SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ma taqanaa Xus Diimeedyada Ugu Layaabka Badan Dunida?

Dalka Hindiya gaar ahaan degaanka Lagu magacaabo, Calcutta, waxa sanad kasta marka la gaadho curashada xili Roobaadka lagu qabtaa, caado dhaqameed dadka degaankaasi ku sameeyaan Roob doon oo kale.

Boqolaal beeraleyda degaanka ah ayaa isugu soo baxa, beeraha bariiska lagu beero ee degaankaas, waxaanay sameeyaan tartamo, lagu baratamayo lo, sooc ah, waxaanay dhex mariyaan lo’da oo sida fardaha oo kale loo eryayo, goobo ay biyo fadhiyaan ama lagu rusheeyay haddii aanay jirin.

Caadadan oo boqolaal sanadood ay soo samaynayeen dadkaasi waxa ay ka aaminsan yihiin, in haddii ay sidaa sameeyaan ay sanadkaas helayaan roob badan, isla markaana beeraha sarac xoog lihi uga soo bixi doono

Sida mahrajaanada oo kale ayaana sanad kasta loo qabtaa dabaal degan, sida roob doonta oo kale ah, waxaanay dadkaas oo Hinduus u badani aaminsan yihiin in marba sida loo sameeyo roobku ugu da’ayo saracuna ugu soo guidoono.

Dadkan ayaa aminsan in haddii ay sameeyaan tartankan sanadkaas roob badani u da’ayo, waxaanay barantansiiyaan, lo’ tiro badan oo loo tababaray habka baratanka ayaa si siman oo la yaab leh loo barantan siiyaa, mararka qaarkood waxa dhacda in lo’dan ay fuulaan dad sida fardaha oo kale u saaran.

Sidoo kale waxa dhacda in wakhtiyada qaar lo’daas lagu xidh xidho ama lagu kooreeyo, harqoodka beeraha lagu qodo, halkaas oo la eryo iyagoo sidii marka ay beerta qodayaan ah, dalka Hindiya oo ah ka labaad ee dunida ugu dadka badan, waxa ka jira caaqiidooyin iyo diimo kala duwan oo dadka kun iyo labada boqol ee Milyan ka badan ee dalkaas ku nooli kala aaminsan yihiin.

xigasho:wargayskasaxafe.

No comments:

Post a Comment