SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Falsafadda xisbiga Wadani iyo Cirro, Arin lagu dawakhay!

Inkaste oo Xisbiga WADDANI dhalasho ahaan uu yahay kan ugu yar xisbiyada qaranka, hadana waa loolamaha ugu adagg ee xisbil-xaakimku ka cabsi qabo maant. Ma jirto guul siyaasad ahaan tan ka wayni, balse waxa xiisaha leh, sababta keentay in CIRRO iyo xisbigiisa WADDANI, guusha intaa leeg ku gaadhaan wakhtiga inta leeg?

Waliba xili dadka ugu fog ee xisbigan dhaliila ay C/raxmaan ku dhaliilaan, jilicsanaan, siyaasad xumo, kursi-jacayl, qaboow iyo damanaan ama aragtiyo la hal maala. Waa hal-xildhaale, adagg in lays qabadsiiyo, waa nin jilicsan, waa gudoomiye baarlamaan afrikaan, waana musharax xisbi mucaarad!

Hore ayaa loo yidhi "GUUSHU" iyada ayaa is sharaxdee, Cirro iyo taariikhdiisa siyaasadeed, intaas oo dhaliila way ka soo hor jeedaan oo waliba ay burinayeen. Ugu horeyn Cirro waa gudoomiyihii goole-wakiilo ee ugu xilka dheeraa taariikhda Somaliland, iskuna wadday 82 muddan muddo 12 sano ah. Waa siyaasiga qudhiya ee isaga oo mucaarad ah, kasoo hoos shaqeeyey Rayaale iyo Siilanayo muddada intaas leeg, ee maareeyey saaxiibtinimo dan ku dhisan.

Waxa intaas u dheer, waa siyaasiga qudhiya ee xildhibaan deegaan, shir-gudoon wakiilo ilaa musharax qaran, 10 sano ku xaqiijiyey. Halka Siilanayo, Faysal, Jamaal, Muuse iyo Gaboose iyo qayrkood ay ku kacday wakhti iyo hawl intaas ka badan, waliba intooda badani ay ku fashilmeen.

Cirro sheekadiisa xiisaha badan intaas kuma eeka, ee waa siyaasiga kaliya, ee kala shakiga ku abuuray xulfadii KULMIYE ee Axmed-dhagax, Gar-adag iyo 26-june, soona celiyey siyaasadii Dhab-libaax ee Oodweyne iyo Boorama.

Waa siyaasiga Eng. Faysal Cali iyo falsafadiisii Garhajis diidka wiiqay, kuna badalay waji cusub. Hadaan sii yara faahfaahiyo, qodabkan u danbeeya, oo xiiso gaar ah leh; Faysal waxa uu guul-daradisii labada jeer u sawriay, inta badan beeshiisana ugu dhigay, in ay tahay, mid ay ka danbeeyeen Cirro iyo Beeshiisu.

Gar-xajisnimada in ay tahay, awr uu dhaansanaayo Cirro. Nasiib wanaag se, siyaasad xeel dheer ayuu Cirro ku furfuray aragtiisa siyaasiga ahayd, ee Eng. Faysal naftiisa ugu diidaayey fashilkiisa. Cirro Gar-hajisnimo kaliya ma abuurin, ee waxa uu ku guulaystay in uu Faysal ka dhigo nin aan waxba lagu darsan karin, kadbi markii Jamaal Cali Xuseen ka biyo diiday!

Ugu danbayntii Cirro waxa uu muddo dheer ku soo dhex jiray hadh iyo in uu hal dhagax laba shinbirood lawada eegto, taasina ay keento in la fahmi waayo shakhsiyadiisa dhabta ah, su'aasha se maanta la dhawrayaa waa: Cirro iyo Falsafadiisa dagaalka qaboow, ma sii shaqayn doonta xili dadkii, dalkii iyo dawladnimadiiba ay halis daaqayso?.

Cirro sidee ayuu iskugu wadi doona kooxda doobta dheer ee Xirsi hogaamiyo, iyo saaxiibadiisa qunyar socoka ah, ee UCID ka soo raacay? Cirro sidee ayuu isku hayn doona ixtiraamka beesha HE. Siilaanyo iyo dhaliilaha badan ee dul-hoganaaya dawlada uu gadhwadeenka ka yahay? Cirro sidee ayuu iskaga wadani doona siyaasadiisa qabow iyo qafqafta askarta KULMIYE ee Muuse iyo Maxamed Kaahin?

W/Q. Mustafe Barud

1 comment:

  1. Cirro muddadii u guddoomiyaha baarlamanka ahaa wuxuu golihii wakiiladu noqday maqaaxi lagu mushahar qaato. Oo wixii loo igmaday gabay. Oo xukuumada toosin kari waayay. Waxa caddaatay inuu Cirro yahay hoggaamiye jilicsan oo xukumi kari waayay 82 xildhibaan. Waa nimaan mowqif lahayn xataa qaddiyada Somaliland meel u ka taagan yahay weligii ma caddayn isagoo og xanta suuqa ku jirta. Xisbigiisa Waddani wuxuu ku noqday xisbiga 2aad waa qabyaalad iyo tollaayeey oo ah barnaamijka kaliya ee xisbiga waddani leeyahay. Iyo UCID oo saaxadda siyaasadda ka baxay khilaafkii Jamaal iyo Faysal awgeed. Markaa meel laba xisbi ka jiraan dee midna ka 1aad buu noqon ka kalena ka 2aad. Wax waxtar u leh dalkan oo Cirro ama xisbigiisa toona lagu sheego ma jiraan. Hadal haynta Cirro waxa ugu dambaynaysa maalinta uu ka dego xilka guddoomiyaha baarlamanka. Isna wuu ogyahay oo sidaasuu uga gu'i laayahay kursiga

    ReplyDelete