SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dulucda , Dardaaranka Ambaasaddor Cawil Adowgii ka dhaxlay.

Sidda Ambaasadoor , Xuseen Cali Ducaale , ku qoray , Buugiisa dhawaan soo baxay ee la yidhaahdo , Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed , wuxuu ku sheegay , In Aabihii Cali Ducaale , u dardaarmay markii geeridiisu soo dhawaatay , dardaarakan .

"Aabbahay waxaan kala hadhay toddoba dardaaran." Anigu laba ayaan ku dul hakaday, 1aad iyo 4aad:
1. Beesha aad ka soo jeeddo dhex fadhigeeda ha badsan.
4. Beel waliba mar bay waalataa oo cilinkeeda la saari waayaa, oo gardarro iyo dagaal aan loo baahnayn ay madaxa la gashaa. Marka ay sidaasi dhacdo, meesha "Isixaaq" maro adiguna mar, halkaasaa khayrku ku jiraaye.
Buugga "Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed", Xuseen Cali Ducaale "Cawil", 2016.

Sidoo kale , Buugiisa kale ee la yidhaahdo , '' Search For new Somali Identity'' Cutubkiisa la yidhaahdo , My Childhood , wuxuu ku xusay ,

In aabihii kula dardaarmay , Haddii beeshiisa iyo abtiyaashii is qabtaan inuu ka fogaado oo aanu u kala hiilin , haddii beeshiisu is qabatana , inuu raaco dhanka Isaxaaq talada iska taago , wuu sii waday oo wuxu yidhi , Dantaada , noloshaada iyo khayrkuba sidaas bay ku jiraan .

Hadaba Dardaarankani muxuu daaran yahay ?

Sidda sooyaalka Taariikheed laggu soo wariyey , Odaygii la odhan jiray , Care Siciid Garxajis , ayaa inamadiisii u duceeyay , waxaanu ugu duceeyay sidan .

1- Muuse Carre , '' Madaxaaga ayaan Mubaax ka dhigay ''

2- Ismaaciil Carre '' Cududaada ku ciil bax ''

3- Isaxaaq Carre '' Nabad iyo Caano ayaan kuugu oghay ''

Sidaa darteed , Ducadii Odayga ayaa alle aqbalay oo mid waliba wixii loogu duceeyay baa alle siiyey , Muuse Carre , Ibaxnimo iyo Aqoon buu helay , Ismaacii Carre tiro badan iyo faro ayuu helay , Isaxaaqna Nabad iyo caano ayuu ag joogaa , waligiina waa nabad raadis

Sidda la sheegay , Labba jeer ayaa Hargaysa qalaan-qal ka dhacay , mar waxay ahayd 1946 , qulqulataddaa , Beesha Isaxaaq waxa kasoo gaadhay dhac xoogle , hasa yeeshee markii la heshiiyay , ayaa lagga cabsaday in beesha isaxaaq ku cawdhowday dhacaasi inay fidmo kiciso , hassa yeeshee , Beeshii Isaxaaq waxay go'aansatay in wixii Aduun ka lumay ay ka simirto , fidmo dambe oo dhacdana sidaa laggu baajiyo , Arrintaas oo aad loogu diirsaday , waxa la sheegay in Sheekha la odhan jiray Sheekh Cayngal aad ugu duceeyay , taasoo la aqbalay , beeshuna noqotay beelaha Somaliland ugu tijaarsan isla kontanaadkiiba .

Markale oo Hargaysa fidmo ka kacday 1994 , Beeshu waxay noqotay Harseedkii nabadda ee 17-bishii Ramadaaan 1995 Nabadda horseeday , Jidka Hargaysa iyo Berbera furtay , dadkii walaalaha ahaa ee kala irdhoobayna isugu yeedhay .

Dulucda Dardaarankana waxaan u fahmay , Inuu ula jeeday , Aabe Nabadda waligaa ogoow , ilayn mindhaa Isaxaaq waa Nabade

W/Q .Garyaqaan. Axmed Nuur Guruje.