SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Beenta Internatka lagu qoro oo faraha ka baxday.

Runtii wararka been abuurka ahi waa kuwo aad u halis badan, mararka qaarna ku gaadhsiin kara khadar aad u wayn,taasoo ay dhici karta in ay ku warwargaliyaan marka aad maqasho war si lama filaana kusoo gaadhay.
Waxa aad arkaysaa inta badan dadkii oo caadaystay Beenta dadka qaarna waxabay u noqotay shaqo iyo in uu maanta oo dhan kaga sheekeeyo waxyabo aan dhicin ,sida wararka beenta ee lagu faafiyo warbaahinta iwm.

Waxyabaha iyaguna hada inagu soo kordhay ayaa waxa ka mid ah warbaahinta qaar ka mida gaar ahaan Websatyada, ayaa waxa aad ku arkaysaa iyada oo lagusoo qoraayo dad la leeyahay waa ay dhinteen balse nool,ma fahmaysid wax looga jeedo.

Sidaa maanta dadka qaar beenta u caadaysteen ,hadii aad websatyada qaar kamida aad gasho waxa aad ku arkaysii war been abuura oo aan jirin kaaso dhamaantii ah mid la sameeyay oo la rabo in bulshada lagu marin habaabiyo.

Arintani maha mid Somalida oo kaliya gaar ku ah ,waa mid dhamaan aduunka oo dhan haysata ,ay adag tahayna sidii looga hortagi lahaa ,waayo qofkastaba waxa uu haystaa bar uu waxa uu doono uu ku qoro ,sida facbook iwm

Hadaba si ay taasi uga hortagaan ayaa dalka Shiinaha ayaa waxa uu xukuno kasoo saaray sidii uu uga hortagi lahaa dadka Internadka soo galiya wararka been abuurka ah ee aan jirin,kuwaaso dhibaato aad u badan ku haya bulshada.

Dad ay tiradoodu dhan tahay 197 qof ayaa dawladu ciqaabo kala gadisan ay marsiisay ,kadib markii ay aragtay in war aan jirin amma waxbadani ka khaldan yihiin in ay Internetka soo galiyeed ,dawladu waxa ay xidhay tiraba 165 bar internet.

Horaantii bishan siddeed iyo toban jir nin ah ayaa la xidhay shan maalmood, kadib markii uu qoray war qalad ah kaasi oo sheegay in qaraxii kiimikada ee Tianjin ka dhacay ay ku dhinteen 1300 oo qof.iyada oo ay dhimashada runtii ay ahayd 150 qof oo kaliya.

Hadaba hadii aynu nahay Somali bal qiyaas warbaahinteena Internatka maalintii imisa war oo been ah ayaad ku aragtaa ,mararka qaar ma istidhaahda warbaahinta qaar ka mida ma iska daysaa dhagaysigooda iyo akhriskooda.

Muran kama taagna in warbahinteenu ay u badan tahay warbaahin reeraysan,hadaad u fiirsato baraha warbaahinta waxa aad markaba dareemaysaa oo kuusoo baxaysa in badankoodu ay faafiyaan afkaarta iyo fikirada beeshooda.

Waabay fiicnaan lahayd hadii ay si xalaal ah u faafinayaan afkaartaasi beelaysan,balse waxa aad arkaysaa iyada oo afkaartasi beelaysan lagu weeraraayo beelkale ,kadibna beeshii kalana hadiiba ay websat leedahay ayana waxa ay wax ku soo qoraysaa bartooda.

Ma jirto waanay adag tahay in arimaha noocan ah wax laga qabtaa,waxana kuu muuqanaya in ay dhibaatooyinkaasi ay sii badanayaan ,maalinba maalinta ka danbaysana aad arkayso qoraalo been abuura oo kaa yaabiya-.

Waxyabaha aadka u layaabka badan waxaa ka mid ,waxa aad galaysaa warbaahin khaasatan websatyada ,waxa ay qoraal far waawaayn kuugu soo qorayaan kalmada ah , WAR DEG-DEG ah ,amma WAR NAXDIN LEH waxa aad is odhanaysaa bal eeg meeshan lagu rogmaday, sida uu kuu leeyahay halkan Cilk sii adna aad u daba socoto waxa isu kaa dhiibaya dhawr bayj oo midnaba aanay waxba ku qorayn.

Waxa ay heli karaan dadkaasi waxaasi qorayaa in ay alifaan oo ay sameeyaan waxyaabo bulshada faa'ido u leh ,kadibna waxa ay ku heli karaan dhaqalahan yar ee ay ku raadinayaan sida qaldan.

Taas waxaaba kasii daran websadyada qaar ka mida waxaa si toos ah loogu faafiyaa xumaanta iyo akhlaaqxumada ,waxa kaloo lasoo galiyaa wixii ay sawiro lahayeen hablaha Somaliyeed oo midkasta xumaan iyo faaxisho lagu sheegaayo.

Waxa aan kula talin lahaa hablaha Somaliyeed in ay ka taxadaraan Internatka ay sida fudud ugu baloobeen ,taasi oo shaykasta oo ay galiyaan maanta uu yahay mid banaanka yaala oo si khaldan ay u isticmalayaan dad xumi.

Qofkasta waxa uu shaqada ka dhigto Ilahay ayaa kula xisaab tamaya maalinta aakhiro,waan ogahay kolay kafku waa uu inaga dhacayaa balse in aynu shaqo ka dhigano xumaanta maaha, taas awadeed waxaa ila fiican in aynu ka taxadarno waxkasta oo aynu isleenahay sharafteena iyo karamadeena ayay dhawacayaan.
khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W/Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar