SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Kalyahayga mid ka mida ayaan iibiyay si aan Yurub ugu tahriibo!!


Runtii intii aan sheeko ku saabsan Tahriibka iyo dhibatooyinka uu leeyahay aan maqlaayay ama aan arkayay ,wali imay soo marin tan oo kale,wakhti aad u badan ayaan siyaa in dhalinyarada aan ka waraysto wixii uu kala soo kulmeen intii ay tahriibka kusoo jireen,balse sheekadani waxa ay noqotay mid aniga igu cusub.


Dhalin-yarada Somalida marka aad ka waraysato dhibatada iyo xanuunka uu leeyahay tahriibku,sadaxda shay ama sadax xaladood ayay kuu shegayaan in uu midba midka kale uu ka daran yahay ,waa hadii uu kasoo badbaadaan dhibaatoyinkaasi iyaga ah isla markaana uu Ilahay nabadkeeno halkii ay heegsanayeen naftana usoo biimeeyeen.

Sadaxda dhibaato waxa ay kala yihiin ee badanaa Somalida tahriibka kula soo kulmaa:-

1.Dhibta kasoo gaadha inta ay ku sugan yihiin safarka saxaraha Liibiya iyo xabsiga bilaa dawladda ah ee dilaaga Magafe.

2.Dhibta iyo halaaga ay kala soo kulmaan doonyaha yaryar ee shiraaqa buufimada ah taasi oo ay nafta ku biimeeyaan iyaga oo u raacayaa dhul u jira ugu yaraan kumaan kun klm oo badwayn cabsi ah .

3.Saxibadii ama saxiibadeed oo ay iyada oo Mayd ah kaga yimadaan badhtamaha saxarah ama Badwaynta gudaheeda.

Sadaxdan arimood maaha kuwo sahlan,waana dhibatooyin aanay jiri karayn in lala maseeyo waxyaabo badan oo maanta Dunida guudkeeda ka dhaca,sidaasi oo ay tahay ayaa hadana ay adag tahay in ay helaan noloshii iyo farxadii ay ku ilaabi lahayeen rafaadkaasi.

Hadaba dhalinti Somalidu marka laga tago dhibatooyinkaasi aynu kor kusoo xusnay oo dhamaanteed yimaada ama qabsada xiliga tahriibahu uu safarka socodkiisa ku jiro mooyaane ,wax dhibaata ah oo badan kalama kulmaan qaban qaabada iyo u diyaar garawga safarka tahriibka khaasatan dhinaca dhaqaalaha.

Qofkasta oo Somali ah gaar ahaan dhalintu xiliga ay qaban qaabada tahriibka u diyaar garoobayaan waa ay adag tahay in ay waalidkood u sheegaan in ay tahriibayaan ,waayo waxa ay og yihiin in aan laga yelayn safarkaasi xanuunka badan ee ay ku maqan yihiin kumanaan dhailinyaro Somaliyeed ah oo hadii ay noolaan lahayeen Dadkooda iyo Diintoodaba waxtari lahaa.

Hadaba waxaa dhalintii Somalida caado u noqotay in ay safarka tahriibka ay ka qariyaan waalidkood iyo ehelkooda isakana dhaqaaqaan badankoodu iyada oo aanay ogayn waxyabaha ay la kulmikaraan iyo waxa ka hor iman doona ,taasina waa casharo ay kala dhaxleen oo midiba midka kale uu macalin ugu yahay .

Waxa ay sameeyaan dhalinta Somalidu in ay marka ay safarkooda khatarta ah ay guda galaan,kadibna ay ku dhacaan af-Libaax sida Xabsiyo,Magafaay iyo Xanuuno iwm in ay waalidkood iyo dadkoodii ka naxayay oo iyaguba baadi doon ugu jiray raadintooda in ay lasoo hadlaan una sheegaan halka uu xaal maraayo,taasi oo sababta in dhaqaale aanu waalidku helikarayn in uu u tafaxayto si uu ilmahiisa uga badbaadin lahaa dhibtaasi uu cagahiisa ku raadsaday.

Waxa aan sheekada intaasi leeg usoo qaadanayaa in aan idin xasuusiyo in uu kala duwan yahay qaabka safarka tahriibka ay ugu diyaar garoobaan dhalinyarada Somaliyeed iyo kuwa ajaanibiga ahi gaar ahaan Eeshiya khaasatan Afgaanistaan iyo wixii la halmaala.

Dhalinta Somaliyeed marka ay khatarta tahriibka mid ka mida ay ku dhacaan ayay waalidkood lasoo hadlaan,waalidkuna tiiraanyada iyo murugada ay caruurtoodu ku jirto marka ay arkaan ayay u tafa-xaytaan dhaqaale aanay itaalkiisa lahayn ; balse ma lasocotaa in dhalinyarada kasoo tahriibka qaarada Aasiya in ay inaga duwan yihiin ama aanay jirinba waalid itaal u haya xataa in uu hal Shilin u diro ilmahiisa.

Waxa aan waraystay nin dhalinyaro ah oo Somali ah,waxa aan doonaayay bal in war iyo xog uu iga siiyo culayskii iyo dhibatadii xooganayd ee uu tahriibka usoo maray markii uu imanayay wadankan Sweden.

Ninkii dhalinyarada ahaa waxa uu iiga sheekeeyay in marka loo-eego dhibtiisa iyo dhibta badanka Somalidu ay soo marto xiliga tahriibka in ay tayayba mid aad u sahlan markaan la sheekaystay ayuu yidhi mid ka mida saxiibadayda Ajanabiga ah ee aanu ku kulanay xarumaha lagu hayo dadka caruurnimada isku dhiiba wadankan,kaasi oo u dhashay wadanka Afgaanistaan.

Waxa uu iiga sheekeeyay in wiilkan markii ay is-barteen,midkastaaba uu ka sheekeeyay dhibtii iyo saxariirkuu uu kasoo maray xiligii uu tahriibka xanuunka kulul kusoo jiray iyo qabkii iyo qorshahii uu meeshan ku yimi,haday tahay lacag iyo haday tahay si kalaba.

Ninkan dhalinyarada ah ee Somaliga ahi waxa uu iiga sheekaynayaa anigaygan hadda qoraalka idiin soo gudbinayaa qisso aad u xanuun badan,runtiina aan ka dareemay in ay tahay qisso iyo sheeko mararka qaar aan maangal iyo caqligal aan inala ahayn haday nu nahay Somali .

Waxa uu iisoo gudbiyay qissadii xanuunka badnayd ee kusoo dhacday ninkaasi dhalinyarada ahaa ee u dhashay wadanka Afganistaan ,taasi oo markii aan ka waraystay iila muuqatay in ay tahay mid ku haboon in aan akhristayaashayda sharafta leh in aan usoo gudbiyo si aad iila wadaagtaan.

Waxa kaloo iyana sheekada ka muuqata in wiilkan dhalinyarada ah ee u dhashay wadanka Afgaanistaan da'diisuna ay markaasi tahay 17 sano,markii uu dhilinyaro badan oo Somaliya uu la saaxiibay ugana sheekeyeen qorshayaasha iyo qaababka looga soo tahriibo dhulkooda uu u arkay in tahriibka somalida ama Afrikaba uu yahay mid naxariisi ku dheehan tahay ,waa marka loo eego kan uu isagu soo maray.

Hadaba isaga oo ka sheekaynaaya wiilkii yaraa ee u dhashay wadanka Afgaanistaan dhibtii iyo saxriirkii kasoo qabsaday qorshahiisii tahriibka iyo in uu qaybo jidhkiisa ka mida uu u iibiyay ,**hadana ay ka maqan yihiin si lacagta yar ee laga siisto uu safarka tahriibka yurub ugu beegsado waxa uu yidhi :-

La soco qaybta 2-aad.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

twitter @khadar_aar

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment