SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ibliis hadii naar laga abuuray maxaa naar loogu cadaabay ?

Imaamkii waynee ee Muslimiinta Imaamu Shaafici oo aad dhamaantiin wada taqanan aqoontiisa Diimeed iyo garashadiisa aadka u xeeldheerida badan,ayaa maalin maalmaha ka mida isaga oo fadhiya Masaajidka ayaa waxaa u yimi nin ka mida dadka hadka had iyo goor su'aal waydiiska badan.

Waxa uu ninkii isaga ahaa Imaamu Shaafici waydiiyay su'aal ah,Imamow inta badan waxa aanu diinta ku maqalnaa in Ibliis Ilahay ha nacadalee,in markii la abuuraayay laga abuuray Naar ama Holoc,madamaa uu danbeele wayn yahayna wakhtiga cadaabkiisa lagu cadaabaayo Dab ama naar kulul .

Hadaba Imaamoow waxa aan ku waydiiyay,madamaa Ibliis lagaba abuuray naar ama Dab,sidee ayaa loogu cadaabayaa Dabka ama Naarta ilayn isaga ayaaba laga abuuraye,masa lagaba yaabaa in dabkaasi aanu Ibliis waxba yeelin madama uu yahay asalkisii laga abuuray ama uu ka samaysan yahay?

Iimaami Shaafici oo ahaa nin aad iyo xigmad badan,ayaa su'aasha ninkaasi uu waydiiyay waxa uu kaga jawaabay si ficliyan ah,kadibna inta oo Ciid soo qaaday oo uu Dhoobo kuusay,kana dhigay sida dhagaxa aya uu ninkii waxa uu kaga dhuftay jidhkiisa meel ka mida ,iyada oo aanu waxba yeelin.

Imaamkii waxa uu ninkii waydiiyay ,dhoobadii aan kugu soo tuuray ma ku tamaqday? ninkii isaga ahaa waxa uu ku jawaabay haa Imaamow aad ayay ii damaqday ,Imamkuu waxa uu ninkii dib u waydiiyay su'aal ah,adiga (Bini'aadmiga) maxay aya laga abuuray asalkiisii hore?

Ninkii isaga oo la yaaban su'aashan uu imaamku waydiiyay sahlanaanteeda ayaa waxa uu ku jawaabay ,waxa laga abuuray Adanaha Dhoobo,Imaamkii ayaa waxa uu dib ugu celiyay su'aal labaad oo odhanaysa; hadiiba dhoobo lagaa abuuray maxay ayay hadaa kuu tamaqday markii aan si aayar ah kugu dhuftay?

Ninkii isaga ahaa waxa uu halkaasi ka ogaaday in Ibliis oo Naar laga abuuray uu ku guban karo Dabka lagu cadaabaayo,sida ay Adanahuba iyaga oo dhoobo laga abuuray hadana ay u tamqayso hadii lagu dhufto.


Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment