SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Nin dadkiisii baafinaaya: Waxaan jeelka Itopiya galay anoo 23 jir ah ,waxaanan kasoo baxay hadda anoo 50 sano jir saday!!

Magacaygu waa Cabdiraxmaan Dhoodaan Cabdi Maysar, waxaan ku dhashay Muqdisho, waxaan ka baxay dugsiga sare ee Banaadir 80 maad kii, Anigoo ku jira kuliyadda cilmiga dhaqaalaha ee Jaamacadii Gahayr iigana harsantahay wax ka ka yar sanad, da`dayduna tahay 23 jir ayay dawladdii burburtay.

Aabahay waxuu ka shaqayn jiray guryo uu bankigii dhexe lahaa oo loo yaqiin Bangaariyada oo ku yiil degmada Hodan. Ciddeenna waxay ku noolaayeen degmada Xamarweyne.

Bilowgii 1991 maalin ka mid ah anoo jooga Jaamacada ayaan hal mar maqlay hugunka madaafiicda iyo daryaanka rasaasta ee qoryaha fudud waxaan dareemay in Xamar la soo galay xabaduna kusoco madaxtooyada, suurto galne ahayn inaan aado xaafadayda maadama aan la mari karin jidka Makka Al Mukarama oo ah marinka xaafadayda, waxaan go`ansaday inaan la qaxo dad cararyay ilaa aan gaarno Ethiopia.

6 bilood oon kusii hakanaynay hadba meel, dhaxbartamahii 1991kii ayaan waxaan gaarnay Iimeey oon uga sii gudubnay Raaso ilaa aan gaarno Dirir Dhawa,.

Xilligaas waddanka Ethiopia aad buu u kacsanaa waxaana xukunka laga tuuray kaligii taliyii Mingiste waxaana ka socday raaf dadka loogu tuurayo xabsiyada,. 7 habeen markii aan seexday Dirir dhawa habeenkii ku xigay xilli maqrib ah ayaa la i dafay waxaana i kaxaystay ciidan wata gaari Jiib ah waxaana la i geeyay degmo 200km aan u maleeynayo inay u jirto Dirir Dhawa oo la yiraah Hawaash (Awash), waa godkii iga lumiyay mustaqbalkayga waa kii I nacsiiyay adduunyada, waa midkii 27 sano aan ku jiray, waa kii aan galay anoo 23 jir ah kana soo baxay anoo 50 jir ah.

Xabsigaas waxaa ku xirnaa maxaabiis aan ku qiyaasay 4,600, dadka ugu badan ee xabsiga ku jiray waxay ahaayeen Amhaaro iyo Oromo oo dowladda ku kacsanaa, Somalida waxaan ahayn 300 qiyaastii marka laga reebo 280 loo soo qabtay inay taageeraan ONLF, inteenna kale waxaan ahayn reer Soomaaliya.

Runtii ma qiyaasi karo nooca uu u yaalay xabsigaas, waxuu ahaa god hoostiisa oo aay adagtahay sida aad ku aragto qoraxda ama iftiin, Naxariista kaliya ee xabsigaas ka heli karto waa inaad cuntaa hal waqti oo Cambuulo galeey ah.

Waxaa iigu murug badnayd markii xabsiga la iga soo sii daayay anoo xiran 27 sano maxaa yeelay ma aanan aqoon meel aan u raadiyo aabahay, hooyadey iyo lix walaaladey ahaa oo ila dhashay. Alla muruga badnaaa, wallaahi waxaa la ii qaatay inaan iska dhinto.

Markaan xamar ka soo dagay hadda oon kula hadlayo waan ooyay waana farxay, waxaan ku ooyay farxad aan u qabo dhulkayga iyo aragtida ra`isul wasaaraha I soo daayay oo ah nin dhallinyaro ah oo naxariis iyo damqasho leh, waxaana ku farxay jacaylka dadkeena ay is jecelyihiin iyo sida macaan ee noola soo dhaweeyay, walaahi ma aqaan ani waxa aan sameeyo iyo meesha aan ka raadin doono dadkaygi.

Alla ciil badanaa maanta aqoontaydi iyo dadkaygi midna ma hayo oo waxaan ahay jaahil gablan ah kaliya, waddada ii furan waxaa weeye inaan samro oon badiyo taqwada Alle.

Walaal macaane maanta kaama rabo lacag iyo hanti, ma doonayo magac iyo mansab iyo shaqaba kaliya waxaan rabaa ciddeenni inaan is helno fadlan intaas iga caawi.

Walaal miskiinkaan dhibban fadlan ka caawi inay ishelaan ciddiisii oo mar kale dib u midobaaban waa hadaad taqaan ree Dhoodaan Cabdi Maysar.

Share dhaha walaalayaal si ninkaasi ay dadkisii u helaan-

 

No comments:

Post a Comment