SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah : Wuu i furay !! Qaybtii 2-aad.

Dadka intii taqaannay barigaa way yaabeen. Ninba dhan buu arrinta u fasirtay. Koox aan ku jiray waxaannu ka gayn waynay: "Waa miskiin, Hindina dadka tabaalaysan way iska jeclayd." Wuxuu doonaba ha ahaadee, mashaqadii ugu darnayd waxay ka timid Hinda reerkoodii oo si walba u diiday ninka.

Waxayna kala doorran-siiyeen in ay iyaga u go’do ama ay Sh. Cisman Gadh Dheere raacdo (Bariga gadhka wuu xiiri jiraye). Talo ayaa ku caddaatay oo dhulka ayaa cidhiidhi ku noqday. Asxaabtii ay soo ciirsatay ayaan ka mid ahaaye, waxaannu isku taxalujinnay in aannu reerkooda ku qancino in ay inanta dookheeda u tixgaliyaan.

Arrinkaas waannu ku hungawnay oo way nagu gacan saydheen. Waxaannu samaynno ayaannu garan waynay, markaannu aragnay Hinda oo talo ku ciirsan tahay iyo Cismaan oo halkeer dacayda laa-laadinaya. Mar baannu is nidhi Hinda ma ku tidhaahdaan reerkiina maqal oo ninkan isaga hadh, haddana waxaannu xasuusanay maahmaahdii ahayd "Walaashaa ma hubtide seedigaa ha colaysan." Waxay ku soo ururtay in aannu ku nidhaa: "Hinda arrinta go’aan ka gaadhideeda adiga ayaa iska leh." Sidaas baannu faryaro bidix kaga baxnay.

Haddii ay arrintii cabbaar rogrogtay waxay is tustay in ninkan reerkoodu ku diidan yahay xoolo la’aan oo kaliya. Waxay is tidhi: Haddii aad la dedaasho oo uu xoolo yeesho reerkiinnu wuu iska ogolaan. Sidii baanay talo ku daysatay oo isaga raacday.

Aroos

Maalmo dhawra ka dib, ayaannu maqalnay arrinkaa. Af kala qaad ha nagu ahaato, haddana arooskeedii kama aannu baaqan ee waannu tagnay oo si wanaagsan baannu uga soo tunnay. Run ahaantii markii aan habeenkaa wajigeeda si fiican u dhugtay way faraxsanayd, wayna murugaysnayd; way deganayd, wayna didsanayd; way joogtay, wayna maqnayd. Isna halkeer buu ciridka faydayay caashana taagayay cuqubo ku dhacdaygu (Waa annagaa sidii dumarka u habaartanaye).

Arooskoodii ka dib, inta ay dhexda marada ku xidhatay ayay ku dhiiri galisay in uu dhididkiisa dheefsado, oo uu shaqo adag bilaabo .Hoodalay bay ahayde, markiiba shaqo ku filan ayuu helay. Waxay si dad-ban u dareensiisay waxa lagu diidayaa in ay xoolo yaraan tahay.

Waxay ku dhalisay qorshe mustaqbaleedyo badan oo ay ka mid tahay sidii ay guri lahaansho ah u dhisan lahaayeen, taasina ay ku iman karto dedaal dheeri ah oo uu sameeyo iyo xakame bir ah oo ay naftooda ku qabtaan. Waxa kale oo ay xil dheeri ah iska saartay hagaajinta qaab dhismeedkiisii xumaa. Jidhkiisii wada kurtinka ahaa ee ku xaganayay ayay daleed iyo wax xalay la dhalay ka dhigtay.

Surwaalkii dhuubnaa iyo shaadhkii balaadhnaa ee uu isku xidhan jiray ayay ka dhigtay, oo dharku sida uu isu leeyahay ayay isugu dul dhigtay. Ilaah baa na dilayee dhawr bilood ka dib arooskoodii, waxaannu aragnay ninkii oo aan Cismaanba ahayn. Oo inta uu hagaaskii ka ba’ay hilaacay; inta ay qoloftii ka dhacday quruxaystay; inta ay tuura-tuurihii ka ba’een toosay. Waxaannu mar kaliya wada nidhi: Waar illayn wuxu qof dumar ah oo dhaqaalaysa uun buu u baahnaa.

Waa la isku wada baahan yahaye, Hindi waxay halgan adag u gashay sidii ay duruufaha nololeed ee ku xeeran uga gudbi lahaayeen. Waxay dhitaysay biil maalmeedkii nolosheeda, iyada oo iska ilowday waxa inta badan dumarku wajigooda ku dhamuuqaan, lacagahana ku kharash gareeyaan.

Xataa haddii ay xanuun qabto way qarsan jirtay oo qofkii il dheer ayuun baa foolkeeda ka dareemi jiray. Cismaan Gadh dheerana inta uu halkaa soo fadhiisto ayuu marka uu ugu roon yahay odhan jiray: "Maanta waad yar caajisantahay Hinda." Mayanee, waan yar daalanahay inta ay tidhaa ayay kici jirtay oo ay cunto iyo cabid u keeni jirtay. Aah, Haddii uu soo dhinac fadhiisto oo uu xanuunka la qaybsado ma ciil bay qabi lahayd.

Shan sano oo ay afar carruur ah ugu dhashay haddii ay nolosha caynkaa ah ku jireen, mar kaliya ayaa albaabadii risiqu isu wada ballaqeen. Odaygeedii wuxuu ku hilaaciyay bakhaar laba af leh oo bagaashka lagu soo rogo, laguna gado. Lacag sun-sumaysa ayaa sanka uga soo gashay. Adduun la iskuma haleeyee, sannadkii ku xigayba ilmahoodii shanaad wuxuu ugu dhashay guri ay leeyihiin oo ay dhisteen.

 

Dhixirkii ay Hindi dhexda ku xidhatay maalintii ay aqal galeen, waxay dhigtay maalintii ay gurigooda ku hoydeen. Muraayadda markii ay isku eegtay waxay is aragtay dakharadii waayuhu ku dhufteen oo wajigeeda wax aad qaarado mooddo ku sameeyay. Waxa kale oo ay aragtay timaheedii kala rognaan jiray oo rifrifmay iyo dhabankeedii dhaylada ahaa oo qolofi fuushay.

Inta ay muuqaalkaa ka murugootay ayay haddana aragtay carruurteedii oo ku ag ciyaaraysa, markaasay daraadood dhib kasta ku ilowday, oo ay la faraxday, la muraaqootay, lana ilmaysay. Waxay cindiga ka jeclaysatay odaygeeda oo galabtaa la joogi lahaa, lana wadaagi lahaa jawigaa barakada iyo barkhadda leh.

W/Q. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

E-Mail: awliyo177@hotmail.com

No comments:

Post a Comment