SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah:NHO-ga Magafe iyo Geeridii Hoyadii!

Wakhtiyadan danbe waxa aad mooddaa in ay xoog leeyhiin ku shaqaysiga ururada loo yaqaano NHO-ga.NHO Non-governmental organization, oo ah ururada aan dawliga ahayn,kuwaasi oo inta badan qabta waxyaabo bulshada faa'iidooyin u leh.

NHO-yada ayaa hadaba qaarkood ragga madaxda ka ahi waxa ay noqdeen kuwo ku walfay/mamay in mashruuc kasta oo ay soo qataan in ay afka u dhigtaan,waana mida sababtay in NHO-yadii laga dhigto kuwo si gaar ah loogu shaqaysto.

NHO-yadu maaha kuwo ay adag tahay sida loo samaysto, inta aan aqaanana malaha qanuun iyo sharci adag oo qabanaaya qofka doonaaya in uu samaysto NHO ,hadduu sharcigaasi jirana maaha mid sidii loogu talagalay u shaqeeya.

Haddaba ragga iyagu sida qayrul-sharciga ah NHO-ga ugu shaqaysta, ayaa waxa ka mida nin magaciisa layidhaa Guntane,Guntane waxa uu iska leeyahay NHO la magac baxay Magafe,kaasi oo mashariicda uu soo qaato uga faa'idaysta dano gaar ah oo uu isagu leeyahay,ilaa waxyar oo aan 20% ahayn mooyaane.

Gundane waa nin wakhti aad u badan kusoo maxaab-sanaayay shaqadan ururada NHO-ga,waana nin yaqaana oo xariif-magaalo ku ah hababka iyo khiyamooyinka dawlada iyo hay'adaha caalamiga mashariicda looga qaato.

Gundane iyo NHO-giisa Magafe,waxa ay in badan caan ka noqdeen deegaamo gaar ah .Gunatane waa nin wakhti hore ay ugu danbaysay naxariista iyo usama-falka dadka tabalaysan.Guntane waxa kaliya oo aad saxiib kula noqon kartaan waa dhaca iyo wax isdaba marinta hantida dadwaynaha ee uu mashariicda ku qaato.

Gundane ururkiisan Magafe,waxa uu yahay mid uu in badan ku dhacayay hanti iyo xoolo ay umadu lahayd, oo loogu dhiibay in uu wax kaga qabto aafada iyo dhibatooyinka aan kala joogsiga lahayn ee ka taagan deegaanka uu kasoo jeedo.

Guntane maalintii Ilahay keenayba waxa uu hortaagan yahay xafiisyada dawladda,waa ay adag tahay in aad aragto Guntane oo faylkii mashariicda uu ku doonayay aanu gacantiisa ku jirin,dhaarta iyo ku been abuurashada mashariic aan jirini waa mida uu umada hore ugu soo baabiiyay.

Guntane marka uu suuqyada magalada uu maraayo,waxa aad moodda in uu waalan yahay,balse ma waalla waxna ma qabo, aan ahayn ,in uu isleeyahay halkan aad hadda marayso(suuqa) may aafo dabeeciya iyo mid aan dibiici ahaynba may ka dhacdo,taasi oo uu u maleeyay in ay isaga risiq iyo dhaqaale uu ku helaayo.

Qofka Adanaha ahi waa uu qaldami karaa,khalad iyo danbina waa uu gali karaa, isaga oo og iyo isaga oo aan ogaynba,balse Guntane ma garawsana in xataa uu wax danbiya umada ka galay ,waxa ka dhaadhacsan in hantida iyo xoolaha uu umada ka boobay ay tahay mid u xalaal ah.

Guntane raadinta iyo baadi-goobka mashariicdu waxa ay gaadhsiyeen in xataa oo risiq iyo dhaqaale uu ka dayo meel kasta oo ay dhibaato ka dhacdo.Guntane hadii Abaar iyo darxumo loo sheego isaga waa u barwaaqo iyo bash-bash.Farxada dadwaynahu isaga waa murugadiisa Burburka iyo basan-baaska dadkuna waaba inta uu ku qadeeyo.

Hadaba Guntane oo noloshiisu ku idlaatay raadinta iyo baadi-goobka mashariicda,kuna suntan in uu xaaladkasta oo jirta uu risiq iyo dhaqaale ka dayo,ayaa maalin galinkeedii danbe waxaa lasoo hadashay gabadh ay walaalo yihiin isla markana magalada la degan.

Guntane oo gurigiisii iska jooga ayaa waxa usoo dhacay talafoon,jalaskii talafoonka markii uu maqlayba waxa uu niyaystay in loo sheegi doono baahi meel ka jirta si uu NHO-giisa Magafe shaqo ugu raadiyo.

Talafonkii markii uu qabtay ayaa waxa cod dheer kula hadashay gabadh ay waloolo yihiin,intii aanay salaamin ayaa waxa ay ku tidhi " waaryaahe miyaadan ogayan in ay Hooyo hadda dhimatay"Guntane naxdin iyo naxariis hore ayay usoo kala tageen , jiidh damqadaa kuma yaalo,murugada iyo naxdintuna waaba inta farxada iyo riyaaqa u ah,hadalkii iyo baroordiiqdii ku saab sanayd geerida hooyadii,waxabay isaga dareen siiisay *daqiiqadahiiba in mashruuc laba casho lagu qadeeyaa uu ku jiro.

Gabadhii oo arkaysa in xataa aanu odhan Allah ha u naxariisto,ayaa waxa ay ku tidhi goordhaw gurigii noogu kaalay Xabaasha aynu diyarinnee. Isaga oo gabadhii hadalka ku celinaaya,ayaa waxa uu ku yidhi" walaal yaan la aasin iminkee aynu bari aasno.

Gabadhii oo yaaban ayaa waxa ay ku celisay hadal ah"oo maxaad bari ula sugaysaa?!kuyee ilayn mashruuc ayaa ugu jiree "walaal waa in geerida Hooyo mashruuc aan ka diyaariyo,si aynu dawlada uga helno caawimo dhinaca aasitaanka ah!

Gabadhii markii ay fahmi wayday,aragtayna in walaalkeed mashariic iyo hawlahii NHO-giisa in uu la galay ,ayay talafoonka ku dhigtay,waxyar ka dibna waxa gurigii oo baroortu ka yeedhaysoo soo galay Guntane oo faylashisii shandada ku sida ,diyaarna u ah in uu Qalinka iyo Warqada u qaato mashruuc uu ku codsanaayo dhaqaale..

Waxaa guriga jooga oo uu ugu yimi dadkii aaska Hoyadood kala qayb qaadan lahaa , kadibna waa uu isugu yeedhay,waxa uu rabaa in uu ka dhaadhiciyo in aaska Hooyadood barri la aaso, isaga oo uga jeeda in uu ilaa caawa diyarinaayo mashruuc uu ugu magacdaray CAAWIMO XABAALO QOD kaasi oo uu u arkay in uu yahay janis hay'adaha wax lagaga soo qaadan karo,ay adag tahayna in uu kan oo kale soo maro.

Haddaba Akhristayaal arimaha noocan oo kale ahi maaha kuwo ku kooban Guntane iyo NHO-giisa Magafe oo kaliya ,balse waxa jira kuwo iyagu Magafe ka daran,hantidii umada loogu dhiibayna dhaxal wareejiyay jeebadahoodana ku shubtay.

Maaha qoraalkaygani mid aan dhamaan NHO-yada sharafta leh aan waxkaga sheegaayo.Waxaa aan ogahay in ay jiraan NHO-yo aad u farabadan oo ka shaqeeya u hagar baxa hawsha loo diray,si xalaal ahna uga soo dhalaala.

Iftiinkacusub.com

W/Q.Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment