SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Puntiland oo dawlada Somaliya ku eedaysay in deeqaha Turkigu bixiyaa aanay soo dhaafin Xamar.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas oo dhaliilay mashaariicda Turkiga ay ka fuliyaan Muqdisho, Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa dhaliil kala dul dhacay mashaariicda Dowladda Turkiga ay ka fuliso Somaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

C/wali Gaas wuxuu sheegay mashaariicda Turkiga ay fuliyaan inay ka dhaxeyso Somali oo dhan, balse aysan laheyn cid gaar ah, wuxuuna sheegay Turkiga mashaariicda ay fuliyaan inaysan soo dhaafin sida uu hadalka u dhigay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Somaliya inay tahay dal Federal ah, marka la eego sida Turkiga deeqaha uu u qaybiyana wax badan ay ka qaldan tahay, sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne C/wali Gaas.

Turkiga in badan ayuu Somaliya joogaa illaa 2011 wax shaqo ah oo muuqata kama aaney qaban Puntland deeqda ay siinayaan Somaliya waa mid Somali oo dhan loogu talo galay Gobol gaar ahna xaq umalahan, mar waliba oo deeq waxbarasho ah ay keenaan Xamar iyo agagaarkeeda, Koonfurta Baay Bakool iyo Gedo Jubbooyinka ma soo dhaafaan, dhankan Puntland wax ay ka qabtaan malahan."

No comments:

Post a Comment