SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Gudoomiye Cirro iyo Khudbadii Berbera.

Iftiinkacusub.com: Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Wadani.Mudane Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wafti aad u malaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa saaka safar gaaban ku tegay gobolka saaxil gaar ahaan magalo xeebeedka Berbera.Gudoomiyaha ayaa halka ka jeediyay khudbad aad u qiimo badan oo uu kaga waramaayay muhiimadda uu leeyahay kaadhka codbixinta doorashadu.

Waxaanu dadka ku booriyay in ay qataan kaadhkaasi ,isaga oo iftiimiyay ,muhiimadda uu kaadhkaasi u lee yahay shacabka Somaliland ,waxa kaloo uu tilmaamay in kaadhkaasi lagu gali doono dorashada madaxwaynaha , Baarlamaanka iyo sidoo kale tan golayaasha deegaanka.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo u dadka reer Saaxil ku booriyay in ay qaataan kaadhkaasi isla markaana ay kaga qayb qataan doorashooyinka inagu soo foolka leh, isaga oo hoosta ka xariiqay in ay u dhug yeeshaan isbadalada dhinaca siyasada ee uu xisbiga Wadani uu ku hogaamin doono dalka Somaliland.

Gudoomiye Cirro waxa uu shacabka reer Saaxil ku amaanay sidii raganimada lahayd ee ayhore uga qayb qateen,waxa kaloo uu ku adkeeyay in ay muhiim tahay in ay iminkana ay sidii iyo si kasii fiican ay u dardar galiyaan sidii ay kaadhka u qaadan lahayeen.

Musharax Cabdiraxmaan, waxa hadaladiisii ka mid ahaa,in uu magaanaa in uu qolada Kulmiya waxoogaa kalmaddo ah uu ku yidhaahdo, hassa ahatee ayaa uu yidhi Mudane Cabdiraxmaan dib ayaan u dhiganayaa taasi.

Cabdiraxmaan waxa uu shacbiga kula taliyay in ay la shaqayeen hayadaha nabadgalyada ,si diiwaan galintu ugu socoto sidii loo baahnaa .

Cabdiraxmaan Cabdilaahi ayaad moodaa in uu gobolka saaxil si gaar ah ula dardaarmaayay,waxaana la odhan karaa madamaa uu yahay gobolka uu deegaan ahaan kasoo jeedo isla markana uu kasoo galay doorashadii baarlamaanka ee uu ilaa hada Gudoomiyaheeda hayay,waxaa ka go'an in uu doorashada madaxwaynaha uu Saaxil ka filan karo guul aad u farabadan.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment