen,*ahminka ayaanu u soocnay kadibna geedhalkaasi ah ayaanu ugu xidhnay .

Waxa aanu dabka u saaray adhiga kuwii u shishlaa ,wakhtiyar ka bacdina waanu uga soo hor-dhignay culimnadii suxuuntii waa-waynayd ee hilbaha baruurta wataa ay buuxaan hareerahana ay mindiyahii kaga daaban yihiin ,Allaa igu oge, in aanu nin kaliyii Mindiyahayagii wax ku goosan ,ninkastaa Ablaydisii ayuu dhinaca kasoo rujistay.

Markii ay culimadii gaajo iyo haraad kala degeen ,ayaan waxa aan damcay in aan culimada u muraad sheegto ,waxa aan uga waramay xaalka guriga gaar ahanna kan Inantan iga xanuusanaysa ee aan mudaba cilinkeeda saari waayay.

Intii aanan sheekada si fiicanba u dhamayn, ayaa wadaadada kii aan islahaa malaha waa uu ugu aqoon roon yahay , ayaa waxa uu igu yidhi gabadha na tus aanu aragnee ,kadibna gabadhii oo quruxdii jidh-keeda aad yaabto ,balse xaalkeedu adag yahay ayaan culimada hortoodii soo qotomiyay.

Sheekhii iyo culimadii markii ay inantii arkeen Indhahana ka buuxsadeen ,ayaa midkastaba sidii oo uu xishooday wajiga hoos u foorariyay ,balse waxa ila hadlay sheekhii xerta watay,waxaanu hadal kooban igu yidhi ,gabadhan xaalkeeda waanu garanaynaa !

Farxad iyo filanwaa ayaa igu kulmay,waxa aan idhi sheekh maxaa ku dhacay inanta ii sheeg, waxa uu iigu jawaabay waxyar halkaasi nagu sug ,waanu ka shuuraysanaynaa artinta inantane, xaynka ayaan qabsaday waxa aan fadhiistay meel aan sidaaba uga dheerayn.

Waxyar kadibna waa la ii yeedhay, waxana la igu wargaliyay in ay culimadu gu'doon satay in gabadhaasi lagu daro laguna nikaaxo sheekh hebeh oo ah midkii aan markii horaba islaha malaha waa kan ugu aqoonta badan.

Yaab iyo amakaag, dee sheekhow inantu way xanuusanaysaa ayaan ku idhi ,guur umaan wadin ,ma hadasho,dhaq dhaqaaq malaha,sidee ayay reer u qabanaysaa,mida kale waxa aan ku waydiiyay marka aad guursato ma cafimadaysaa.

Sheekhii isaga oo aan isba hawlin ayaa waxa uu yidhi haa-haa ,waa ay cafimadaysaa ,caruurna way dhalaysaa ,waanay barwaqoobaysaa,intaa wixii ka danbeeyay sheekhii ayaan isla habeenkii Inantii ku daray .

Waxa aan xasuusta iyada oo aan socon karayn,caqliga iyo garadkuna uu ka maqan yahay in ay daba -luuday, sidaana uu ku kaxaystay,waxa aan sameeyo maqaan ,waxa kaliya ee aan sidaasi u yeelayaana waa uun caafimaad keeda.

Waxba sheekha warkiisa yaan idin ku dalinine, inantii wax isbadala may yeelan sheekhiina waxa uu noqday mid hadba gabadha quruxda badan ee reer ka xanuusata ku kaxaysta way barakoobaysaa,waxa ay ku dhashay xanuunkii caruur badan cudur u kordha mooyaane cafimaad ha sheegin.

Moddo aad u badan markii laga joogo , ayaa hadana waxa sidii oo kale nosoo maray isla sheekha laftisii ,waa culimee waanu soor yaynay sahay xolaana waanu siinay,waxa uu iga codsaday in Inan(wiil) aan dhalay oo kuray ah uu xirta ku daro si uu Qoranka u barto.

Waxba iskumaan adkayne waan u ogolaaday,isla habeenkii ayaa inankaasina uu culimada iga raacay,in-kastoo aan sheekha wax badan oo aniga dhankayga aan u tirinaayo oo ay ka mid tahay Inantii uu iga kaxaystay iyada oo xanuusanayasa,hadana uu cidlada kaga tagay , hadana inankii aan dhalay umaan diidin.

Wakhti aad u badan ayuu lasoo joogay ,sanad sanadaha ka mida ayaa sheekhii oo wada inankii aan dhalay oo wax ka si yihiin ,ayaa gurigii nagu soo booqday aanu deganayn ,waxa uu igu yidhi inankaagii waa uu xanuusanayaa markaa waan kuu keenay.

Markii aan arkay in inankagii ay wax wayni ka si yihiin, ayaan waxa aan sheekhii ku idhi. sheekh maxaa inanka ku dhacay,miyaadan quraankii iyo diintii barin , kadibna waxa uu igu jawaabay *QUR'AANKA JIIDHAY ;waxa aan fahmi waayay Qur'aankan uu leeyahay waxbuu jiidhaa .

Waxa aan ku celiyay Sheekh waxa aad ii sheegtaa sida uu Qur'aanku wax u jiidho ,waxa uu iigu jawaabay marka uu qofku Qur'aanka si xad-dhaafa u barto,kadibna uu tafsiirka iyo xafidkiisa uu badiyo dadka Qur'aanku waa uu jiidhaa.

Waxa aan mar sadaxaad hadana waydiiyay , sheekh adigu Qur'aanka iyo axwaashisa oo dhan miyanad wada baran? kadibna waxa uu ii celiyay maya anigu waxa aan bartay oo kaliya Qiraa'ada Qur'aanka!waayo diinta lama wada qudh-qudhiyo waana baxaran-buxuur.

Su'aal kale ayaan waydiiyay aniga oo dhabanada haysta ,Sheekh Qur'aanka Ilahay soo dajiyay waxa aan u haystay in uu yahay Hanuun iyo Raxmad ,balse hada ma waxa aad ileedahay qofku haduu isku badiyo barashadiisa waa uu jiidhayaa oo ka qaalib noqonayaa subxaan.

Sheekhi hadaladayda inta danbe dan kama galin ,balse waa uu iska kay joojiyay ,kadibna inta uu xamaantiisii dhulka ka taalay uu qaatay ayaa uu iga dhaqaqay ,wax aan samayn karaa ma jirto,hadal kuma celin karo waayo Sodoh ayaan u ahay marna waa sheekhaygii.

Talo waxa aan ku go'aan saday in aan dhamaan miyiga oo dhan aan iskaga soo guuro madamaa waxan oo culays ah ay igu dhaceen ,waxa aan soo xaraashay dhamaan wixii markaasi xoolo ii joogay kadibna waxaan soo degay magalada Hargaysa,inankiina waxa aan geeyay goobaha loo yaqaano daawaynta Quranka (Ic-laajka) mashaa Allah waa wax Ilahay lagu mahadiyo,. Inankii waa uu iigu bogsaday.

Waxa kaloo aan u tafa-xaytay dhibkastaba hayga gaadhee in aan Inantii aan dhalay iyana aan Sheekhii kasoo kaxaysto,waxa aan safar u tagay goobtii ay daganayd,goor habeenimo ah oo markaasi uu sheekhiina guriga joogo ayaan u tagay kadibna waxa aan uga waramay muraadkayga.

Inkastuu uu markii hore iga diiday,balse hadana markii uu arkay in anan ka tagayn ayaa waxa uu ii ogolaaday in aan kaxeeyo,waxa aan keenay magaladii kadibna waxaan geeyay goobtii hore ee uu Inanku iigu cafimaaday,sidoo kale ayaa Ilahay mahadii Inantii waxaa ka dhex hadlay jiman iyo balaayo,balse markii danbe waa ay ii cafimaaday.

Gunaanad:-

Arimahan oo kale maaha arimo lala yaabo,waa arimo in badan dadka qaarkii ay soo maqli jireen,ammaba kusoo dhacay ,waxa kaloo wax lala yaabo ah in dadka qaar la aamin siiyay in uu Qur'aanku wax jiidho ,waa jaahil nimada Somalida wali ay ku danbayso.


Xaga Aaxaadiista waxaa ka mid ah kuwan soo socda:
Xadiiska Macnihiisu yahay: (Waxaa idinkugu kheyr badan Ruuxa Qur’aanka barta Dadkana Bara) waxaa wariyay Bukhaari{Allaha u RaNaxariistee}.

Waxaa kaloo tusiya Fadliga Qur’aanka Xadiiska Macnihiisu yahay: (Ummadeyda kuwa ugu Sharaf badan waa kuwa Qur’aanka Xifdiyay) waxaa Wariyay Tirmiidi {Allaha u Naxariistee}.

Qur'aankuna waa hanuun iyo hadyad uu Ilahay samada inooga soo dajiyay,la'aantiina aan la noolan karayan ,Qur'aanku waa cibaado,waa camal,waa hanuun,waa naxariis iyo waxkasta oo nolosha Aduunka kuu iftiiminaaya.

Waxa aan xasuustaa Ilahay khayr badan ha siiyee ,sheekh Maxamed Cali Jamac (Ina Gadhle) ayaa wakhti aad u fog waxa uu igu yidhi ,hadii aad aragto khurafaad ay dad aamin sanyihiin, meel uunbuu ku qoran yahay, waana wax dadka lagu halaynaayo.
khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com
 


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar