Qoraalka aqoonyahanku ugu magacdaray « bilawgii Midnimo Qaran »
uma baahna in si fog oo xeeldheer Duxda iyo ujeedada rasmigaa ee ku jirta loo
raadguro,
balse waa fikir iyo cabiraad aqoonyahanka Maskaxdiisa mudaba ku
duugnayd, waana sida ay isaga la tahayna in *malahiisa Somaliland misse
Somaliya wax ugu hagagi’lahayeen.
Muhiim maaha in aqoonyahanka fikirkiisa lagu canbaareeyo
turjumaad xuna laga bixiyo , lakiin waxaa daruuri ah in qoraal fikirkiisa mid
wax ku ool ah laga qoro, iyada oo runta iyo xaqiiqda jirta aan marnaba la iska
indha tirayn,loona iftiiminaayo dadka sahan-fikirka Maxamed iyo inta la qabtaa
in ay meeldhaw wax ka eegeen.
Maxamed Baashe fikirka iyo dareenka Somaliwayn nimo ee uu qabo
ee odhanaaya Koonfur iyo Waqooyi ha loo sameeyo hal Dawlad oo laba nidaam ku
kala shaqaysa ,taas oo ula muqata mid faa’iido o leh labada dhinac.
Waxaa laga yabaa in dadka qaar qoraalkii Maxamed aanay fahmin,ay
dhici kartana ay ay yidhaahdaan Maxamed sidan aad sheegaysaan wax uma wado ama
qoraalkiisu sidan aad u cabirteen waa uu ka duwan yahay,taas waxa aan ka odhan
lahaa, qoraalkii Maxamed maaha mid wax mugdiya ku jira ama tuhun iyo shaki lagu
cabiraayo ee waa fikir uu sida dharaarka u iftiimiyey.
Qoraalkii Maxamed waxaa ka mid ahaa:
“”Marka la eego sida wax u yaalliin iyo is beddellada waaweyn ee
Geeska ka socda, waxa soo baxaysa in la gaadhey xilligii la heli lahaa dad
badheedhe cad iyo qorshe degsan yeesha oo horseeda aragti cusub iyo hawl-gallo
jid cusub laangoynaya ama jeexaya, kana shaqaynaya raadin midnimo ka duwan tii
lagu fashilmay 1960, markii dambena keentay burburka iyo is waaga maanta 30-ka
sano laga soo kaban la' yahay””.
Hadaba Maxamed waxa uu ka fikirayaa sidii taa loo helilahaa in
Somaliland gudaheeda looga hawlgalo,iyada oo Xisbiyada Somaliland qaar ka mida
loo jahayn karo ololaynta midnimo Somaliweyn,taasoo loo maraayo nidaamka rabitaanka dad waynaha
qaar ka mida iyo Dimuqraadiyada qaabkeeda isu awood sheegashada habka
baarlamaanigaa.
Markaa Hadiiba ay dhacdo in la ogolaado mustaqbalka fog , waxa layidhaa furitaanka ururka Maxamed iyo saxibadii ay ku
haawaa-wiyayaan, ma iswaydiyeen waxa ka dhalan kara Somaliland gudaheeda,inta
aanay uba gudbin hanki iyo himiladii isla doonashada labadii kala irdhowday ee
Hargaysa iyo Muqadisho.
Hanyirida raali galinta aanu ka bixinayno ee ku abtirsata hadal
haynta 'hal Wadan oo leh laba nidaam' waa xaqiiq aan macquul aheyn," waa
shax iyo habsiyaasadeed dadka waayadan danbe caqligooda iyo garashadooda lagu
xado, waxaanay hadalhaynteedu inagu soo badatay
intii Madaxwayne Muuse xilka hayey ;waana nidaamyadii Dawladii Taywan ka diiday dawlada Shiinaha.
Aaminaadda Somaliland ee 'hal waddan iyo laba nidaam' waxaa lagu
cabiri karaa khiyaano iyo halabuurnimo siyasadeed oo lagu mija-xaabinaayo
Nabada iyo horumarka Somaliland.
Inkastuu Maxamed aanu wax faahfaahina aanu ka bixin nidaamka iyo
qaabka uu jeclaanlahaa in uu Somali ku midawdo, hadana waxaa hubaal ah in aanay
marnaba fikirka midnimadu sharci ahaan aanu ka baxsanayn kan ay Dunidu si uun
ugu heshiiso,kaasina waa mid Somaliland markasta hagardaamo iyo shirqool ku
ah,waxaana astaan iyo sumad u ah oo aan la dhaafi karin Kalsoonidii iyo aaminaadii
wakhti hore ka luntay dadka Somaliland.
Dunida waxkasta waa laga heshiinkaraa,balse waxyaabaha aan
heshiiska laga gaadhi karin waxaa ka mid ah,fikirka iyo dareenka didmo/Sas ee
ay bulshu u qabto bulsho kale ,dhaqankeeda iyo caadadeeda aan isbedalka lahayn
taasoo ku salaysan hab nololeedka Juqraafiga ah.
Sidaa awgeed Moodeelada iyo noocyada Dimuqraadiyadu waa mid aad
farabadan una midabo badan, Somalilaanna way ku adkaanaysaa in ay yeesho
Moodeelka Dimuradiga awood-quudhsigu ku dahaadhan yahay ,kaaso ah mid iminkaba
saansaankiisu muuqdo ; waa halkii Muuse ‘’ma’anaa lay qarshaa,Mindiyo laygu
qalidoono.
Maxamed Baashoow saxiib Maalinta Madaxbanaanida 18 may waxaan u
dabaaldegnaa hadiyadda uu Ilahay na siiyey 30 sano kahor ,aasaaskii qarankeena
weyn ee Somaliland.
Xorriyaddu waa shayga ugu qaalisan ee uu dadku helo ,waxaanay ka
qalisan tahay nolosha lafteeda. Laakiin qiimaheeda dhabta ah dadka dhif iyo
naadir ayaa garan karo dhadhanka iyo damcada ay samaynaso.
Dadka dhamaantii waxa ay kasoo tafiirmeen Awoowgeen Aadam NXK
,lakiin waxaa maanta qoomiyadaha iyo dawladaha ka dhigay waa xornimo
raadsashada nolosha.
Xorriyadahu Dunida si tartiib tartiib ah ayey u baaba'aan.
Waxana baabiiyaa waa waxyar , Xoriyadda xornimda Somaliweyn ee aad doonaysaa
xornimo maaha, Xoriyada Somalilaana Dad fara badan ayaa naftooda u huray sidii
aad adigu Maxamed ahaan xor u noqon lahayd,waanan huba in aad ka mid ahayd
dadkaasi.
Haddii aadan Maxamed ahaan aqoonsanayn sida ay xorriyaddaadu
qaali u tahay, oo aad uhiiliso fikirka u hiilinta iyo rabitaanka dadkale
xoriyaddoonkooda , waxaad lumin doontaa xorriyaddaada qaaliga ah.
In qofku xoriyadiisa ka tanaasulaa waa shay aad u qiimo liita
;Somalilaanna waa hubaal in aanay aqoonsi helin muddo aad u badan,waxaana dhici
karta in ay intaa iyo in kabadan kusii jirto sidan oo kale,balse taas
macnaheedu maaha in aan tuuro inta aan haysto oo xoriyadu u horayso.
Niyad samida iyo farxadu waa waxa aad rumaysan tahay isla
markaana aad haysato aad leedahay ,balse maaha waxa wanaagsan ee aad ka
fikirayso,taas awadeed ma jecli adoonsiga fikirkayga waana midii aan ka
xoroobay.
Inooma taalo sidee ayaynu Somaliya ugu biirnaa, Laakiin su’aasha
inoo taala waxa ay tahay ,sidee ayaynu ugu rogi karnaa Somaalilaand mid
waxtarleh,una soo saaranaa khayraadka ku duugan dalkeena.
Laakiin taasi waxa ay ku imanaysaa in marka ugu horreysa waxa
aynu haysano aynu kalsooni ku qabno, una hawlgalno sidii aynu siyaasiyiinteena
uga dhigi lahayn kuwo halganka samirka dawladnimada inala qaata.
Macno
malahan inaad ku faantaa xorriyadda iyadoo ay kugu xadidan tahay ,kaagana
xidhan tahay xoriyad dadkale. Dariiqa madaxbanaanida Somaliland waxa lagu xardhay dhiig. Joogtaynta madaxbanaanida
Somaliland ayaa ka muhiimsan helitaanka Somaliweyn aan horayba ugu soo
hungoobay. Gabayaagii Carbeed waakii lahaa “”Ey xor ah
ayaa ka wanaagsan libaax dhintay كلب حر خير
من أسد ميت
Waxaan xor u
nahay in aanu daawano ficilladayadii dagaal ee aanu samaynay dawladnimadii ay
noo dhashay. laakiin dadka Somaliland sidaas uma liitaan in ay dib u fiirsadaan
jidkii Qodxaha lahaa ee ay doraad soo mareen.
W/Q :Khadar Ibrahim Aar.
France Paris
No comments:
Post a Comment