SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa maxay kalmadda ah Diimaha Cuqdadaysan ??

Waa kalmadii iigu horaysay ee aan maqlo baryahan, bal xumaanteeda eeg , *Diimaha Cuqdadaysan*,Diimaha cuqdadaysan!,*Diimaha cuqadadaysan! ,Subxaana-Laah, carabka ayaaba diidaaya ,waan yaabay waanan u qaadan waayay,kalmadani waxa ay kasoo yeedhay Nin dhalinyaro ah oo Soomaliyeed isla markaana Muslim ah sidaan isleeyahay.

Markii aan kalmadan qoraalkiisa ka akhriyay wiil dhalinyaro ah Somalina ah sidaan filaaya,waxa maskaxdaydii daashaday iguna soo noqnoqday Su'aal ah,maxay ayay tahay Diintan Cuqdada qabtaa? waxa isu kay qaban waayay labada kalmadood ee kala ah DIIN IYO CUQDAD.

Waxa kaloo aan iswaydiiyay ,wiilkan dhalinta yari, kalmadan ma waxa uu uga jeedaa Diimaha kale mise tan Islaamka,iyada oo ay sidaasi tahay waxa ii cadaynaysa in uu kalmadan uga jeeday Diinta Islamka,qoraalka aanu markasi ka doodaynay ayaa waxa uu ahaa mid ka hadlaaya xiliyadii aqoonta Reer galbeedku ay inoo sheegtay in Qaarada Ameerika ay heleen badmareeno ay ka mid yihiin Christopher Columbus,taasi oo aniga iyo aqoonyahan kalaba noola muqatay in arigtidaasi ay qaldan tahay,sida ay inoogusoo gubiyeena aanay ahayn,waxaana ka markhati kacaya isla qoralada kale ee ay diyariyeen aqoonyahan Reer Yuruba.

Xadaarad ugama jeedo sancada,waayo sanca kasta oo fiican oo Aduunka faa'ido u leh waxaa samayn kara qofkasta oo Ilahay caqli siiyay Diinta uu doono ha haysto,balse waxa ay markaasi doodayada qoraalku u biya dhacaysay isku lamaanashaha fahamka qaldan ee dadka qaar ka haystaan Sancada casriga ah iyo horumarka dhaqanka iyo akhlaaqda.

Kalmadda Cuqdad,anigu baryahan maan maqlin cid ku hadlaysa,waxaa iigu danbaysay wakhti aad u fog,hadaan si kale u idhaado malaha maqal-keeda waxaa iigu danbeeyay xiligii aan dhalin yarada ahaa ; kalmadani inteeda badan waxaa isticmaali jiray dadka dhalinyarada ah ,gaar ahaan waxaa isku weerari jiray xiliyada ay isku dhacaan dadka saaxiibada iyo asxaabta ah.

Waxa aan in badan maqli jiray qofkaasi waxa uu qabaa *cuqdad-nafsi ama waa uu cuqdadaysan yahay oo macneeheedu noqonaayo, waxa uu ka xun yahay waxkasta oo nolosha sax ku ah , hadii aynu si kala u dhignana cuqdad waxa ay noqonaysaa qof markaasi xaalad nafsiyay ama xanuun ah qaba; xanaaqsan wax diidan aan cilinkiisa la saarin aanay jirin dhan loo raacaa.

Hadaba kalmadii sidaa ahayd ayaa maanta waxa ay dadka qaar u isticmaalayaan Diinta,bal adiga ayaan kuu dhiibay akhriste waxa aad tafsiir iyo macne ku samaysaa kalmadan ah Diimaha Cuqdadaysan,ma haysaa macna aan ahayn kan aan u fahmay oo ah Diin kasoo horjeeda kana xun waxa maanta horumarka loo yaqaano.

Diinta waxa aynu ku naqanaa ama ay tahay mid ALLAHII koonkan iska lahaa uu Adoomahiisa usoo dejiyay,Allah SW waa midka isagu abuurtay Dunidan oo dhan ,mana jiro cid uga waroon oo jirta,waxkasta oo isaga kasoo hadhay waa uun wax uu isagu iska leeyahay,taas awadeed ayaanay jirin Diin Cuqdadaysan oo uu Ilahay Dunida usoo dejiyay.

Diin waa Quraan ,Quraankuna waa hadalkii ILAHAY ,cidda inoo soo gaadhsiisay una baahan in ficil ahaan lagaga daydaana waa Nabi Muxamed CSW,Nabiguna sida ay dadka qaar u fameen muu ahayn *Booswale (Qof fariin inoo keenay) balse waxa uu ahaa tusaale wanaagsan oo Dunida losoo diray.

Hadii aad u fahanto in Diinta Islaamku ay tahay mid cuqdadaysan,oo dhamaan kasoo horjeeda Warshadaha,Kombutarada iyo dhamaan Tiknolijiyada waxaa hubaal ah in aad Ilahay Kalaamkisii wax ka sheegayso,ama aad yasayso.

Hadii aan kalmadan is idhaahdo bal waxa aad u radisaa macnaheeda saxa ah ee uu ninkan dhalinyarada ahi uu uga jeedo,waxaa isoo baxaaya jawaabo aad u farabadan oo ay ka mid yihiin,sida Diintii Islaamka Ihaanada iyo quudhsiga loogu gaystay gaar ahaan dhalintii wakhtigani ay u haystaan qaarkood Diimahu in ay yihiin kowo kasoo horjeeda horumarka.

Kalmadan ah Diimo cuqdadaysan,waxa uun aan u fahmay anigu,in looga jeedo in Diinta Ismaalku ay kasoo horjeedo horumarka iyo xadaradaha Xalaasha ah ee Dunida maanta ka jira,loona fahmay Diintiiba mid dadka iyo dunidaba dib u dhac ku samaynaysa.

Markii ninka dhalinyarada ahi uu kalmadan qoraayay ,waxa aanu hadal-qoraal ku haynay horu marka iyo xadaarada ku jirta Diinta Islaamka,taasi oo aan anigu ku doodaayay Ilbaxnimo kasta iyo sanca kasta oo aan Diinta Islaamku ka maqan tahay in ay tahay mid kala dhantaalan.

Hadaba Ninka dhalinyarada ah ee markii aan kalmado aad u kooban isu qoray lasoo booday Diimaha Cuqdadaysan,inkastoo aanan u lahayn aqoon dheer iyo mid gaaban toona ,hadana runtii marka la eego maaha mid aan ku tuhmaayo in uu Diinta Islaamka si dhab ah uu weerar ugu yahay,balse waxaa ii muuqata in uu ka mid yahay dhalinta ku marin habawday sancada iyo Ilbaxnimada warshadaha iyo Aaladaha Tiknooljiyada ee maanta dunida sida dabaysha u marayaa in ay isagana marin habaabiyeen ama ay sahayatay.

Dad badan oo inaga mida ayaa waxa ay u fahmeen in ninka sameeyay Diyaarada samada heehaabaysa iyo Konbuyutarada maanta dunida yaabka ku ah sida ay u shaqaynayaan in uu ninkaasi yahay mid waxkasta lagaga dayan karo,waxaana iskaga qaldan sancada fiican ee uu ninkani sameeyay iyo dhaqanka iyo akhlaaqda ; noloshuna maaha sancada ee noloshu waa dhaqanka iyo akhlaaqda.

Qofkasta oo Dunida ku noolaa xiliga Geeridiisa ama su'aasha Qabriga lama waydiinaayo sancadii fiicnayd ee uu Aduunka kusoo kordhiyay ,balse waxa la waydiinayaa sidii uu u qaatay Amaradi ILAHAY iyo ku dayashadii Rasuulka CSW.

Diimaha cuqdadaysan,waa kalmad intii aan maqlay maskaxdayda kusoo noqnoqotay tuhin iyo dareena galisay garaad kayga ,shaki iyo warwarna igaga beertay,kadib markii aan arkay in kalmadani ay kasoo yeedhay nin dhalin-yar oo Soomali ah.

Xiliyadii dawladaha reer Yurub ay kala sareen Diinta iyo dawlad nimada,ayaan isleeyahay kalmadani *Diimaha Cuqdadaysan way kasoo jeedaa ama xiligaasi ayay soo baxday ,sababta oo ah ,xiligaasi waxaa nimankii falsafada ku xeel dheeraa ay u arkeen in Diimaha iyo baadariyadu ay yihiin kuwo aan la jaan-qaadi karin horumarka iyo xadaarada Dunida.

Xiligaasi wadamada reer Galbeedka waxa ay u arkeen in Diintu ay tahay mid dabar iyo hogaan ku ah noloshooda,waayo waxa ay rabeen in ay ku noolaadaan wax loo yaqano XOR,taasi oo maanta ay qooma-maynayaan dadkooda aqoonta lihi; Diintuna sideedaba waxa ay tahay mid dabar kaaga ah waxkasta oo xun,kuguna dhiirisa waxkasta oo wanaagsan.

Taasina waxa ay noqotay midii sababtay in Kinisadahii Diimaha laga fidinaayay laga godoomiyo xukunkii iyo dawladnimadii,waayo dadkii xiligaasi ayaa madamaa aanay ahayn dad aqoon durugsan u leh Diimaha,waxa ay cadaw u arkeen dadkii diimaha waday.

Markii ay dawladaha ku abtirsada Diinta Kiristaanka ay kala sareen dawladii iyo Diintii waxa ku dhacay dhabar-jabka wayn ee maanta haysta ee ay ka mid tahay in ay xukunkooda ku meel mariyaan COD FARTAAG AH; taasina waxa ay dhaxal siisay in waxkasta oo loo codeeyaa ay noqdaan sharci dalka lagu maamulo haba ahaado midka ugu xun'e.

Waxaa hubaala in aqoonkasta oo ay ka maqantahay Diini in ay tahay mid aan nolosha u wajahi karin sidii loogu talagalay ama saxa ahayd , waana midaa maanta xataa hadii aynu Somali nahay ina haysata.

Diintu waa nolosha,Diintu waa raaxada aduunka,Diinti waxa ay kuu iftiimisaa kuna tustaa sidii aad bashar ama qof jira aad u noqon lahayd,Diinti waxa ay ku xasuusisaa si aad ugu cibro qaadato,wayahii iyo noloshii ay soo mareen dadkii inaga horeeyay,waxa kaloo ay wax kaa tusalaysaa xaalada aad markaasi ku sugan tahay iyo aakhirka halka aad ku danbaynayso ; Diintu waa akhlaaqda,is-aaminka,qofnimada,xadaarada iyo Il-baxnimada maanta jirta horana u soo jirtay jirina doonta.

Diinta Islaamku maaha mid cuqdadaysan oo kasoo horjeeda xadarada iyo ilbaxnimada Dunida mid hore iyo mid dabe toona,balse waxa ay hagaajisa oo ay saxdaa waxyabaha aynu ilmaxnimada iyo xadaarada u naqaano ee dhalan-teedka iyo beenta ah.

Midna waxa aan xasuusinayaa dhalinta maanta ,taasi oo ah,ha lakala saaro sancada ,horyumarka warshadaha iyo Tiknolojiyada iyo akhlaaqda suuban,hadii tiknolajiyo kasta aad u qaadato in ay qofkii sameeyay uu yahay mid waxkasta lagaga dayan karo,waxaa hubaala in aad lumayso lumis midii u waynayd.

Diinta cuqdadaysan waa kalmad aan maqlo baryahaa midii iigu raadaynta badnayn,waxa aan kala sheekaystay dad badan,runtii waxaa loo wada arkay mid raad badan maanta ku leh dadkeena,Diinta Islaamku ma cuqdadaysna mana cadhaysna,waa raxmad iyo naxariis ALLAH KA TIMI.

Wixii aan khalday waa aniga iyo shaydaan, wixii aan saxayna waxaan uga mahad celinayaa ILAHAY.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

Twitter @khadar_aar

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment