SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Haweeney iyada oo nool loo diiwaan geliyey inay geeriyootay !

Islaan ayaa lagu war-geliyay inay dhimatay oo laga saaray liiska dadyoowga nool kolkii ay cusbital u tagtay inay dhiig ugu yaboohdo.

Islaanta ayaa kolkii ay tagtay daaqadda soo-dhowaynta cusbitalka oo ay is caddeeysay cidda ay tahay lagu war-geliyay inay u qoran tahay inay diiwaanka geerida ku xusan tahay, middaasi oo fajac gelisay islaantii ; Hase yeeshee islaantaasi oo ku dhaqan wadanka Sweden gaar ahaan degmada Eksjö ayay hayadda JK u xukuntay mag-dhow, sida uu go’aan ku gaadhay, war laga soo xigtay laanta wararka ee idaacadda la iska daawado SVT Nyheter ee magaalada Jönköping dalka Sweden.

Xaaladda ay islaantu kala kulantay Dhakhtarka dabadeed ayay xidhiidh la sameeysay wakaaladda diiwaan-gelinta bulshada ee lagu magaacaabo Skatteverket.

Waxaa xaqiiqoowday in lagu khalday cid kale oo geeriyootay, Qofkaasi geeriyooday ayaa lahaa lambar-radayda diiwaanka kuwo u dhow oo u dhigma (personnummer), sida ay islaantu sheegtay wareeysi ay siisay war-geeyska Smålands-Tidningen oo sheekadan markii ugu horreeysay soo shaac-bixiyay.

Geerida lagu diiwaan-geliey islaanta ayaa sababtay in laga xidho kaadhkii bangiga iyo kii internetka ay ku lahayd bangiga, halka sidoo kale laga joojiyey gunnadii howl-gabka ee Hayadda JK ee dusha ka ilaalisa hab-socodka howlaha hayadaha dawliga ah ,tasoo ku macneeysay falkaasi meel ka dhac ballaadhan oo islaanta loo geeystay kuwaasoo markii danbe ii xukumay mag-dhow gaadhsii-san 20,000 oo koron iyo 1000 dheeri ah oo loogu mag-dhabay kharashkii kaga baxay telefoonno iyo shidaal babuurtii ay raacday.

Hayadda cashuuraha iyo diiwaan-gelinta ayaa qoraal iyo afba kaga bixisay raali-gelin la siiyo Islantaasi

Xigasho . somali@sverigesradio.se


No comments:

Post a Comment