SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Booqashadii Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal.

Godoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi , ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE ,ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Veronique Lorenzo.

Guddoomiyaha KULMIYE oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magalada Boorama ee Gobolka Awdal, oo uu hawlo shaqo u joogay, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub Amb. Veronique Lorenzo hutelka Rays ee magaalada Boorama, halkaas oo ay kaga qaybgashay bilowga qaybinta kaadhadhka codbixinta waxay kaga wadahadleen xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, gurmadka abaraha iyo mucaawanoyinka Somaliland ka hesho dawladaha Yurub.

Gudoomiye Muuse Biixi waxa uu uga warramay safiirka heerka dhibaatada abaarta baahsan ee ka taagan Somaliland iyo baahida loo qabo in la xoojiyo gurmad lagu badbaadiyo dadka. Waxa kaloo uu ka xog-warramay u diyaargarowga loogu jiro qabashada doorashada Madaxtooyada Somaliland ee u qorshaysan bisha November ee 2017, waxaannu u caddeeyey in xisbal-xaakimka KULMIYE iyo xukuumaddiisaba ay ka go’antahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto.

 

Safiirka Midowga Yurub Amb. Veronique Lorenzo ayaa iyady dhankeeda waxay soo dhawaysay qodobada uu kala hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, gaar ahaana waxay sax ku tilmaantay in dadaal badan la galiyo sidii aannu mar kale dib u dhac ugu iman lahayn doorashada Somaliland.

No comments:

Post a Comment