SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Kalyahayga mid ka mida ayaan iibiyay ,si aan Yurub ugu tahriibo,Qaybtii 4-aad !

Marka hore Ilahay ayaa mahad iska leh ; kaasi oo i garan siiyay ,awoodna ii siiyay, in aan qoraalkan idiin soo gudbiyo, idinkuna aad akhrisataan. Waxa aan qaybtii hore ee sheekada idiinku soo gudbiyay, wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Afganistaan,kaasi oo jacaylka iyo rabitaanka uu u qabo dhoofka Yurub, iibiyay labadiisa Kalyood mid ka mid ah.


Akhristayaal waxa ay sheekadu inoo maraysay,wiilkii dhalinta yaraa oo jooga dalka Turkiga;waxoogaa markii oo safarkii iyo daalkii aadka u faraha badnaa uu ka nastay;hadda waxa la gaadhay wakhtigii uu u tafaxaydan lahaa ,safar dheer oo kale,kaasi oo ah midkii u danbeeyay ee uu ku hiigsanayay qaradda Yurub.

Waakan isaga oo sheekadii inoo bilaaba:

Waxa aan gacanta ugu jiraa koox mukhalasiin ah; maaha kuwo dadka u naxa,waxa aad moodaa in dhamaan qalbiguba uu ingagay;wixii yaraa ee aan dhaqaale haystay ee igasoogalay ,iibkii Kalidayda ,waxa ay iigu guntanyihiin isla markana aan ku tolay ,meel uun uu Ilahay og yahay!

Maalin maalmaha ka mid ah, gaar ahaan xilli arooryo ah ,ayaa sidii oo aanu dagaal tagayno ,waxaa naloo tumay *Caroog (gees Lo'aad oo la dumo xiliga dagaalada) ;waxa la leeyahay waxa aad baxaysaan *gudaysaan (safar habeenimo) aniga iyo koox aanu ku jirnaa, isla caawa.

Runtii aad ayay noo farax galisay odhaahdaasi bixitaanku ,hadana iyada oo sidaasi ah qalbigaygu ma baqdin la'a,waayo safarkan aanu habeenimada galaynaa, waxa uu kaga duwan yahay safarkaygii kii hore ee dhulka,waxa la raacayaa waa Doon macmal ah,halka lagu safrayaana waa Badwayn,xiliguna waa habeenimo.

Waxa la gaadhay xiligii loo qoondeyay in safarka la galo,sacadu waa abbaara 12 Habneenimo,waxa si dhuumaalaysi ah naloogu guray Basas,waxa nala mariyay goobo aanan markaasi aqoon u lahayn ,balse aan filaayo in ay Badda xeeligeeda ahayd .

Degdeg ayaa nalagu amray in aanu baaburta uga soo dhaadhacno .Qofkasta waxa uu sitaa oo la siiyay safarka ka hor, jaaked wayn ee dhaxanta iyo qaboobaha uu iskaga celiyo, dhanna u noqonaysa shay uu isku badbaadiyo, hadii doonta aanu la soconaa ay dhibaato soo gaadho .

Doontii shiraaqa ahayd ayaanu degdeg iyo hal-haleel aanu u fuulay.Cidda doontan shiraaqa ah noo kaxaynaysaa sida lagu yaqaano tahriibayaasha maaha dad aqoon dheeraada u leh marinada Badda;hadana iyada oo ay sidaasi tahay ,waxa aad moodaa in ay waligood doontan oo kale ay kaxayn jireen!

Qiyaasta aanu haysanaa waxa ay tahay, in tiraba ugu yaraan shan ama lix habeen aanu badda ku jiri doono; safarkayagani halka uu ku wajahan tahay waa dalwaynaha Talyaaniga.

Talyaanigu waa ,aabbaha iyo ururiyaha tahriibayaasha Dunida; ma jirto meel aad ka dhaafi karto Talyaniga,waayo waa afaafka iyo iridka laga galo Yurub.Talyanigu dadku waxba kuma qabaan, aan ahayn, in mararka qaar uu badwaynta kaa badbaadiyo, dad geeri qarka u saaran .Dadka qaarna waxa ay ka helaan Basaboor aanay manfac badan ku qabin ,balse uga adag safaradooda .

Silic,darxumo iyo rafaad,waxaanu ku jirnaba, waxaanu maalinkii afraad xilli ay sacaadu tahay sagaalkii arooryo, aanu korkayaga ka aragnay diyaradaha qumaatiga u kaca oo na kor heehaabaaya.

Waa arin lagu farxo,hadana iyada oo ay sidaasi tahay waa wax laga murugoodo.Farxadi waa naxdin ayaa markaliya qalbiyadayada isku koobtay.Waxaa naxdinta noogu wacani waxa ay tahay cabsida aanu ka qabno in dalka Talyaniga Faro (Dablan)nalagaga qaado.Farxaduna waxa ay tahay in nalaga badbaadiyay halaag wayn oo aanu ku sugnayn muddo dhawr casho ah.

Sidii aanu diyaradahii u fiirsanaynay,waxa markaliya Laydhkiisu nosoo muuqday markab aad u baaxad wayn.Markabkii waxa uu soo istaagay meel aan sidaasi nooga fogayn,waxa ay nagula hadleen Makarafoon,waxa ay leeyhiin isdejiya,waxa ay farsamo anaan garanayn kusoo jiilaabeen shiraqii (doontii)aanu safarka kusoo galnay,kadibna waxa aanu hoosnimi si lama filaan ah Markabkii.

Markabkii fuulnay,badhis yar oo kooban nalagu sameeyay kadib ,markabkii nala dhaqaaq,hadana waxaa nalageeyay,goob wayn oo aan filaayo in ay ahayd goobaha Kubadda lagu cayaaro.Majirto goobtan dhinac looga bixi karaa,dhamaan Taar ayaa ku wareegsan.

Isla sacadahii gudahoodii,qofkasta oo naga mida waxaa laga qaaday farahii aanu awalba ka cabsida qabnay ;dadka qaarkood farahan uma haystaan wax wayn,waxa kaliya oo maankooda iyo maskaxdooda ku sawiran Yurub ayaad joogtaa ,balse ma dhadayaan in Yurub aanay faa'iido lahayn hadii aad faro dalkale gaar ahaan Talyaaniga aad leedahay.

Waxaa aniga si gooniya iigu soo xaadirtay murug iyo shalay.Waxaa aan is ogahay in dhalinyaradan aanu safarka tahriibka hada ku wada jirno, aan wax badan kaga duwanahay,taasi oo ay ka mid tahay ,in Kalyahaygii mid kamida ay iga maqan tahay,sababta aan u iibiyayna ay ahayd, in aan Yurub nolol taydii aan ku noolaa dhaanta in aan ka helo;taas awadeed ayaa aniga Faraha layga qaaday ay igu noqdeen caqabad labaad oo soo wajahday noloshaydii;waayo rajada dhinaca nolosha ee aan leeyahay inta Ilahay ka sokaysa waa 20% .

La soco qaybta 5-aad



khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar


Ilahay ayaa mahad iska leh.


No comments:

Post a Comment