SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Cashuurta Caano ku bixi!

Doorashadii Golaha Deegaanka Somaliland ee 2012 ayaanu tababar ka wada qayb-galnay in ka badan 105 dhalinyaro ah oo isu diyaarinaysay ololaha oo dhamaantood musharixiin ahaa. Kulanadii tababarka mid ka mid ah ayaa la waydiiyay musharax kasta sababta uu isku soo sharaxay.

Qaar garan waayay, qaar xaraabaysanayay iyo qaar sababo kala duwan sheegay intaba waan dhagaystay. Nin dhalinyaro ah oo degmada Borame ka socday oo musharax ahaa, shaqadiisuna saxafi ahayd, ayaa dadkii oo dhan ku qanceen sababta uu isku soo sharaxay:

Waxa uu yidhi:

Waxay ahayd subax abbaara 10: 00 am, anigoo ku jira shaqo maalmeedkaygii saxafanimo ayaan la kulmay hooyo miskiin ah iyo nin ka tirsan kuwa cashuurta ururiya ee dawlada hoose. Wuxuu hooyada ku leeyahay keen caashuurtiii, iyaduna (intii weelkii caanaha daboolka ka qaaday) ayay leedahay waxba maan iibin hooyo; ma hayo shilin aan cashuur ku bixiyo. Muran iyo tacadi dheer kadib wuxuu cashuur ururiyuhu hooyadii ku yidhi " CAANO KU BIXI CASHUURTA" iyo " Haye, hooyo macaane".

Halkaa markay marayso ayaan is waydiiyay buu yidhi musharuxu " Tolow caanaha, ma dawladii hoose ayuu u gaynayaa oo meel ku shubanaysa" iyo mayee malaha maayarkuu u gaynayaa oo cabaaya "intii aan iswaydiinayay su'aalahaasi ,ayuu islaantiii horteeda " Farasle (Koob) muggii oo caano ah ku laacay, cashuur ururiyihii". Maalintaas ayaan go,aansadaday buu yidhi inaan isa soo sharaxo,si aan umadayda wax ugu qabto.

Hadaba waxa la waydiiyay musharaxii,cashuur qaadihii Caanaha cabbay, Islaantii Juwan u ma u jaray ? waxuu ugu Jawaabay " Calooshu Juwan ma leh"

W/Q.Xamse Khayre.

No comments:

Post a Comment