SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Madaxwayne kasta ha la dhaartaan Qabiilkiisu!

Maadama Qabiikii uu noqday mid awood badan ku leh madaxnimadii dalka iyo habkii wax loo dooranaayay,khasabna ay inagu noqotay in Madaxwayne kasta oo aynu dooranayno in uu door muuqda iyo mid qarsoonba uu ku leeyahay Qabiilkiisu,miyaanay idinla fiicnayn markaasi in qabiilka laftiisu uu ka qayb qaato dhaarta iyo masuuliyada dalka.
Way adag tahay ama suura galba maaha in Madaxwayne la dooranayaa uu qabiilkiisa ka fara-madhaado doorashadiisa,waxa aan caad inaga sarnayn in Madaxwayne kasta oo aynu doorano qabiilka iyo qolada uu ka dhashay ay tahay awooda kaliya ee ugu horaysa ee uu isku halaynaayo.

Waxaa jira waxyaabo aad u farabadan oo ku kalifaaya in ninka Madaxnimada doonayaa uu ka codsado qabiilka iyo qolada uu ka dhasahy in ay u damaanad qadaan in ay door muuqda ku yeelanayaan doorashadiisa,kuwaasi oo ku dhisaaya naf iyo maalba.

Maha wax sahlan in si fudud Madaxwayne lagu noqdo,waxa ay u baahan tahay doorashada madaxnimadu dhaqaale aad u farabadan,dhaqalahaasina intiisa ugu badani waxa ay ka timaadaa dhinaca Qabiilka uu ka dhashay ninka madaxnimada rabaa.

Hadaba madamaa qabiilkii uu yahay mid aan sinaba uga gacan bananayn doorashadii Madaxwaynaha,hadana iyada oo sidaasa marka uu soo baxana ay af iyo adibna ku tageerayaan,markastana iyaga dhankooda uu ka yahay ceebka saliim.

Maxaa diidaaya aniga rayigayga in ay ka qayb qataan masuuliyada dalka ay iyaga iyo madaxwaynaha la reerkiiba lagala xisaabtamo waxkasta oo ay xumeeyaan laguna hanbalyeeyo waxkasta oo ay wanajiyaan.

Waxa aad in badan suuqyada ka maqlaysaa hadalo ay ka mid yihiin "xiligii aanu anagu madaxnimada haynay ,waxaaanu ahayn kuwo dalka iyo dadkaba hormariyay " qofka sidaasi u hadlayaa waxa kaliya ee uu u jeedaa waxa ay tahay in uu ku faano , wakhti uu Madaxwayne ahaa nin isaga ay isku qabiil ahayeen.

Hadii lakiin ay dhacdo in ninka madaxda ahi uu wax xumeeyo ,qabiilka uu ka dhashay waxa ay odhanayaan anagu bari ayaanu ka nahay waxaasi xumaaday,waxabana laga yabaa in qabiil kale ama cidkale ay u sibir-saraan waxaasi xumaaday.

Markii aan arkay in qabiilku hadda uu inala maraayo meel aad u xun, ay adag tahayna in aynu dib uga noqonaa,markii aan u kuurgalay habka iyo hanaanka qofkasta oo madaxwayne aynu u dooranaa uu kusoo baxaayo oo ah in Qabiilkiisu naf iyo maal uu la garab taagan yahay.

Waxa aan ku fikiray in aan soo jeediyo talooyin aan isleeyahay malaha dhibaatoyinka jira waa lagu xalin karayaa ama waa ay ku yaranaysaa habkan beelaha ee aynu iminkaba sida dadban ugu shaqayno .

Talooyinkaasi waxaa ka mida:-

1.In Madaxwayne kasta oo la doortay,xiliga loo dhaarinaayo Madaxnamida dalka in uu daacad ka noqonaayo,in dhaartaasi laraaciyo qaar ka mida odayashaa iyo madaxdhaqameedka Qabiilkiisa;si ay masuuliyada dalka oo dhan qabiilkaasi u qaado mudada uu xilka hayo ninkan ay ku faanayaan.

2.In sharciga inoo dajisan aynu ku darsanno, in Masuuliyada dalka ay qadaan madaxwaynaha markaasi la doortay iyo qabiilka uu kasoo jeedaa,sababta oo ah xiliga doorashada iyo doonista madaxwaynahaba Qabiilkiisii waa kan ka hadhi la, ee la dultaagan difaaca,dooda,dhaqalaha, taasi awadeed miyanay xaq u lahayn dadka inta kale ee aan dooranini in Qabiilka Madaxwaynahu uu yahay ay damanad qadaan dalkaasi wixii ka xumaada in iyaga loo raaco.

Qofkasta oo qof dila waxaa diyada iyo magta la waydiiyaa qabiilka iyo qoyska uu kasoo jeedo, madama habkii doorashada qabiilkii inagaga dhex milmay ,aniga waxa ay ila tahay in madaxwayne kastaa wixii uu xumeeyo loo raaco sidii magtii, qabiilka uu kasoo jeedo ee iyagu markasta sax iyo qaladba la garab-taagan.

Arimahn aan soo jeediyay waxa aan isleeyahay ,waxa ay wax ka tarayaan ama ay yaraynayaan raadinta iyo qabiil ku tageerka madaxda dalka,hadii Qabiilkasta la yidhaa,waxkasta oo dalkaasi ka xumaada idinka ayaa la idiin haystaa, aniga waxa ay ila tahay in ay yaraan lahayd qabiilka iyo qoloqolada la isku taageerayaa.

Waxa kaloo iyana aan isleeyahay arintani waxa ay wax ka tari lahayd,loolanka iyo hirdanka ka jira dhinaca siyaasada,taasi isu badali lahayd in qabiilkastaa ay ogadaan in masuuliyadii dalka iyaga guudka loo saaray,iyaguna aanay ogoladeen in ninka madaxwaynaha ahi in uu wax xumeeyo.

Mushkilada hada ina haysata aya waxa ka mida,qabiil ninkisii tageeraaya,hadana hadhaw doonaaya in ay ka baxsadaan danbiyadii uu umada ka galay ,si taasi aanay u dhcin waa in aynu hada waxkasta isu cadaysanaa oo aynu madwadawga isaga baxnaa.

Madaama hadaba aynu qabiil iyo qolo-qolo madaxda ku dooranayno,hadana marka ninkii madaxda ahaa uu wax xumeeyo qabiilkiisii uu rabo in uu difaaco,miyanay umada kale xaq u lahayn in ay hesho damaanad sax ah oo madaxwaynaha loogu hagaago.

Waxa aad arkaysaa nin madax ah oo la leeyahay wax ayuu xumeeyay,hadana qabiilkii iyo qoladii uu ka dhashay ay mudaharaad iyo rabshado u dhigayaan ninkaasi ,iyaga oo ka dhigaaya qof ceeb ka saliima.

Hadiiba aynu sharcigii iska baal marnay,waxba yaynaan isugu gabanin ,oo aynaan isku maawelinin in aynu nahay dad si xor ah wax u doorta, qofkastaw masuul ayaad ka tahay qofka aad tageertaa waxa uu xumeeyo,waxa uu dhaco,dilka uu gaysto ,waxa uu hanti xado,ilayn wadiigan lasoo taagan waa nin fiican oo aanu isku qabiil nahaye.

Waxa aan isleeyahaym malahayga ,hadii sidan aynu yeeli lahayn,madaxwayne kastana aynu odhan lahayn waa in dhaarta iyo masuuliyada dalka ay kula qadaan qabiilka aad ka dhalatay,xiliga dhaartana ay isasoo tubaan xarunta madaxwaynaha lagu dharinaayo,waxaan isleeyahay waxaa inaga yaraan lahaa boobka,dhaca iyo nin jeclaysiga.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment