SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Kalyahayga mid ka mida ayaan iibiyay si aan Yurub ugu tahriibo!Qaybtii 2-aad.

Marka hore Ilahay ayaa mahad iska leh ,kaasi oo i garan siiyay awoodna ii siiyay in aan qoraalkan idiin soo gudbiyo idinkuna aad akhrisataan,marlabaadka waxa aan qaybtii hore ee sheekada idiinku soo gudbiyay Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Afganistaan oo jacaylka iyo rabitaanka uu u qabo dhoofka Yurub u iibiyay labadiisa Kalyood mid ka mida.

Hadaba hadii aan sheekada idiin bilaabo waxa aad badankiinu ka wada warhaysaan in tahriibka iyo dhoofka lagu yimaado wadamada Yurub iwm aanay ahayn oo kaliya kuwa ay yimadaan dadka Somalida iyo dad yawga Afrikaanka ah oo kaliya,balse ay laban-laab iyo toban-laabba ay ka badan yihiin dhalinyarta kasoo tahriibka dhulka qaaradda Aasiya.

Ninkan dhalinyarada ahi waxa uu ku noolaa wadankiisa Afganistaan gaar ahaan magalada ay Somalidu u taqaanno Qandahaar(Kantahaar) goobkaasi oo aynu in badan ku maqalnay in ay tahay magaalo ama goob ay *halakeeyeen (cidhiidhi galiyeen) dagaalada iyo qaraxyo inta badan u dhaxeeya kooxaha Muslimiinta ah iyo cidanka Naato ee taagerada siiya dawladda taagta-daran ee Afgaanistaan.

Wiilkan dhalinyarada ahi waxa uu la noolaa qoys kooda oo ahaa mid ilaa xad faqiir ah, kaasi oo ka koobnaa Afar hablood iyo laba wiil ,iyada oo Aabaha qoyskuna uu ahaa mid aan tamar badan lahayn wakhtibadana u jiifay xanuun ka asiibay Wadnaha ,Hoyaduna aanay waxba dhaamin sida uu ninkaasi dhalinta yari ku waramay.

Madamaa wiilkaasi yari xaalkiisa nololeed uu yahay mid sidaasi u tamar yar ,ay adag tahayna in maalmaha qaar ay helaan isaga iyo qooyskooduba lacag dhan nus Doolar maalintii ,taas awadeed ayaa waxa uu ka fikiray in noloshan ay hadda ku jiraan isaga iyo qoyskiisuba uu mid dhaanta u raadsado Aduunka ,waana mida ku kaliftay in uu tahriibka Yurub uu Kalyahiisa mid ka mida uu u iibiyo.

Fikir badan ka bacdi waxa uu go'aan saday in waddan kiisan ay cidhib-tireen dagaalada sokeeye iyo kuwa shisheeyaba in uu dhinac uun u dhaafo,si uu nolol tan dhaanta reerkooda iyo naftiisaba uu u doono.

Muddo yar ka bacdi waxa uu maskaxdiisa ka helay in uu safar dheer u galo wadamada Yurub-ta,go'aankaasi oo ay ku kaalmeeyeen saxiibo sidiisan oo kale hore uga soo haajiray mandaqadda ama gobalka uu hada ku nool yahay.

Wiilkii dhalinyarada ahaa,qorshahii dhoofka markii uu dejiyay waxaa ku adkaaday sidii uu u heli lahaa qaddar Lacag ah oo aan yarayn oo safarkaasi uu ku maareeyo ,taasina waxa ay ku kaliftay in uu ka fikiro in uu labadiisa Kalyood mid ahaan Iibiyo ama uu beecgeeyo,waana caado iyo dhaqan laga yaqaano deegaankiisa.

Hadaba akhriste waxa laga yabaa in ay kugu adkaato in aad maqasho qof iibinaaya xubno jidhkiisa ka mida ,gaar ahaan kuwa ugu muhiimsan uguna waxtarka badan sida Kalyaha iwm.

Waxa kaloo dhici karta in badhkiin ama dhamaantiinba aad iswaydiisaan,hadiiba uu qofku halbawlahii jidhkiisa kuwii ugu muhiimsanaa uu saaraayo isla markana uu shilimaad dhaafsanaayo,maxay ayay tahay nolosha kale ee farxada iyo rayn-raynta ku dhisan ee uu raadinayaa ,madamaa uu kala dhantaalay jidhkisii cafimdka qabay.

Dhamaan tood su'aalahaasi waa kuwo meesha ku jira,lakiin ku darsoo mandaqadda uu wiilkan yari ku nool yahay waxaa yaala dhaqan ka duwan keena ,waxaaba laga yabaa in qoysaska qaar badan oo ka mida ay nolol maalmeedkaba ay ka soo saraan iibinta iyo ka bayac-mushtarka xubnaha jidhkooda ugu qaalisan.

Waxyabaha kale oo sheekoyinkiisa cajiibika ah ku jira waxaa ka mid ah,in Hablaha ay walaalaha yihiin qaarkood ay heshiis kula jiraan shirkado yaryar oo ka ganacsada TIMAHA DADKA,taasina waxa ay sababtay in Hablahaasi yaryari markasta oo ay timahu usoo baxaanba in laga xiiro lana siiyo waxooga aan sidaasi u badnayn oo lacag ah; Timaha madaxooda ku yalana ay yihiin Beer ay dad iska leeyhiin uu sida Saraca beeraha oo kale .

Bal waxa aad isku dhererisaa wadanka aynu ku nool nahay iyo sida looga fahmi karo arimahan aynu kasoo sheekaynay iyo wadamada qaar oo dadkuba ay ku nool yihiin in ay shaqo iyo wax-soosaar ay ka dhigtaan iibinta xubnaha jidhkooda ugu qaalisan,sawtaasi ku tusimayso in ay dadkuba ay wadamadaasi ku yihiin Isbeer-baadh sida baabuurta la furfurto oo marba xubin laga iibsado .

Hadaba wiilkii waxa uu go'aan saday in Kalyahiisa mid ka mida uu iibiyo safarkana ku galo,akhristow marka aad halkaasi ama wadankaasi oo kale aad joogto uma baahnid cid ku tilmaanta iyo cid kuu sheegta sida Kalyaha loo iibiyo iyo qaabka iyo hanaanka loo maro suuqgaynta Kalyaha.

Wiilkii dhalinyarada ahaa madamaa uu ku nool yahay waddan ay ku caan tahay iibinka Kalyaha Bini-aadmiga ,waxa uu markiiba safar dheer usoo galay Isbitaal ku caan ah hawshaasi Kalyaha,kaasi oo ay yimadaan inta badan dad yaw raba Kalyo iib ah ;safarkaasi waxaa ku wehelinaayay wiil dhalinyaro ah oo isaguna doonaaya in uu tahriib ugalo Yurub balse markan uu la socdo waalidkii.

Waxyabaha aadka u layaabka ah waxaa ka mida oo uu wiilkani ka sheekeeyay ,in mararka qaar ay kugu dhacayso niyad jab iyo warwar dheeraada,marka uu dhakhtarku ku yidhaado Kalyaha kugu jiraa maaha kuwo qof Kalli u baahan loo saari karo ama lagaa iibsan karo.

Waxa ay la mid tahay ayuu yidhi taasi oo kale,adiga oo badeecad sita oo lagu yidhaado lagaa iibsan maayo ama looma baahna,waxa kaloo mararka qaar aad la kulmi kartaa ayuu yidhi, iyada oo aanay dhakhtarka joogin ama aanay imanin dad Kalyo raadis ahi,waxaaba taas kasii daran in ad la kulanto iyada oo sixirkii Kalyuhu uu hoos u dhacay,sida neefka xoolaha ahna lagugu baayici karo Lacag raqiis ah,taasina waxa ay dhacdaa marka ay dhakhaatirta ay soo buuxsamaan dad Kalyo iibinayaa.

Waxaaba iyana taasi kasii daran ayaa ah sida uu sheegay ,iibka Kalida ama dhaqalaha yar ee lagaa siisanaayo waxaa ka qaalisan kana lacag badan dhakhtarka isagu hawshan qabanaaya,Tusaale ahaan ayuu yidhi hadii Kalidaadu ay tahay Toban kun oo dolar waxa uu dhakhtarka hawshan qalinka iyo saaristu qaadanayaa shan iyo toban kun oo Dolar.

Waxyabaha kale ee uu ka sheekeeyay wiilkani ayaa waxa ay tahay, in ay dhici karto in Kalida inta lagaa saaro aad u samri waydo in aad jiifto Isbitaalii qalinkan laguugu sameeyay, adiga oo degdegsanaaya ayuu yidhi jiifka Isbitaalka doonayana in safarkaagi aad Kalida u iibisay aad horay kasii wadato,taasina waxa ay sababtay sida uu sheegay in dhalin-yaro badani ay xataa awood u wayeen ay ku safraan markii ay Kalyahooda Iibiyeen kadibna ay u geeriyoodeen.

Nasiib wanaag ayuu yidhi waxa aan anigu si dhakhso ah u helay qoys inanyar (wiil) ay dhaleen Kelli u raadinaaya,waxa mararka qaar adag ayuu yidhi in dhakhtarku uu Kali qof kale kaaga saaro hadii aadan wadan waalidka ama cid kale oo kaa masuul ah .

Balse si aan taasi uga badbaado ayuu yidhi,waxaa aanu wada soconay marka horaba nin dhalinyaro ah oo aanu saxiib nahay kuna wada tashanay in safarka dheer ee Yurub in aanu wada galno, isaga laftiisina maaha mid dhaqaale kale haysta waxa uu sidayda Suuqgaynayaa Kallidiisa ,balse waxa aanu labadayaduba nasiib u yeelanay in uu masuuliyadayada qaado .

Waxa la ikala dooran siiyay ayuu yidhi labada kalyood mida aan rabo in aan saaro ama aan iibiyo,balse su'aashaasi markii la igu waydiiyay Isbitaalka meel ka baxsan ayaan joogay ,waxanan ku jawabay ayuu yidhi ,waxa aan iibinayaa mida Bidix,markii la i waydiyay sababta aan labada Kalyood Bidix iyo Midig u kala doortay, waxa aan ku jawaabay,waxa aan u malaynayaa sida ay labadeena gacmood u kala xoog badan yihiin in labada Kalyoodna ay u kala awood badan yihiin,taas awadeed ayaan idhi waxa aan iibinayaa ama aan gadayaa mida Bidix ee iyada ha la iga saaro.

Ninkii dhalinyarada ahaa heshiiskii waa uu galay,waxa loo sheegay aakhirkii in Kalida Bidix laga saarayo waana sida uu dhakhtarku ku yidhi,waxa kaloo lagu wargaliyay in marka Kalida laga saaro uu dhakhtarka ku jiraayo muddo Bilo ah ,taasi oo u cuntami wayday,sababta oo ah waxa uu yidhi inkasta oo aan hore u maqlay dhalinyaro badan oo sidaydan oo kale lagu sameeyay ,hadana waxa aan jeclaan lahaa ayuu yidhi hadii ay suura galayso in Kalida inta sida ILKAHA layga soo *tuuro aan horay dantii aan lahaa aan u qabsado .

La soco qaybta 3-aad



Wabilaahi tawfiiq.

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar


No comments:

Post a Comment