SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sheeko :-Khalad ayaan sameeyay ,markii aan u duceeyay ,Qabriyo anaan isku qabiil hayn!

Somali maanta dakanooyin iyo dibin-daabyooyin badan ayaa kala jiifa,taasi oo aan wali aanay jirin cid ka heshiisay,hadana iyada oo ay sidaasi tahay ayaa qabiilka iyo qoloqoladu waxa uu noqday nabar aan markaliya bogsan oo cidkastaaba ay xoqdo marka ay doonto.

Wax badan ayaynu ka sheekaynay dhaqan xumada dadka qabiilka ku dhaqma,hadana iyada oo ay sidaasi tahay ,anugu wali maan arkin cid ka fayoow qabiilka iyo qabwaynidiisa,waa laga yabaa in lagu kala badan yahay oo qofba uu in ka sito, balse u malayn maayo in la helaayo qof nadiif ka ah, ilaa mid Ilahay SW uu u naxariistay mooyaane.

Xilli aan sidaasiba aan u fogayn ,ayaa nin socoto ah ayaa waxa uu usoo safray meel aan ka dheerayn magalada uu deegaanka ku yahay,intii uu safarka jidka ku jiray ,ayaa waxa uu arkay Qabriyo ama Xabaalo meel aan sidaasu uga fogayn ka samaysan.

Madamaa aynu nahay dad Muslim ah inta badana aynu aad u ixtiraamno Xabalaha iyo Qabriyada dadkeena Maytida ah lagu aaso, ninkii socotada ahaa waxaa ku adkaaday in uu Xabalaahasi la dhaafi Fataxada ama in uu Ilahay uga baryo in uu Cadaabkiisa ka nabad galiyo.

Markii uu Xabalahii dul yimi ninkii socotada ahaa,ayaa waxa uu bilaabay duco iyo Alla bari ku wajahan dadka qabriyadan ku jira,waxa uu Labadiisa gacmood u taagay Cirka waxa uu Ilahay u baryay in Maytida halkan ku aasan in uu u naxariisto.

Markii uu in cabaar ah Ducadii laba-goor celinaayay,ayaa waxa uu geed agtiisa ah kasoo goostay Laamo ama caleemo qoyan oo markaasi geedka ku taalay,waxa uu ku qotomiyay qabriyadii qaar ka mida oo ah intuu ii gaadhsiin karaayay Caleebaha uu geedka kasoo jaray.

Caleen taasi uu Qabriyada saaray dusheeda oo uu kasoo xigtay sida ay culimada qaar sheegaan in Nabigu CSW uu qaabkaasi samayn jiray,inkastoo malaha hadana culimada qaar ka midii ay masaladaasi si gaar ah uga hadlaan,hadana sida ay doonto ha ahaatee Odaygan Somaliyeed ee Xujaale waxa uun uu uga jeeday in Ilahay dadkan Cadaabal Qabriga iyo danbi dhaaf uu u waydiiyo.

Ninkii socotada ahaa,oo ducadii iyo Allah barigii wali la sara-jooga, ayaa waxa garabkiisa Bidix soo istaagay nin ay is iyaqanaan isla markana ay isku hayb yihiin,kaasi oo markii uu arkay in uu saxiibtii Ducadii iyo Allah barigii ku maskax doorsoon yahay,ayaa waxa uu dhawr goor ku celceliyay scw scw, balse ninkii odayga ahaa ee isagu ducaynaayay dhagba jalaq umuu siinin,waayomaba maqlaayo Ducadii ayuu la miyir doorsoon yahay.

Markii ninkii labaad ee socotada ahaa uu arkay in saxiibkii ku maqan yahay ducada uu u ducaynaayo dadkan Qabriyadan faraha badan ku jira, ayaa inta uu Gacanta soo qabtay,waxa uu ku yidhi waar Xujaale miyaad garanaysaa dadka aad u ducaynayso wax ay yihiin.

Oday Xujaale oo markaasi aan jeclaysan Ducada iyo Allah bariga laga kala gooyay,ayaa inta uu si cadho leh usoo eegay saxiibkiisii kale ee goobta ugu yimi, ayaa waxa uu ku yidhi,anigu dadkan Xabaalaha ku jira garan maayo, balse waxa uun aan u haystaa in ay yihiin dad Muslimiina,taasi ayaa waxa ay keentay in aanan Ducada iyo Allah bariga aanan la dhaafin.

Ninkii kale ee socotada ahaa ,ayaa waxa uu oday Xujaale ku ydhi,intaasba ismaad xijiseen umanaad ducayseen hadii aad garanayso dadkan Xabalahan ku jiraa kuwa ay yihiin,waxanan hubaa hadii aad garan lahayd inaad u ducayso iska daye Habaarka aad ku bilawdo Qabrigooda kalamaad dul dhaqaaqdeen.

Oday Xujaale markan waa uu yaabay,ducadii iyo Allah barigii ayaa joojiyay,gacmahii uu kor Cirka ugu laalayna hoos ayuu usoo dajiyay,kadibna waxa uu ku yidhi saxiibkiisii u yimi,waar waxa aan ku waydiiyay nimankan meesha ku aasani waa darma.

Ninkii labaad ee oday Xujaale ducada iyo Allah bariga tashuushka kaga riday ,ayaa waxa uu yidhi,waa nimankii reer Qudhac ee barigii aad ogayd sidii inoo xasuuqay,qabriyadana iyaga nimaan ahaynu kuma aasna,hadii laga tagi waayo,labadaa qabri ee bariga u xiga "inta uu farta ugu fiiqay" ayaa waxa ku aasan niman inaga ah ,hadii aad cid u ducaynayso kuwasaa kaaga baahan duco iyo Allah bari.

Ninkii Xujaale markan xaalkiisii oo dhan waa uu is badalay,kalmada uu saxiibkiiku yidhina waxa ay noqotay mid maskaxdiisa sii fiican u gashay , hadalkii u horeeyay ee kasoo yeedhay waxa uu noqday *Allah idiinma naxariisto,kadibna inta uu Qabri kasta caleentii qoyanayd ee uu ka dulqotomiyay kasoo dulqaaday ayaa waxa uu qabri kasta ka dul yidhi Naarka Allah ha kugu rido.

Oday Xujaale dhamaan calamahii uu Qabriyada ay isku Qabiilka noqon wayeen uu kasoo ururiyay dhamaantood waxa uu dusha ka saaray Labadaii Qabri ee loo tilmaamay in ay yihiin kuwo ay isku qabiil yihiin.

Xujaale markan waxa uu rabaa in ducadii faraha badnayd ee uu Qabriyada dushooda ka tiriyay in uu habaar ku badalo,waxa kaloo uu doonayaa in uu Ilahay ka codsado in Ducooyinkaasi ay yihiin kuwo kasoo qaldamay oo kadib markii loo sheegay in ay qabriyadani yihiin Qolooyin kae oo ay bari isdileen, waxaanu yidhi:-

Rabi-yoow waxa aan kaa baryayaa, ducadaasi wakhtiyar ka hor aan kaa codsaday waan ka noqday, waanay iga qaldantay,nimankan aan u ducaynayayna waxa ay noqodeen kuwo aan qabiilkayga ahayn,walibana dhib iyo gardaro hore noo gaystay,Rabiyoow waxa aan kaa baryayaa ducadii oo dhan waxa aan u wareejiyay labadaasi nin ee aanu isku Qabiilka nahay,kuwan kalana waxaan ka baryayaa Cadaabka u laban laab.

Subxanalaah waxaa laga yabaa in dadka qabriyada ku jira xataa hadiiba aanay ahayn qabiilkiisa sida isaga loo sheegay,waxaa dhici karta in ay ku jiraan kuwo ka xumaa dagaalka uu sheegaayo ee qabiilkiisa lagu qaaday.

Waxaa kaloo dhici karta in ay ku jiraan kuwo isaga Ilahay uga dhaw,lagana yaabo in wakhtigan uu marna ducaynaayo Xujaale marna uu habaar taamayoin qaarkood uu Ilahay daaqada Janada ay naxariista Rabbi ka helayaan.

Qabri kasta oo aad soo marto oo Muslimi ay leedahay ha ku kala soociin, qabiiliyo qolo qolo,qofkasta oo dhintay maanta maaha qolo ee waa reer Aakhiri,waxaanu ku biirayaa dadkii isaga ka horeeyay, taasi oo aynu inaguna nahay kuwo ku daba jira,Ilahay waxaan ka baryayaa in uu tawfiiqda ina waafajiyo.

W/Q.Khadar Aar.

 

No comments:

Post a Comment