SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqmeedka Somaliland midba waxbuu habeenkii ku seexdaa !


 
Waxa aynu halkan kusoo bandhigaynaa mala-awaal aan isleeyahay Siyasiyiinta iyo Madax-dhaqmeedka Somaliland qaar ka mida iyo midkastaaba waxa uu habeenkii marka uu sii seexanaayo ku fikiro agtiisa ugu muhiimsan :-

1.Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo,waxa uu inbadan u oomanaa in uu maruun Somaliland madaxwayne ka noqdo ,hadaba madamaa uu ku guulaystay ilaa hadana uu yahay Madaxwaynaha Dalka. kalmadiisa u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *yaa cimriga ii dheereeya ,aan dalka sii xukumee*

2.X.Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin.kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Xisbigii Udub waxa aan u baa'biiyay si anan mucaarad ugu noqon qoladan Kulmiye,sababta oo ah ,waxa ay nagu daba-galayaan xisaabi xilmalaha aniga iyo Marwadaba*

3.Gudoomiyaha Baarlamanka C/raxmaan Cabdilaahi Cirro , kalmada u danbayse ee uu habeenkii ku siixdaa ma waxa ay tahay *markaan talada qabsado, qarankan waxaan ku hogaaminayaa wada tashi iyo isu tanaasul,wixii diidana ,Maxamed Cali Kalay *

4.Muuse Biixi Cabdi oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye. kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay*Dadbaa u haysta in Musharax-nimadan Siilayo igu siiyay Dimuqradiyad ,kkkk waa ka war-ladihiin ,adeer shaanidii aan qarxiyay ayaan ku helay *

5.Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *shaw sirtaba wanan ogayne raganimadu waxay ku jirtaa ,kor-ka mucaarad ,hoosta ka muxaafid,hadanan sidaa yeelin Cabdiraxman Cirro ayaa dalka qabsanaaya *

6.Aqoon-yahan Musharax Jamaal Cali Xuseen. kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *Dadbaa igala taliyay Faysal Cali Waraabe! talaw Lacagtii aan sida gaarka u siiyay dadka ma u sheegaa *

7.X.Raysalwasaare Cali Khaliif Galaydh .kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *Siilaanyo waa saxiibkay,balse waan ka shakisanahay ,qushi Aakhirana meel la taga lehe reer Buuhodle aanu kala libidhno*

8.Safiir Cali Maxamed Warancadde ,kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay * Maraawaxid waxaa ii fiican in aan Ethopiya iska qabto intii aan inanka yar ee aan adeerka u ahay ag joog-joogi lahaa *

9.X.Wasiir Cawil Cali Ducaale kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *waan isu dhul dhigaya qoladan calan-castaa ,balse jab ayaan la maganahay ,Sicid Sulubna i fahmi maayo*

10.X.M/Xigeen Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax (Tolwaa).kalmada u danbayasa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Talaw maxaa dhacay nimankii Kulmiye ee aanu soo wada jabhadaynay xilba ii dhibi maayaane*

11.M.H. Ibrahim Dhagawayne kalmada u danbaysa ee habeenkii uu ku seexdaa ma waxa ay tahay *dalkii waa la haystaa ,dekadii aan wax ka qaadan jirayna wataa Carabta la siiyay ,waxna noo dhiibi mayaan*

12.X.W. Cabdilaahi geeljire .kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Ninkii samraa sadkiis hela *

13.G.X. Maxamed Kaahin Axmed kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Muuse Biixow waan ku dhisayaa hay khiyaamayn hadhaw,shanta sano markay kuu dhamadaan anaa Madaxwaye-nimada leh ,Shaani socon mayso *

14.G.X Axmed Cabdi Dheere kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *horta anigu jaran-jarada Madaxwayne-nimada Kulmiye halkeen kaga jiraa !!malaha magac uyaal ayaan ahay *

15.X.Wasiir Ismaciil Hurre Buubaa kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Somaliland meel ka banaani ma jiro , wali shacabka maan gaadhin ,waa in aanu qabanaa shir Garxajis si xaalada aanu wax uga badalno aniga iyo Axmed Mire*

16.prof Axmed Ismaciil Samatar kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Somaliland-tani waa siyasad miidhan,way iga yaabiyeen ,sacab , mashxarad iyo qosol ayay igu soo dhaweeyeen,Wasiirkii arimaha dibadana wali ma hayo *bal-adba*

17.Mujaahid Axmed Mire kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *kkkk dalkii intaan maqnaa ayaa la kala qabsaday,Jamacadii aan galay ayaa i hoday,waa in aanu Garxajis shirinaa aniga iyo ina-Buubaa oo aanu sheekada halkii-hada-halkii ka bilawnaa*

18.Wasiir Farxaan Aadan Haybe kalmada u daybaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay*anuu waan garanayay in aan mar uun Wasiir noqonaayo, hadaba waa in aan aniguna aan Shabeelo dhaqdaa ilayn si kale ku socon maysee *

19.X-agasime Mawliid Waris Cabdilaahi kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *aheeey ah, Xirsibaa i waalay !waakaa kursigaygii Farxaan Aadam Wasiir ku fuulay,Ucid-baan iska gali *

20.X.Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *dalkeena cashuurta kasoo baxdaa calaa qof waxa ay inoogu filan tahay 30dr*

21.Guruubka la magac baxay madasha ee uu ka mid yahay Xasan Guure,kalmada u danbaysa ee ay habeenkii ku seexdaan ma waxa ay tahay *waar madaxwaynahu ina maqli waaye macaynaaaaa*

22.X.Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa waxa ay tahay *waa kuwii dadku odhan jiray isaga madaxwayna ah ,maasha Allah ,ilaa Boqorada Ingiriska ayaa i taqaana *

23.X.Wariis Maxamed Biixi yoonis kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *waxani siyaasad maaha waa in aan iskaga tagaa sidii Cumar Carte*

24.X.Wasir Cabdicasiis Samaale kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxay ay tahay *waan qaldamay waxay ahayd in aan Wasiirkii Tacliinta iska qaato barigii,tolaay Abiib Timacad ayaa i waalay *

25.X.Wasiir Dr Xuseen Muxumad Maxamed (Xuseen-Xoog) kalmada u danbaysa ee uu ku seedaa ma waxa ay tahay * Ilaa iminka waxaan garan la'ahay cida Madaxwaynaha igu dirtay *

26.Wasiir Salebaan Ciise (Xagla-toosiye) kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *Midha Cali khaliifaaa ,walee halkan waynaan isugu iman,kolaan Xamar tagana*

27.X.Wasiir Dr Maxamed Cabdi Gaboose kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *inaan Libaax ahay way ogyihiin qoladan Kulkmiye, iga maarmi mayaan mar uunbay ii yeedhi*

28.Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Yasiin Faratoon kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa uu yahay *waar ma lahubaa ma wasiirka arimaha gudaha ayaan ahay,waa inaan Khudbadaha iska hagajiyaa oo sidii waxnool u hadlaa*

29.X.Mareeya dekada Berbera Cali Xoor-xoor kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa uu yahay *waar iga maarmi mayaan ,iminkaan u tagaya sheekhi raatubta ii akhriyi jiray,carkee *

30.X.Wasiir Siciid Sulub Maxamed kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *weger waxaan la yabanahay kuwan Kulmiye miyaanay aniga marna ii yeedhayn,cadhaan jiq ahay*

31.Wasiir Sacad Cali Shire kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Heshiiskan Dekada Berbera marka aan dhameeyo,talaw kursigaygan ma cidkala loo wadaa*

32.Wasiir Axmed Aadan Ismaciil (Axmed Kayse) kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay*shirarka qaar marka aan tago waan khajilaa,waxaan xasuusta ,sidii xumayd ee aan madaxwaynaha wax uga sheegi jiray,waar bal iga danbeeyow wax iskula hadh*

33.Gudoomiyaha Guurtida Salebaan Maxamuud Aadan,kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Guurtidan in aan iibsaday dadku ma oga walee wanan banayn kursigaasi*

34.Gudoomiye Xigeenka Baarlamaanka Mudane Baashe kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Gudoomiyaha baarlamaanka ninna iga qaadi maaya Cabraxmaan kadib, waayo waa la igu feedhay*

35.Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw-Xoog kalmada u danbaysa ee uu ku seexdaa habeenkii ma waxa ay tahay*tolaay mar hadaan Dekedii Berbera DP World ,ka joojin kari wayay tacabkay-be*

36.X.Wasiir Maxamed Nuur Caraale (Duur) kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *wax igu dhacay garan maayo khadkii siyaasadu waa iga xun yahay, malaha qoladii Ciise ee barigii ayaa i-inkaartay "yaab-aragnay *

37.Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *marhadaan Bali-mataana degmo ka dhigay,rag aan aqaanana aan iska celiyay ,waligoodba hay caayaan*

38-Wasiir Cusmaan Cabdilaahi Saxar-diid (cadaani)kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *wasiirnimadu macanaa ,farxadayda waad yaabtaa,balse dadku hayga raali ahadaan marmar wan yar jiboodaa*

39-Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *mar hadaan Xirsi meesha ka eryay ,madaxwaynahana aniga ayaa dhatiisa ah*

Dhinaca Madax-dhaqameedka.

1.Suldaan Maxamed Xirsi Qani kalmadda u danbeeya ee uu habeenkii ku seexdaa waxa uu yahay *hadii dan laga leeyahay Dalkan ha la dajiyo*

2.Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilqaadir , kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Somaliland waa muqadas !! Xamar yaa talaw war ka haya*

3.Suldaan Yusuf Muxumad Xiiray ,kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *waanu yaabanahy qoladan Kulmiye waxaa ka fiicnaa nimankii Udub,Ilahay Janada haydin galayo reer Oduboow,Daahir Rayaale dabadii dabmanaan shidin *

4.Suldaan Cabdiraxiim Saxardiid Kaahin *anigu waxa aan ahay Suldaanka Guud ee Somaliland iyo D-Jabutiba,Afar luqadoodna waan ku hadla ,je roi*

5.Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi (Mahad-Caraj) kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *mar hadaan degmadii Bali-Mataan aan Shan Tuulo u balan qaaday, maxaan kaga tagay Suldaan Xiiray*

6.Saladiinta Boorame oo ah saladiin inta badan u dooda deeganka iyo dhulka ay kasoo jeedaan.kalmada u danbaysa ee ay habeenkii ku kala tagaan ma waxa ay tahay *Xaqayaga ha nala siiyo,hadii kale Suldaan Wabar ......*

7.Suldaan Abibakar Cilmi Wabar kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *reer Boramow waxba ha calaacalina waydinkii Jabhadii AARA soo raaci waayay*

8.Suldaan Maxamud Axmed Sheekh kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *Berbera waa la qaatay reer Berberoow*

9.Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ka mida saladiinta Burco ,kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *waar dadku may Ilahay ka cabsadaan*

10.Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo ka mida saladiinta Gobolka Hawd.kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *dalka anaga xoraynay,waxna kuma qabno*

11.Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdilaahi oo ka mida Saladiinta Hargaysa,kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Degmooyin-kayaga miyaa la ilaabay *

12.Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi kalmada u danbaysa ee uu ku seexdaa ma waxa ay tahay *Somalilandtan inaan danbidhaaf Ilahay waydiisto ii diiday, walee Xamarbaa ii dhaanta*

13.Boqor Cusmaan Buur-madaw kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Ninkaygii Dunida oo dhan lasoo shiray ,ayaa maanta inama yaryari WhatsApp hoos dhigeen ,walee dibanan u galin shir danbe oo WhatsApp lagu qabanaayo*

14.Garaad Jaamac Garaad Ismaciil ,ahna garaadka Laascanood , kalmada u danbayse ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay*Somaliland-tu waa raaxo,Khatumaduna inay halkooda iska joogaan ayaa fiicnaan lahayd*

15.Suldaanka Guud ee Beesha Fi'qi-shinni ,Suldaan Mustafe Maxamuud Aw-Seed.kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay .Madashii laygu caleema-saray waxaan ka sheegay in aan suldaan siyasadeed aanan marnaba noqonayn,lakiin aan noqon doono suldaan dhaqan,umalayn-maayo in ay taasi soconayso, waayo ma-jiro Somaliland madax-dhaqameed ku eeg shaqadii dhaqanka,duruufta iyo danta reerkuna way kugu khasbaysaa in aad siyasada gasho.

16.Garaadka Khaatumo ,Garaad Jamac Garaad Cali .kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *ma garaad Jamaca Laascanood ayaan ka liitaa,maan dantayda raacdo,Saaxdheer maxaa yaala*

17.Suldaanka Guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldan Cabdiraxmaan , kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *waar heedhaha meeshan dawladi ma jirto,Sabaystana Suldaan maha *

18.Suldaanka Naasir Suldan Cabdi Ismaciil,kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *waanu yaabanahay qoladayadan Gabooye,wasiir ma lihin,degmo ma lihin ,tuulo miyi ma lihin,waar sidan naga daaya*

19.Suldaan Mawliid Sabayste oo kamida saladiinta wakhtigan xaadirka ah aad TV looga maqlo.kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa uu yahay *Hargaysi Bad ayay u bahan tahay *

Intaasi waxa aynu kusoo gaba-gabaynaynaa kaftankii aan turxaanta lahayn,taasi oo anay jirin wax xumaana oo aan uga jeeday ,balse waaxa uun ay iga ahayd kaftan iyo faalo wada socda.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com


W/Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar