SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xaalada Abaarta ee Degmooyinka Saba-wanaag iyo Cadaadley.

Sida aynu wada ognahay waxaa dalka Somaliland ka taagan xaalada abaar ah oo aad u daran, taasi oo sii laxaadsanaysa maalinba maalinta ka dambaysa. Hadaba Degmooyinka Saba-wanaag iyo Cadaadley oo Hoos yimaad Gobolka Maroodi-Jeex gaar ahaa Bariga Magalaada Hargaysa, runtii waa laba Degmo oo dhul ahaan ,dad ahaan iyo taariikha ahaanba aad u fac weyn kana tirsan degmooyinka ugu waaweyn ee dalkan Jamhuuriyada Somaliland.

Iyadoo ay taasi jirtana Degmooyinka Saba-wanaag iyo Cadaadley waxa ay ka mid yihiin degaamada ay abaartu u sida weyn u saamaysay haday tahay dhinaca Biyaha iyo Baadka taasi oo ay weheliso xaalada nololeed ee dadka ku nool degmooyinkaas taasi oo gaadhay heerka ugu daran ee cunto yaraanta islamarkaan ay sababtay in Kumanaan dad ah oo ay boqolkii sagaashan 90% ay yihiin Caruur iyo Haween ay la soo daristo xaalada cuno yaar iyo nafo daro aad u darani .

Guud ahaana xaalada nafaqo darada iyo caafimaadka ee deegaankaasi ayaa ah mid aad u liidata una baahan in si deg deg ah looga jawaabo si wax looga qabto loona badbaadiyo nolosha bini’aadanimo ee deegaanadaasi .

Geesta kale xaladaasi hadii aan wax laga qaban waa mid sababi karta macaluul iyo gaajo in ay u dhintaa kumanaan dad ah oo caruur iyo dad waaweynba lehi Sida laga warqabna Degmooyinkani waxa ay ka mid yihiin Deegaanada aanay ilaa hada wax taakulo ah ama mucaawino iyo gargaar caalami toona aaan ka helin Haayada Caalamiga ah ee dalka ka hawl gal.

Hadaba ugu horayn ilaahay baynu baryaynaa in uu inaga dulqaado oo uun inaga soo furto abaarta baahsan guud ahaan Mar labaadka si xaaladaa bini’aadanimo wax looga qabto waxa muhiim ah in dawlada iyo Haayadaha ka shaqeeya gargaarka bini’aadanimo ay ka gaystaan gacan wayn si loo badbaadiyo nolosha qoysaska degan dhulkaasi

Mahadsanidin

Wa bilaahi Tawfiiq

Prof. Mohamed Geedi Chilal

No comments:

Post a Comment