SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah:Baafin caruurtii aan u dhalay madaxwaynaha Maraykanka!

Waxay ahayd 15 Agoosto 2014 Habeen Jimce ah ,waxaan ku sugnaa xurunta shaqada, waxaa ii timid islaan magaceeda igu sheegtay Xaawo Shamis, waxay ila aheyd 45 jir muuqaalkeeda waxay u muuqtay dadka Qurba joogta ah qof ladana way u eekayd.

Sheekadu waxaay ku billaabatay

Islaantii: Maamo waxaan rabay ,idiinkuna imid, inaad ii baafisaan ilana goobtaan Labo caruura oo aan dhalay, igana maqan muddo ,kuna sugan cariga Maraykanka, taleefoonadii aan kala hadli jiray way iga Lumeen.

Caruuntaasi waxaan aan u dhalay Madaxweynihii hore ee Maraykanka G. Bush ,markaa waxaad igu caawisaan iguna xirtaa Idacada VOA qeybteeda Afka Soomaaliga; iyagana waxaan ka sii rabaa inay ii sii raadiyaan, duqa magaalada Washington ,ninkaasi kaliya ayaa ii sahli kara inaan carruurteyda la hadlo.

Runtii ma aysan laheyn muuqaal aad moodeyso iney tahay ruux dhiman ama dhimirka ka xanuunsan. hadaladdeedana mahayn kuwo dareen beena ku galin kara.

Aniga: Waxaan waydiyay sida ay iigu caddeyn karto in caruurtaasi u dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanku?

Islaantii: Hooyo adiga inta aan kaa dalbay ii samee; adiga ayaa arki doona, anigu maahi qof sahlan Maraykanka iyo Sacuudigaba waxaan ku leyahay akoono lacago igu jiraan haddaan caruurteyda helana waxaan abaal marin ku siin doonnaa 2 Milyan oo doolar!

Aniga: Dhabtii amakaag iyo yaab ayaa iga soo hadhay iyo indho taagtaag aamus iwm,mana beeneysan mana rumeysan waxay ku hadlayso, waxaan iri: Hagaag; bal ii sheeg halka aan kala soo xiriirayo hawshan aniga ayaa qabanaye.

Kaddib ayay i tiri ,waa aniga ku leh lambarkeygii wuu iga dhumay ,waana midka ey iigu jireen lambarada caruurteyda, ee waxaan ku sheegayaa Taleefon ay leedahay walaashey oo aan wada joogno hadda.

Aniga: Sidaas ayaan ku qortay lambarka walaasheed, waxaan soo galay xarunta shaqada oo waxaan markiiba garaacay lambarkii ay ii qortay waxaanna na dhexmaray Sheekadan.

Walaasheed: Halloooow?

Aniga: Haa, walaal waa Maslah Muqtaar Daahir, waxaan ka soo wacayaa xarunta Idaacada Daljir ee magaalada Gaalkacyo.

WALAASHEED: Hee walaal maxaa jira?

Aniga: Walaale mar dhow ayaa waxaa ii timid maamo magaceeda igu sheegtay Xaawo Shamis dooneysana in loo baafiyo caruur ka maqan ma taqaanaa iyada?

Walaasheed: Haa Walaal, Waa Walaashey waa gabar xanuunsan oo madaxa looga jiro oo ka timid Sacuudiga ,sidaas ayay inta badan u baafisaa caruur, hadba waxay tiraahda caruur aan u dhalay Madaxweyne hebel ama Ra’iisul Wasaare hebel iyo Masuuliyiin dalal madax ka ah ayay tilmaanta.

Aniga: Waan qoslay dhabtii, waxaan iri maamada(hooyada) gacanta ku dhiga oo halaga warqabo, dhabtii aniga marna kama dareemin iney xanuunsan tahay sababtoo ah waa qof ladan oo reer dibaddeed ah.

Walaasheed: Xanuun badan maahan oo xarig u baahan meesha ay rabto ayay aadaa wayna soo noqotaa ,waana qof cilmi leh aadna aragto muqaalkeeda sida uu yahay. Hadday rabto markisyada qur’aanka ayay tagtaa kadibna ay dhahda Shiikh Sudaysi oo Sucuudiga joogan ilmo u dhalay.

W/Q:Maslah Mukhtaar Daahir.

No comments:

Post a Comment