SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waan ku Sooryaynayaa lakiin bi-shardi wax hasoo cunin, gar ma la iigu leeyahay!

Iftiinkacusub.com: Sooryada iyo marti-qaadku waa camal Ilahay jecel yahay ,sharaf iyo karamana laga dhaxlo.Marti qaadku waa uu noocyo badan yahay ,qofkasta ama umadkasta si gooniya ayay Martideeda u maamuustaa unasoo dhawaysaa ,haday tahay cuntada iyo haday tahay habka qaabilaaddaba.


Sideedaba qofku waxa uu marti qaada ama uu sooryeeyaa,dad uu ixtiraam iyo sharaf u hayo,agtiisana ka ah kuwo uu waynaynaayo ama uu karaamaynaayo.Dadkaasi ha ahadaan kuwo ay horay isu yaqaneen, ama hadda isbaranayaan.

Hadaba marka aad rabto in aad dad marti qaaddo ama aad maamuus iyo sharaf kusoo dhawyso,maxay ayaad samayn lahayd? ma cunto aad u farabadan oo kala noocnooc ah ayaad u diyaarin lahayd,ma Guri iyo meel qurux badan sida Beeraha ,Hotelada iwm ayaad ku sooryay lahayd,ma Gurigaaga ayaad marti qaadka iyo soo dhawaynta ugu samayn lahayd;intaasi oo nooc kee ayaad dooran lahayd?

Hadii aan dib waxyar ugu noqdo sooryadii iyo marti-galintii dhaqankeenii Somaliga ee hore,maan maqal manaan arkin in cidda sharafta iyo karamada kaa mudan in aad ku sooryayso meel ka baxsan gurigaaga;ma jiro wax didayaa in lagu sooryeeyo dadka Hotelada iyo Makhayadaha,balse waxa aan isleeyahay waxaa ugu mudan hoygaaga,haddu suura gal yahay.

Dhaqankeenii hore waxa uu lahaa milgo iyo sharaf lagu maamuusaayo dadka Martida adiga sida gaarka ah kuugu ah,taas awadeed ayaa Somalidii hore waxa ay dadka ay jecel yihiin ku sooryayn jireen gurigooda.

Sooryada wakhtigaasi may ahayn oo kaliya Cad iyo Caano ,balse waxa ay lahayd hab maamuuskale oo intaasiba ka wada fiicnaa,waxa dadka martida ah loo gogli jiray ama loo hadhimayn jiray ,Geed wayn oo la isla yaqaano,kaasi oo ka turjumaayay wakhtigaasi in uu yahay halka reerahaba looga taliyo.

Xiligaasi waxaa dhici jirtay,haddii dadka aad sooryaynayso aanay ahayn kuwo aad dangaar ah aad ka wada hadlaysaan,waxa aad xaq u leedahay in sooryada aad dadkaasi u samaynayso in aad kasoo qayb galiso adiga dhankaaga, dadka ixtiraamka iyo sharafta aad u hayso agtaadana ku wayn.

Waxba yaan wakhti idinkaga luminin sooryadii hore ee Somalida,aan usoo gunda-dhaco Somalida iyo hadda sida wax looga sooryeeyo Magalooyinkeenna.Dhaqankii iyo ixtiraamkii Martida la siinaayay waa uu yaraaday,sooryada martida loo sameeyaa maaha tii aynu hore dhaqanka ugu lahayn,kama wado dhanka cuntada,sidoo kale ma tabaayo Geedkii waynaa ee hadhaca ahaa ,waanan garankaraa in waxkastaaba isbadaleen.

Lakiin ujeedkaygu waxa uu yahay ixtiraamkii iyo karamadiiba waa ay yaraatay;in qof aad sooryaysaa oo aad wanaajisaa kuma xidhna in aad Hotel ama Guri aad ugu samayso cuntooyin caynba-cayn ah.

Waxa aan isleeyahay aniga rayigayga,marti soor waxaa ugu wanaagsan tan qalbiga iyo niyada la iska jecel yahay,waana midda ajarka iyo xasanaadka laga helaayo,marka labaad marti-soorku waxa aan anigu isleeyahay waxa uu ku fiican yahay in uu qofku Gurigiisa ku soo dhaweeyo cidda uu martii qaadaayo,haddii ay duruuftu u samaxayso.

Waxa kaloo iyana martisoorka ugu fiican,in qofku marka uu gurigaaga kuugu yimaado in aad u kacdo,qofka ugu horeeyay ee albaabka ugu tagaanna uu adiga noqdo.Balse haddii aad tidhaahdi caruurtaada iyo Xaajiyadaada albaabka ka fura martida, kadibna adiga oo Kursiga dangiiga(fadhiya) laguusoo galiyo,aniga aragti ahaan ilama fiicna.

Midda kale ee iyana sharafta iyo ixtiraamka leh waxa ay tahay ,xiliga dadka la marti sooray cuntada iyo cabitaanka loosoo dhigaayo, waxaa ila qurux badan ,in uu qofka ama odayga reerka ee isagu wax marti qaaday in uu dadka raashinka iyo cabitaanka uu gacantiisa ugu soo qaado ,waxba kuma jabna haddii la kaalmaynaayo oo cudurdaar jiro,balse in uu isagu fadhiisto oo uu ka mid noqdo dadkii la marti soorayay, rayi ahaan ilama qurux badna,waana middii uu Nabi Ibrahim sameeyay CS markii uu marti qaaday Malaa'igta Ilahay usoo diray.

Waxa kaloo iyana ila qurux badan ,in dadka aad marti qaadayso aadan ku odhan ereyo ku cadaadinaaya in ay cuntada aad u keentay ay cunaan ama ay madhiyaan.Somali haddii aynu nahay waxaa inoo caado ah ,in aynu isticmaalno ereyo aad dareemayso in ay ku jiraan waxoogaa canaan iyo dagaal ah sida "waa sidee cuntadiiba cunimaysaane ,oo miyadaan ogayn in idinka oo kaliya la idiinku talagalay".

Waxyaabaha kale ee iyana ku tusinaaya in aynu martida si dadban u dagaalno una canaanano inaga oo rabna in ay cuntada cunaan waxaa ka mid ah, hadalka odhanaaya "Haddii aydaan cuntadan madhin maanta ka dib marti galin la idiin samayn maayo".

Martida lafteeda mid ayaa ku waajib ah,in ay marka hore xisaabta caloosha kusoo darsadaan marti galinta loo samayn doono.Hadii qofkii ama dadkii martida ahaa iyaga laftoodu ay goobti loogu cunto kariyay ay yimadaan iyaga oo caloosha xoqanaaya(dharagsan) ,taasi aniga ilama fiicna,martidu waa in ay yimadaan miiska cuntada iyaga oo ay jirto baahi ay u qabaan in ay wax cunaan.

Fiiro gaar ah:-Cunto laguma cuno ixtiraam iyo raali galin ,lakiin waa in baahiyo jirtaa.

Inta badan marka martigalinta lagu qabto Hotelada iyo Makhayadaha,haddii dadka la marti sooray ay cuntada cuniwayaan ,dadkii kariyay agtooda waxba kama dhimayso sababta oo ah ,awalba iyagu ganacsi ayay ahayeen,waxana laga yabaa in ay kalsooni ku qabeen cuntada ay kariyeen.

Balse hadii gurigii martigalinta laguugu sameeyay,dumarkii guriga joogayna ay isu-habar-wacdeen,kuna dadaalen in ay sooryo sharaf iyo karaama leh ay u sameeyaan martidooda,qofkii la marti soorayna uu daboolkaba ka qaadi waayo ,taasi waa khalad iyo godob laga galay martigaliyahii iyo gurigii oo dhan,waxaana laga yabaa in aan waligood la ilaabin.

Inta badan hadaynu Somali nahay,cuntooyinka aynu isku marto soornaa waa kuwo aynu isla naqaano,sida dadka aduunka ku dhaqaniba uu yahay.Hadaba hadii martidaada aad doonayso in ay cuntada aad u samaysay ay cunaan,waxa fiican in aad waxoogaa sheeko goos-goos ah in aad madasha ama miiska cuntada aad keento gaar ahaan haddii aad tahay martigaliyaha.

Looma baahna in adiga oo ay dadku marti kuuyihiin in aad aamusto oo dadka martida kuu ah aad hadal iyo sheeko ka sugto,waayo dadkani dhamaantood adiga ayay ku ixtiramayaan,waxa kaloo ila quruxbadan haddii aad dad marti qaadayso in ay kasoo qayb galaan dadka guriga kugula nooli sida,xaaskaaga,caruurtaada iyo waalidkaa intii suura gal ah.

Intaad ku dagaali lahayd in cuntadaada la cuno,waxaa ka fiican in aad marka hore dadka martida kuu ah aad u sheekayso,sheekoyinkaasi oo aan ahayn kuwo ka mashqulinaaya cuntada ,kalifayana in ay afkaaga uun la eego ,amaba keenaaya dhib iyo incuntadii lagu saxdo .Nabugu CSW marka cuntada la cunaayo si aan layso jabaq iyo calaalis dhagaysan, waxa uu samayn jiray sheeko iyo hadalyar oo goos-goos ah in madasha wax lagu cunayo la keeno.

Haddii ay dhacdo in wac cunistii oo kaliya awooda la saaro,gacantii iyo afkiina loo kala tago ,wax sheeko ah ama hadalana aan Miiska wax lagu cunaayo aan la keenin, taasi waxa ay keeni kartaa in dadka qaar aanay waxba cunun khajil iyo xishood dartii.

Dadka martida kuu ah marka ay hawshooda dhamaystaan,hadii aanay jirin muraad kale oo ay martiqaadku uu ku saabsanaa, Diinteenu waxa ay inna amraysaa in Guryaha la faaruqiyo,haduu uu jiro shir ama barnaamijkale oo ka dheerad ah Sooryada, ama uu yahay Guriga lagu kulmayaa mid ku filan dadka guriga deggen iyo martidii,taasi dhibaato malaha akhtiyaarkana cidda wax marti soortay ayaa iska leh.

Marka ay dhamaato martigalintii,xaq waxaa lagugu leeyahay haddii aad tahay ciddii wax marti soortay,in dadkii martida kuu ahaa aad galbiso inta ay albaabka u danbeeya ee gurigaaga ay ka baxayaan,taasi waxa ay niyadsamaan iyo ixtiraam u tahay martidii sharafta lahayd ee kuu timi.

Inta badan Somalidu ma samayso in ay martida ilaa inta ay guriga ka baxayaan ay soo galbiyaan;waxaa caado iyo dhaqan inoo ah, in aynu martida iyo marti galiyahu isku macasalameeyaan goobta cuntada lagu cunaayay dusheeda ama guriga gudahiisa meel ka mid ah.

Waxa kaloo aynu dhaqan iyo caado aynu u leenahay ,in xiliga gaba-gabada marti galinta aynaan isu ducayn balse aynu ducada iyo Alla-yabaarakta aynu kala amaahanno,taas waxaan uga jeedaa, xaq waxa uu kuugu leeyahay qofka ku sooryeeyay haddii aynu Muslim nahay, in aad u ducayso.

Somali hadaynu nahay waxa dhaqan onoo noqotay baryahan danbe ,in aynu ku kala anba-.baxno Jawjaw iyo Baybay,haddiiba ay dhacdo in qaar inaga midii ay ducada xasuustaan, iyana waa aynu kala amahanaa ducada ;oo sidee aynu u kala amahannaa?Waxa aynu u kala amaahannaa ,isla goobta kuma ducayno, ee waxa aynu isku maca salamaynaa isoo duceeya iyo waanu kusoo ducayn doonaa ,waxaase igala qurux badan in dadka ku sooryeeyay aad u ducayso inta aad la joogto.

Marti qaadka uu Qaadku ku jiraa sharaf iyo karaamo midna maaha ,Qaadku waa daroogo ,niinka daroogo cid ku maamuusaana isaga ayaa masuul ka noqonaaya danbigaasi.

Waxa aan qoralkaygan kusoo gunanadayaa,Ilahay khayrka iyo wanaaga ha ina waafajiyo,Ilahay ha inaga dhigo kuwo martidooda wanaajiya si iyagana uu Ilahay marti galinteena Akhiro iyo ifkaba u wanaajiyo.

Iftiinkacusub.com

W/Q:Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment