SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah:Ilayn xoro Jin ayaan soo galay!

Waxay ahayd 1996 mar aan booqda dhulka baadiyaha ee g/saaxil bari ka xiga ayaa waxa dhacday in aan habeen u hoydey reer ka kooban nin iyo xaaskii oo aan wax ubad ah markaa haysan, laakiin haysta in yar oo adhi ah iyo awr, waxaan u imi waqti salaad maqrib ah, markii aan salaamay ayuu ninkii igu yidhi waar daalbaa kaa muuqdee iska fadhiiso oo iska joog, aniguna waan aqbalay oo waxaan fadhiistay meel bacaad ama ciid tuulan dusheeda, markii aan salaadii tukanay ayaa sida reer miyiga caadada u ah ninkii I haybsaday anigoo isu sheegay isla markaana u raaciyey in aan ku socdo reer aanu isku family nahay oo dagan miyiga kana codsaday hadii uu garanaayo reerkaa ama uu og yahay meesha ay yaaleen uu ii sheego, ninkii si fiican ayuu ii gartay reerkiina miishii ay yaaleen wuu ii sheegay waxaana uu igu yidhi birito ayaan is raacaynaa oo aniga ayaa kuu geynaaya reerkiiye hadii alle idmo, markii aanu intaa is dhaafsanay

ayuu xagii guriga soo qabtay waxaana uu ii keenay darmo ama saliga lagu seexo barkin iyo buste, aniguna runtii waxaaba aan xiisaynayaa ciidan aadka u nadiifta ah ee aan dul fadhiyo waxaana aan ku idhi walal ciidan ayaan cabaar fadhiyahayaa halkaa ii dhig.

Ninkii dib ayuu u noqday wax yar kadibna waxa uu ii keenay raashin lagu eedaamay caano iyo subag, markii aanu cashaynay ayuu igu yidhi iska seexo walal kolay waad daalan tahaye, aniguna runtii waan daalanaa waan iska seexday..

Maxaa hadaba dhicin doona markii habeenka inta badani tagtay?!

Markii saacadu ahay qiyaas 2.00 habeenimo ayuu ninkii oo ordayaa hurdadii iga tuusayey waxaana uu igu yidhi walal kaalay xaaskii ayaa dhacday ama suuxdaye aad quraaan igula akhridide, si degdeg ah ayaan u soo kacay markii aan dul imi gabadhii oo xoog u baxaa daygaysa ama rafanaysa ayaan la qabtay oo aanu quraan ku akhrinay ilaa 10

daqiiqo markii aan quraankii ku akhrinaynay ayuu igu yidhi walal labadaa gacmood hay wadaad ayaa u imanaayee oo ka saaraaya waxa ku jira, aniguna waxaan ku idhi mayee quraanka aan ku wadno inta wadaadku inoo imanaaya, anigoo sii raaciyey oo guurma ayaad u yeedhay wadaadka ma in badan ayey gabadhu xanuunsanaysay maxaad aniga ii soo kicin wayday.

Waxaana uu iigu jawaabay maaha wadad meesha uu joogo la garanaayo ama meel aan uga yeedho ay

jirtee iska hay waa wadaad jin ah.

Markii uu sidaa yidhi ayaan shakiyey oo waxaan is idhi malaa reerkuba maaha insi ee waa jin tallo ayaa iga cadaatay marba waxbaa maskaxda iska waydiiyaa walina gabadhii gacmaha ayaan hayaa waxaanse go’aan ku gaadhay in aan wixii dhacayaaba ha dhaceena aan goobta joogo waayo hadii aan carar isku dayi lahaa wax aanad arkayn ka carari

kari maysid.

Markii aanu qadar yar sidii u aamusnayn ayey gabadhii codweyn ku tidhi salaami calaykum iyadoo joojisay dhamaan xaraadkii oo dhan noqotayna sidii qof hurda oo kale ninkiina waxa uu ugu jawaabay calay kuma salaam sh. Xasan, markaa ayuu igu yidhi sii walaal gacmaha hadaba waa kaa wadaadkii u yimiye anigana waxa iga soo hadhay naxdin iyo yaab walina waxaan is leeyahay dadkani maaha insi ee caawa waxaad ku jirtaa xero jin, markii wax yar oo kale aanu aamusnayn ayuu ninkii wadadkii sh xasan waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaaya la galay, waxaana uu ku bilaabay sidan.

S. Sheekh Xasan Xageed hada ka timi?

J. Anigoo Hindiya booqasho ku jooga ayaaa la ii sheegay in ay gabadhii dhacday.

S. Ma marti qaad ayaad ku joogtay mise hawl galay ayaad u tagtay hindiya?

J. Maya ee marti qaad ayaan ku tagay.

S. Ka waran dagaalkii cuslaa ee gaalada idiin dhexeeyey hada halkee marayaa?!

J. Dagaalkii waa socdaa hadana wuu ugu cuslus yahay arinta dagaalka ayaan Hindiya u joogay.

S. Dhulkii dagaalku ka dhacay hada ayaa gacanta ku haya?

J. Dagaalku wuu balaadhan yahay oo dhulna waanu ka qabsanay dhulna way naga qabsadeen laakiin

dagaalku wuu socdaa.

Sacad Ciise Cumar

No comments:

Post a Comment