SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah :Isugu aarkii labada aqoonyahan ee saaxibada ahaa !!


Imisaa nin aqoon iyo garasho leh oo dadkiisa ,Diintiisa iyo dalkiisaba wax u qaban lahaa ka cararay deegaankii uu ku noolaa ,sababta oo ah isaga oo ka baqaya in loo dilo aano qabiil oo aanu marnaba shaqo ku lahayn,imisa nin garasho iyo caqli Ilahay siiyay maanta meehanabayaa dhulal shisheeya, oo doqoniimada iyo garaad xumda Somalidu ay ka dhigtay mid dawraan ah oo dibadaha wareegaysta si uu naftiisa ugu badbaadiyo.


Imisaa garasho xumoolo iyo habayac gardarro iyo is-yeelyeel dad ku dilay,qabiilkiisu gaadh ka qabtay,una diiday in danbiga uu galay marnaba laga gooyo,imisaa garaad badane iyo nin Guuleeda godob ku qaaday danbi kii lahaa lagala cararay.

Wakhti aad u badan ayaa waxa aan maqlijiray halku-dhiga ah "Reer hebel ama qabiil hebel ninkaasi ayaa laga dilaa, hadii kalmadan sideeda loo dhuuxo waxa kuu soo baxaysay is-dabar goyn ku wajahan qofka caqli leh iyo aqoonba ; waana mid aynu maanta dhaxalkeeda hayno.

Hal-hayska ah Reer Hebel Ninkasaa laga dilaa, maxaa loo ga jeedaa,maxay ayuu yahay ninkan ku calaamad san in la dilo,maxay ayay tahay tilmaantan iyo sumadan sheegaysa ninka reer hebel laga dilo ,danbiga iyo godobta uu galay maxay ayay tahay.

Ninkan aad moodo in dilka iyo toogashada loo balan qaaday ee Halku-dhigani korkiisa saaran yahay maxay ayuu yahay,ma nin danbi cid ka galaybaa ,waa maxay sababta keentay in ninkan reer hebel nimo loogu dilo.

Somalidu sideedaba ma taqaano sida ay u ilaashan lahayd dadka aqoonta,garaad,fahmada,cilmiga iyo garashada u saaxiibka ah ,Somalidu waa ay ka dhoohan tahay in ay fahamto ninka iyada wax u taraaya iyo kan lu-goynaaya.

Hadii aynu si toosa u guda galno kalmadan ama halku dhigan ah "reer hebel ninkasaa laga dilaa " waxa ay ila tahay in ay ku timi *Aanada ay Somalidu markasta isku disho taasi oo ah in Qabiilkasta ninka laga dilo ay u dilaan nin la aqoon ah ama kaba aqoon iyo garasho badan kii la dilay .

Balse dadka sidaasi samaynayaa ma garanayaan in waxan ay iska dilayaan uu yahay aqoontii iyo garaadkii ,kadibna waxa isu soo hadhaaya intii garashada liidatay,taasi oo waayaysa sida Qudhaanjo laga qabtay madaxdii , cid kala hagta madamaa ay iska dileen haldoorkii.

Waa qiimayn baadil ah,waana mida Soomali maanta dhaxal siisay in ay kasoo waaqsan waydo aano qabiil oo ay markasta isu disho ,waana ta dhamaysay in nin haldoor ah oo inta baadil iyo kibir lagu dilay kadibna loo dilay nin isaguna ah aqoontii iyo garaadka qabiilka ninka dilay.

Wakhtiyadii hore arintani waxa ay ku koobnayd oo kaliya, dadka markaasi iyagu ku hawlana in ay qabaa'ilka iyo reeraha iska horkeenaan,hadase waxa aad moodaa in ay soo guda-gashay dhalintii iyagu aqoonta iyo garaadka sheeganayay.

Hadii aad tariikhda dib u raacdo boqol iyo boqolaal ka badan inta Aano qabiil ku kala maqan Soomali,inta haldoor iyo nin raga Ifka la seejiyay isla markana loo dilay nin aanu isagu dilin ama aanu in la dilo aanu ka raali ahayn,aano qabiil inta ku maqani waa laa cadad walaa xisaab.

Wax yaabaha  aan xasuusto waxaa ka mid ah ,hal magaalo oo yar ayaa waxa dadka ku nool ka mid aha  ,laba nin ,kuwaasi oo ahaa labadii nin ee deegaankaasiba ugu aqoonta badnaa,balse labadan nin waxa ay kasoo kala jeedaan Qabaa'ilka deegaanka wada dega;markastana isku fakada oo colaad guun ahi ay ka dhaxayso.

Labada nin waa laba nin oo saxiib tinimadoodu ay tahay mid xeel-dheer , wax kale kuma garatidi waa laba nin oo ceeshow-milix ah ;wakhtiga ay shaqooyinkooda gaarka ah ku kala maqan yihiin mooyaane, inta kale la iskama agwaayi jirin,waxa ay ahayeen dad aad isu jecel.

Waxa kaloo labadan nin ay caan ku ahayeen, in ay markasta xaliyaan xurgufaha iyo dhibaatooyinka ka dhex dhasha qabaa'ilka ay kaso kala jeedaan,madamaa deegaanka ay ku nool yihiin uu ahaa mid ay ku badan tahay iska hor-imaatinka reerahu,gaar ahaan labada qabiil ee ay ka dhasheen.

Labadan nin ee aqoon yahanka ah midi ka midii magalada yar ee ay ku nool yihiin waxa uu yahay dhakhtarka kaliya ee daweeya,kan kalana waa Dawaarle/Harqaanle tola dharka ay magaladu gashato,waana nin gacantiisa iyo farshaxanimadiisa aad looga jecel yahay deegaanka.

Waxa kaloo intaasi dheer, in labadan nin midkastaaba uu leeyahay caruur iyo xaas,kuwaasi oo iyagana ay ka dhaxayso saxiibtinimo ay abuureen abayashood.Waxa kaloo jira in wakhtibadan oo deegaanka ay ku noolyihiin ay dhibaato iyo fidno ay ka dhicilahayd in ay labadan nin sabab u ahayeen  in ay joojiyaan ama ay xaliyaan.

Nasiib darro,labadii nin mid ka mida ayaa habeen madaw niman budhcad ahi ay xabad Wadnaha kaga dhufteen, dhulkaba ulama uusan dhicin; halkiina waa uu ku qudh baxay ,kadibna nimankii waa ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen marxuumka,markii la raadiyayna waxaa la waayay meel ay Jaan iyo cidhib dhigeen.

Halkii ay ahayd in nimankii dilka gaystay ee danbiilayaasha ahaa la raadiyo,ayaa waxaa dhinacii ninka laga dilay ay hujuum iyo weerar kusoo qadeen  ,qabiilkii ama reerkii ay u aanaynayeen in ay ninka kadileen,kuwaasi oo ka codsaday in ay keenaan cidii ninkooda dishay.

Maba xuma waana arin wanaagsan,hadii lagu yidhaa ninkii soo qabo gacan ku dhiiglaha ahaa,hadii aad karikarayso ;balse waxaan meesha qaban hadii aad tidhaahdo !ciddii dilka gaysatay hadii ad keeni waydaan,  waxa aanu ugu aari doonaa nin isaga la garasho iyo garaad ah.

Isla ayaamo yar ka bacdi ,qabiilkii ninka laga dilay iyana waxa ay dileen saxiibkiisii kalae ee qaaliga ahaa,gaar ahaan ninkii dhakhtarka ahaa,isla deegaankii ama magaladii yarayd waxaa kusoo fool yeeshay markiiba,saansaan coladeed.

Subxanalaa saw maaha wax lala yaabo,bal dib maskaxdaada waxa aad ka sawirtaa,wakhtigii ay noolayeen marnaba ma ka fikireen in iyaga la isu dili doono,ma isleedahay marnaba maskaxdooda waa ay kusoo dhacday arintan fool xumada wayni.

Hadaba su'aasha meesha talaa waxa ay tahay ? dilkii iyo isugu aarkii aqoonyahankii saxiibada ahaa , deegaankii ma ka faa'ideen mise waa ay ku khasaareen.Waxaa ka dhacday deegaankii colaad aan waligeed la arag,albaabada ayaa la xidhay,waa la isu bixi waayay,guriba guriga xiga ayuu ka shakiyay,kabtay meeday ayaa ka dhacday,boqolaalkale ayaa la isu dilay dhaawaca isaga hadalkiisa daa.
 
Deegaankii iyo tulooyinkii ku dhadhawaa gabbal baas ayaa u dumay,ninkasta oo kaalin qaad ahi waxa uu noqday mid meesha ka carara ama qoriga qaata si uu qabiilka kale ugu weeraro,tolaay iyo taagwaayay ayaa ka dhex dhacday .

Waxaa ay markii danbe ay tuuladii iyo deegaankii uu noqday mid ku danbeeya lama dega iyo ka guuraan,waxa uu noqday goob galan-gal ah oo qof Ashahaataa in uu dego iska daaye aanu xataa safar kusoo marin.

Sheekada noocan oo kale ahi maaha mid deegaan kaliya ku kooban waa mid hadii aad dib u raadcayso tariikhda Somalida ka dhigtay bar madaw oo lama ilaawaan ah,imisaa Geesi ku maqan aano Qabiil iyada oo loo dilay danbi aanu marnaba shaqo ku lahayn.



Wa bilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com




W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment