SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Halku-dhigga maanta .dhaqanka iyo dabeecada.

 
Raaxadu waa afar: Raaxada jidhka oo ku timaadda cuntada oo la yaraysto, raaxada ruuxda oo ku timaadda dembiga oo la iska yareeyo, raaxada qalbiga oo ku timaadda is mashquulinta oo la yareeyo iyo raaxada carrabka oo ku timaadda hadalka oo la yareeyo.

– Afar ka digtoonow: Ninka u cadhooda qofkii raalli gelin waaya, ka la fadhiista qof aan soo dhoweynayn, ka u baahi sheegta mid aan waxba ku dhaamin iyo ka ku hadla wax aan khusayn.

– Haddii uu ku dacwad yimaaddo nin isha laga soo riday, ha u xukumin illaa aad dhegeysato ka ka-soo ridayna gartiisa.

– Haddii aad la fadhido dad kaa aqoon badan dhegeyste fiican noqo,

– Weligaaba iska jir in aad hadalka ka dhex gasho qofku isaga oo aan dhamaysan.

– Laabta dadka xorta ahi waa sanduuqa sirta.

– Ha ka hadlin wax aanad war u haynin ama aqoontiisa lahayn.

– Carrabku waa turjumaanka caqliga qofka.

– Qofka xaqqa ka aamusaa waa shaydaan af xidhan.

– Dadka qaar meel kasta oo ay tagaan farxad iyo badhaadhe ayaa ay ka dhaliyaan, halka qaarkoodna marka ay tagaan laga waayo farxadda iyo badhaadhaha.

– Noloshu waa isu geyn, kala goyn iyo qayb: Isugee oo ururi asxaabtaada iyo dadka aad is jeceshihiin; Naftaadana ka jar oo ka fogow in aad kula dhaqanto dadkaa danaystenimo iyo bakhaylnimo; Jacaylkaagana si siman ugu qaybi dadka ku jecel. Waxa aad noqon doontaa ka dadka ugu farxadda badan.

– Haddii aad wax bixiso waxa aad tahay qof naxariis badan, laakiin ha illaabin in marka aad qofka baahan wax siinayso ay waajiab kugu tahay in aad indhahaaga ka ilaaliso aragtida cawradiisa.