SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Kalyahayga mid ka mida ayaan iibiyay si aan Yurub ugu tahriibo,Qaybtii 3-aad !

Marka hore Ilahay ayaa mahad iska leh ,kaasi oo i garan siiyay awoodna ii siiyay in aan qoraalkan idiin soo gudbiyo idinkuna aad akhrisataan,marlabaadka waxa aan qaybtii hore ee sheekada idiinku soo gudbiyay Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Afganistaan oo jacaylka iyo rabitaanka uu u qabo dhoofka Yurub u iibiyay labadiisa Kalyood mid ka mida.

Ninkii dhalinyarada ahaa ee reer Afganistaan iyo saxiibkiisii kale waxaa la jiifiyay dhakhtarka si Kalida looga baahan yahay looga saaro,wiilkan isaga ahi ma garanaayo Kalyaha marka dadka laga saaraayo qaabka iyo habka looga saaro,balse waxa uun uu malaynayaa in Calooshiisa meelkamida inta Mindi laga galiyo sida marka xoolaha la qalaayo in Kalida laga soo tuuraayo.

Hadaba si aanay qaabka Kalida looga sarayaa aanay werwer ugu dhalin, waxa uu ninkii dhakhtarka ahaa si tartiiba oo degan ugu sharaxay habka Kalida looga saaraayo iyo dariiqa loo maraayo iyo waxa looga baahan yahay in uu sameeyo.

Waxa loo sheegay in marka hore *Suuxdin lagu samayndooni Jidhkiisa taasi oo aan isagana waxba yeelayn ,kadibna la guda gali doono habkii iyo hanaankii dhakhtarnimo ee Kalida iibka ah ninkan dhalinyarada ah looga bixin lahaa, madamaa uu yahay nin Muslim ah waxa uu qabsaday intii aan la suuxin ee nolol ugu danbaysay Bisinka.

Waxa uu ka sheekeeyay markii uu suuxdintii dhakhtarka ku sameeyay uu kasoo baraarugay ,in uu galay dhimasho iyo Geeri yar balse aanu marnaba dareemin farsamadii iyo habkii Kalida looga saaray.

Waxyabaha layaabka leh ee sheekada ku jira waxaa ka mid ah,in wiilka dhalinyarada ahi markii uu Suuxdintii kasoo miyir-saday loo sheegay in Kalidii laga saaray marhore,balse waxa uu dhakhtarka ka codsaday iyaba waa cibaaree in uu rabo in uu arko Kalidii laga saaray si uu u daawada ama u arko Kalidiisu caynka ay u eegtahay.

Waxa uu yidhi dalabkaasi dhakhtarku iimuu ogolaan base waxa uu ii sheegay in uu markale oo aan iminka ahayn uu tusi doono,taasina may suuragalin,waayo waxa uu dhakhtarki u qalab-qaaday sidii Kalida lafteeda loogu rakibi lahaa ciddi aan ka iibiyay.

Ninkan dhalinyarada ah mar la waydiiyay qadarka Lacagta ah ee uu siiyay Kalidiisa,waa uu ka cudur-daartay in uu sheego,hasa yeeshee taasi maaha inta badan mid isaga ku gooni ah sida aan wararka ku helay ama uu iiga waramay ninka dhalinyarada ah ee isagu saxiibkii sheekadan iiga soo tabinayaa.

Muddo markii aan dhakhtarka ku jiray ayuu yidhi,ayaa waxa aan damcay in aan u qalab qaado sidii aan sababtii aan Kalidayda u iibiyay oo ah in aan u tahriibo Qaarada Yurub aan hawsheedii galo,waxa aan qaatay dhamaan Lacagtii aan Kalidaydii aan jeclaa aan siiyay.

Inkastoo ninkii aniga masuulka iga ahaa iibinka Kalida uu waxoogaa dhaqala ah iga dhacay, hadana taasi may noqon mid i niyad jabisa,waxaanu jidka safarkiisu dheer yahay soo wada rafiiqnay nin saxiibkay ah oo isaga laftiisu Kali iibiyay sidayda.

Ha-layaabina duruufta meesha aanu u dhalanay taalla waa mid aad u adag oo ay kalifayso xataa in aad iibiso Wadnahaaga iyo Sanbabadaada hadii ay suura gal tahay"sidaa waxa yidhi ninkii ay sheekadani ku socotay".

Waxa aanu aniga iyo saaxiibkay safar dheer usoo galnay unasoo xamaan qaadanay in aanu ka dhabayno hadafkayagii ahaa in aanu Yurub beegsano,labadayada ayuu yidhi midna jidkan hore umuusan marin, balse waxa aanu haynaa warbixinta odhanaysa,in qofkasta oo Afganistaan kasoo safraa uu soo mari wadanka Iiraan kadibna uu usoo gudbo dalka Turkiga.

Maaha wax isu dhaw in la'isaga gudbo labada wadan ee Afganistaan iyo Iiran,waxa intaasi ka daran waxa gobaha iyo dhulka la maraayo jooga oo daadsan cidimada Naato iyo waliba qaybo ka mida Islamiyiinka dhulka ka dagalama.

Waxa ay markasta oo ay ku qabtaan labadaasi qaybood ee dhulka ku dagalamayaa aad ku khasbananaysaa in aad Been sheeto,adiga oo khaldaaya hadba jihada aad u socoto,maaha wax hawl yar inta lookala gudbo dhulkaasi.

Xiliga aanu safarka ku jiraa waa mid jawigu aad u xun yahay,maha xiliga saxxa ah ee ay dadku baxaan sida bilaha Maaraj ilaa Ogosto balse hada waxa aanu safar ku jiraa waa Disambar oo dhamaan dhulka oo dhan oo qabaw iyo baraf ka bilaabmaayo.

Marka aad hadaf iyo ujeedo leedahay ayuu yidhi waxkastaaba waxa ay kuu noqonayaan wax aan ku dhibin,mida kale in aanu hadaf kayaga ku calool adkaanaa waa mida keenyay in jidhkayaga qaybo ka mida aanu iibino, aniga iyo saxiibkay waxa aanu nahay kuwo bukaan socod ah,gaar ahaan aniga waxa aan socodkii u horeeyayba aan dareemay xanuun iga haya goobtii layga qalay .

Waxaan soo jilba joogsanaba hadba goob iyo tuulo yar ku naganaba,mararka qaarna ay nagu adkaato in aanu helno babuur si fiican noo geeya hadba meesha aanu u bahanahay ,balse Ilahay mahadi ha ka gaadhee waxa aanu soo gaadhnay xuduuda dalka Iran.

Ma jecli in wakhti badan aan idinkaga lumiyo sheekada oo dheer awadeed, balse waxa aan kolba idiinsoo gudbin doonaa hadii aan ahay Qoraha sheekadan inta aan isleyahay kolba waa ay idin anfacaysaa ama dhalinta waxa ay u noqonaysaa wax lagu cibro qaato.

Isaga oo sheekadii inoo wada ninkii dhalinyarada ahaa waxa uu yidhi.

Markii aanu soo galnay dalka Iran,waxa dhacay saxiibkay ayaa aad u xanuun saday,taasi waxa ay khasabtay in aanu tagno tuulo ku taala dalka Iran,balse waxaa na qabtay si lama filaan ah Boliska Iran ,waxanay noo gudbiyeen magaalo kale oo isla Iran ku taala halkaasi ayaanu aniga iyo saxiibkayba waxa nala jiifiyay dhakhtar markii la arkay xaalkayaga.

Waxa iyana layaab kale ah ,markii aanu dhakhtarkaasi aanu ku aragnay asxaab iyo akhyaar aanu ku lahayn wadankayagii, gaar ahaan gobolkii aanu ku noolayn,taasi oo qaarkood ay sidayada ka maqan yihiin Kalyahoodii kadib markii ay kusoo safreen ,waana sababta keentay in ay dhakhtarkan Bilo ku jiraan tamar-darri awadeed,qaar kamidiina waxa ay ku dhintaan mudooyinka ay safarka ku jiraan.

Ha u qaadanina in aan idin leeyahay dhamaan dhalinta Reer Afganistaan waxa ay soo iibiyaan Kalyahooda marka ay rabaan in ay wadamada Yurub qaar ka mida in ay usoo tahriibaan,taasi waa qalad hadii aad sidaa u fahamtaan,balse dhalinta qaar ayay tani ka suurawdaa,waxa sidaa yidhi ninka dhalinyarada ah ee ay sheekadani khusayso.

Midkalana aan idin xasuusyo in qof jooga dalka Afganistaan ama Bakistaan in uu iibiyo Kalyihiisa mid kamida,maaha in uu tahriibaayo oo kaliya,waxaa jira faamliyo iyo qoysas aad u faqiira oo si ay lacag u helaan qoyska qof ka mida Kalidiisa la iibiyo si faamligu u helo wax uu ku noolaado.

Muudo markii aanu halkii jiifnay anigu waan fiicnaday balse saxiibkay xaalkisu marba marka ka daynbaysa waa uu sii xumadaa,calaya-xaal,anigu dhakhtarkii ayaan kasoo baxsaday,kadibna waxa aan raadsaday tilmaan hore la iisiiyay oo ahayd Mukhalasiinta wax ka tahriibisa Iran oo u dhalatay Afganistaan kuwaasi oo talafoonno ay leyhiin aan sitay .

Ilahay mahadii waan helay waanan la heshiiyay,waan ka xumahay saxiibkay in aan dhakhtar kaga imi iyada oo uu xaalkisu xun yahay balse duruufta meesha jirta ayaan marnaba ii samaxayn in aan lasii joogo,waayo waxaa dhici karta in Bolisku ay igu celiyaan halkii aan ka imi Jidhkayga qaybo ka midana aan usoo iibiyay.

Kooxdii tahriibayaasha ahaa waxa ay markiiba ugu dareen dadkii loo waday Turkiga,waligay maan arkin safar noocan ah waa cadaabtii Ifka,heer waxa aan gaadhay in ay Toban nin iska kay nasiyaan markii aan jidkii Buuraha iyo Barafka lahaa aan ku lugayn kari waayay.

Waxa aa i qabatay maad iska dhimatid,waxkastaaba haygu dhacaane dad fiican ayaan safarkaasi lasoo kulmay oo i kaalmeeyay,waxa aan silic iyo saxariirkii kusoo galnay goor habeenimo ah tuulo yar oo Turkiga ku taala,halkaas ayaa mukhalasintii ay noogu keeneen gaadhi iyo wax aanu cunno iyo wax aanu huwano.

Tuladaasi yar waxa aanu joognay muddo dhan hal maalin,kadibna waa aanu ka shiraaqanay,ha moodina in xanuunkii Kalyaha iga hayay uu i daayay balse waan *tiicayaa tamardari iyo daal awadeed,muddo yar ka bacdi waxa nala keenay magalada Istanbuul,halkaas ayaa nolol iigu horaysay iyo nasasho.

Hadaba si aan daawo u helo waxa la igula taliyay in aan wadanka Turkiga Qaxooti ahaan aan isu diiwaan-galiyo ,waana mida ii sahashay in aan daawo helo ,madamaa aan ahay qof dhawacan oo Kalyahiisa mid ka midii ay ka maqan tahay hadana safar iyo rafaad dheer lasoo kulmay midkalana uu sugaayo.

La soco qaybta 4-aad



Wabilaahi tawfiiq.

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar


No comments:

Post a Comment