SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso cajiiba: waxan idinkula talinayaa meel aan Muslim joogin!!

Wakhti aan sidaasi usii fogayn,ayaa waxaa diyaarad soo wada raacay laba nin uu Muslimiin ah,kuwaasi oo ku labisan dharka inta badan dadka muslimka ah lagu yaqaano gaar ahaan dharka laga isticmaalo dhulka Carabta sida Khamiiska iwm.

Labadii nin uu Muslimiinta ahaa madama ay yihiin laba nin oo saxiib ah isku safarna ah waxa ay wada fadhiisteen laba Kursi oo isku dhegen, waxyar ka bacdina markii ay diyaradii hawada u duushay ayaa labadii nin ee Muslimiinka ahaa ay damceen in ay ka sheekaystaan wakhtigan xaadirka ah xaladaha ka jira dalalka Muslimiinta qaar ka mida .

Labada nin ee Muslimka ah waxa aan ka dheerayn oo kuraasta iyaga ka horaysa fadhiya laba nin oo iyaguna ah Gaalo,kuwaasi oo u dhag raaricinaaya ama dhagaysanaaya iswayraysiga nimankan Muslimiinta ah ee ay diyarada wada saaran yihiin.

Mid kamida nimankii Gaalada ahaa ayaa markii uu wakhti badan u dhag taagay nimankii muslimiinta ahaa iyo waxyabaha ay ka sheekaysanayaan,ayaa waxa uu saxiibkiisii kale ku yidhi,saxiib Muslimiintu waa dhibaato miidhan meelna lagaga baxsan maayo.

Kii kale ee saxiibkii ahaa ayaa waxa uu ku celiyay hadal ah,waxa aan tegay wakhti aan sidaasi u fogayn dalal badan oo aduunka ah sida Faransiista Muslimiin ayaa ka buuxda ,waxakaloo aan tegay wadanka aduunka ugu wayn ee Maraykanka Muslim ayaa jooga oo waddo kasta kaaga soo horbaxaaya,hadaad tagto Hindiya iyo Shiine hadalkoodaba daa.

Waxaa hadana hadalkii qaatay kii kale ee gaalka ahaa,kuyee dunida meel aanan marini ma jirto ilaa waxa jooga Muslimiin,waxa kaloo uu hadalka ku daray in uu dhamaan Muslimiinta neceb yahay aragoodana aanu jeclayn ,isaga oo sii raaciyay xataa hada ayay fadhiyaan kuraastan inaga danbaysa.

Labadii nin ee Gaalada ahaa waxa ay sheekadoodii kusoo afjareen, in ay jeclaan lahayeen in ay Aduunka kaga nooladaan meel aanay joogin dad Muslimiin ah,taasi oo ay u arkeen in ay u tahay goob raaxo.

Labadii nin ee Muslimka ahaa wax jawaab ah uma celin labadan nin ee Gaalada ahaa kuwaasi oo ka sheekaynaya xumaanta iyo xasadka ay u qabaan Muslimiinta,kuna sheegaaya in ay yihiin kuwo shar ku ah aduunyada,balse markii ay dhamaysteen hadaladoodii ayaa waxa ay waydiiyeen nimankii Gaalada ahaa su'aal ah:-

Waxa aanu maqlaynay sheekadinii ,waxaananu ka dhan-dhansanay in meelkasta oo aad Aduunka ka tagteen in aad ku aragteen dad Muslim ah oo ku nool,taas awdeed waxaanu idiin aragnay in aad tihiin dad aan jeclayn in ay ku nooladaan meel ay ka arkayaan dad Muslim ah Qofna ha ahaadee.

Hadaba hadii ay arintiinu sidaasi tahay,ma idiin tilmaanaa,mase ka warhaysaan in ay jirto meel aan Muslimiini ku noolayn,taasi oo aanu anaguna u aragno in ay idiin fiican tahay in aad ku nolataan abidkiin,waayo marnaba kuma arkaysaan qof Muslim ah.

Labadii nin ee Gaalada ahaa ayaa hal mar inta ay wada farxeen waxa ay yidhaahdeen "haaaaa noo tilmaan meeshaasi waa meesha aanu doonayno in aanu noloshayada ku qadanayno kuna noolanayno,Muslinna aanan isu imanayne?

Ninkii Muslimka ahaa waxa uu ugu jawaabay hadaad rabtaan meel aan Muslim joogin idinkuna aad kali ku tihiin waa CADAABTA IYO NAARTA EE HALKAASI DEGA,KUNA NOOLAADA , MUSLIMNA KA HELI MAYSAAN WALIGOODNA IDIINKU IMAN MAYAANE!!

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment