SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

RUMAYSO AMA HA RUMAYSAN, LABADII DHAKHTAR EE ISKA YAABIYEY.


Waxaa jiray nin  Injineer ah isla markaana shaqooyinkii uu hayey ay dhamaanba ka joogsadeen muddo aad u badanna shaqo la’aani daashatay. Waxa uu raadinayay wakhti dheer  shaqo isaga ku haboon nasiib daro muu helin .


Fikir qoto dheer ka dib waxa uu  go’aansaday inuu furo xarun caafimaad oo uu dadka ku daweeyo,balse maadamaa aanu dhakhtar ahayn aqoona aanu u lahayn cilmiga Cafimaadka waxa uu la yimi dadaal uu Lacag ku helo.

Xarunta uu furay ee uu dhakhtarka ugu talagalay waxa uu ku dhajiyey Boodh ama Tabeele ay ku qoran tahay ,

"Halkan waxaan ku daaweyaa cudur kasta oo dadka ku dhaca ,balse waxa aad bixinaysaa Lacag dhan 500 Dolar ,Lacagtaasi hadii aad ka bogsato cudurkii aad qabtay lacagtaasi ma helaysid laguna soo celin mayo ,hadii aad ka bogsan waydana waxa aanu ku siinaynaa Lacag dhan 1000 Dolar “”.

Qofkasta oo arka Boodhka ama Tabeelaha waxa ku qoran, waxa maskaxdiisa kusoo dhacda “” alaylahe dhakhtarkan u tag bixina lacagta dhan 500 dolar hadii aad bogsatana waa sidaad rabtay, hadii aad  bogsoon waydana faa’ido ayabad helaysaa oo Lacagtaadi laga qaaday mid la mida ayaaba lagugu darayaa 1000 Dolar ayaad la caraabaysaa.


Dunida Rag is-gurayee ,Nin dhakhtar ah ayaa waxa uu soo maray Dariiqii Dr Injineer ku boodhka ku dhajiyey,waa uu akhriyey ,kadibna waxa uu ku tashaday in uu Ninkaasi Dhakhtarka sheeganaaya Fashiliyo Lacagta uu sheegaayo ee Kunka ahna ka qaato.

Waxa uu usoo galay Dr Injineer kuyee Dr Injineer waxa aan ka cabanayaa waxaa iga tagtay dareenkii Urta markaa waxaan ka rabaa in aad iso celiso,waxaanu bixiyey Lacagtii Ajuurada ahayd ee 500 Dolar.

Dr Injineer markiiba waxa uu halkan kasoo qaaday Quraarad yar ,waxa uu sanka u saaray dhakhtarkii fashilka u socday,kadibna Bukaankii inta uu qaliyey ayuu ku yidhi Dr Injineer waxa aad Sanka iga saaraysaa wa GAAS dee maaha daawo.

Dr Injineer inta uu qoslay ayaa waxa uu ku yidhu Hanbalyo Hanbalyo waadigaa helay Dareenkii urta madamaa aad garatay waxanu in ay Gaas yihiin,sidaasi Ayaan 500 Dolar uu ku qaatay Dr Injineer.

Dr kii oo xanaaqsan ayaa kadinka ka baxay,balse sidii kumuu hadhine maalinkale ayaa hadana uu usoo fikiray,kadibna waxa uu u sheegay in uu maanta ka cabanaayo dhibaato ah dhanka dhadhanka ah,sidii caadadu ahayd waxa uu bixiyey 500 Dolar .

Dr Injineer waxa uu soo qaatay Quraarad kadibna dhibic yar ayuu afka ugu shubay kuyee Dr kii Bukaanka sheeganaayey “”dee waar waxanu waa Gaasdee”” Hanbalyo Hanbalyo mar hadaad dhadhankii kaa maqnaa aad heshay maanta garatayna waxanu in ay GAAS yihiin ,halkaasi ayuu 500 Dolar ee labaadna kaga qaatay.

Cadho iyo ciil ayaa Dr kii ka dhamaan wayday mar sadaxaad waxa uu ku talagalay in uu soo ceshado Lacagtisii laga qaatay ee dhamayd 1000 Dolar,waxaanu kusoo noqday Dr Injineer waxaanu u sheegay in maanta xanuunka hayaa uu yahay Xasuustii oo dhamaan ka luntay waxaanu bixiyey 500 Dolar.

Waxa la jiifiyey sidii caadada ahayd Sariirta ,Dr Injineer waxa uu galiyey Gacanta Khaanadii uu kasoo saari jiray Qurarada yar waanu soo qaaday,Dr kii Bukaanka ahaa inta uu qayliyey ayaa waxa uu yidhi “” oo kaalay adigu GAAS mooyaane miyaadan waxkale wax ku dawaynin aqoona ”” Dr Injineer inta uu qoslay kuyee Mashaa Allaah hanbalyo waadigaa helay Xasuustii hadiibaa aad garatay in horay Gaas laguugu daweeyey.

Waar ilayn cadho looma dhinto ,Dhakhtarkii rasmiga ahaa waxa laga marayaa Lacag dhan 1500 Dolar,balse hadhi waa hada waxa uu ka fikirayaa hab kale oo uu ninkan ku fashiliyo Lacagtisiina kusoo ceshado.

Maalin kale ayaa waxa uu u yimi Dr Injineer waxa uu u sheegay in aanu Indhaha waxba ka arkayn,waxa sidii caadad ahayd uu bixiyey Lacagtii 500 Dolar ahayd,waa la jifiyey Sariirtii ,hada waa uu foojigan yahay waxaanu ka fikirayaa sidii aan mardanbe loo khayanayn.

Dr Injineer waxa uu sidii caadada u ahayd soo Qaatay Quraradii yarayd isaga oo Gacanta ku sida ayaa Dhakhtarkii rasmiga ahaa waxa uu ku qayliyey “” Tani waa Quraradii yarayd ee aad awalba igu khaldi jirtay ! yaab badanaa Dr Injineer farxad awadii kuyee hanbalyo hanbalyo hadiiba Ilahay Aragii kusoo celiyey .

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment