SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Daawo dhaqameedka ayaan kaga kalsoonahay dhakhaatiirta Yurub.

Iftiinkacusub.com: Sida inta badan inoo caadada ah,dadka Soomalidu waxa aad moodaa ,in ay daawoyinka ay dhaqanka iyo hiddaha u leeyihiin in ay kaga kalsooni badan yihiin ,kuwa ay dhakhaatirtu u qoraan.

Waxaa laga yabaa in aan been iyo kutidhi ku teen u qaadato in qof markaasi jooga wadamada Yurub haystana dhakhaatiir si fiican u baadha caafimaadkiisa ,in uu ka door bido kagana kalsoon yahay ,daawo dhaqamadeen laga isticmaalo Tuulo uu bari hore kasoo haajiray.

Gabadh Soomaliyeed oo wadamadan Yurubta mid ka mida joogta ,ayaa waxa ay muddo aad u farabadan ka cabanaysay xanuunka layidhaahdo Babaasiirta,waxa ay gaadhay heer xanuunkaasi uu ku xumaaday ilaa ay gaadhay in ay la jiifsato.

Sida caadada inoo ah ,hadii aynu nahay Soomali, waxa ay nu dhakhaatiirta tagnaa oo kaliya marka ay xaaladeena caafimaad ay faraha ka baxdo,isla markaana aynu gaadhno heer markaasi xanuunkii aan waxba laga qaban karin.

Gabadhii Soomaliyeed markii ay xanuunkii iyo xumadii faraha badnayd hayn kari wayday,waxa ay tagtay dhakhtarkii,kadibna waxa uu dhakhtarkii arkay in ay gabadhani ku sugan tahay xaalad aad u khatara oo aan Qalliin mooyaane aanay jirin si kale oo wax looga qabtaa.

Markii gabadhii loo sheegay in xaalkeedu uu yahay mid aad u xun,dabiibna ay ugu dhawdahay in Babaasiirta laga qalo,ayaa waxa ay ku jawaabtay in aanay jeclayn in la qalo,dhakhtarkiina waxa ay ku tidhi waxa aan lasoo tashanayaa dadkii markaasi aanu ehelka ahayn.

Gabadhii iyada oo luudaysa oo aan socon karayn ayay gurigii kusoo noqotay,waxa ay markiiba si dhakhsa ah talafoon ugu dirtay Hoyadeed oo joogta deegaankii ay iyadu markii hore ka timi,waxaanay uga sheekaysay xanuunka haya iyo talada uu dhakhtarku siiyey oo ah mid Qaliin ah.

Hooyadii inanta dhashay ,waxa ay kula talisay gabadheedii, in aanay marnaba is-qalin,isla markaana ay wadanka kasoo dhoofto,si loogu daweeyo ayay tidhi halkan(tuuladan)oo ay joogto Islaan xariifad ku ah dawo dhaqameedka Babaasiirta.

Gabadhii dhalinyarada ahayd waxa ay qaadatay taladii iyo tilmaamahii ay hooyadeed siisay,waxa ay u diyaar garoowday sidii ay dhakhso ugu dhoofi lahayd,kadibna waxa ay ka degtay dalkii waxaanay si toos ah markiiba u abaartay Tuuladii ay Hooyadeed deganayd ee loogu sheegay Islaanta Daawo dhaqameedka xariifka ku ah.

Markii ay Islaantii Tuulada dhakhtarka u ahayd ay u bandhigtay xanuunkeedii Babasiirta,ayaa islaantii waxa ay gabadhii ku boorisay in ay iyadu dawaynayso,aadna ay u taqaano qaabka iyo habka loo daweeyo xanuunkan oo kale.

Waxa ay isugu quushtay dhamaan wixii dhir ay haysay,waxa kaloo iyana ay daawo uga dhigtay Dab iyo dhamac kulul oo ay tidhi waxa ay qayb ka yihiin daawo dhaqameedka,waxa ay ku celcelisay maahmaahdii Somaliyeed ee ahay "dab iyo cudur meel ma wada fadhiistaan.

Muddo yar ka bacdi gabadhii waxa ay noqotay mid xanuunkii uu ku sii siyaado,waxa ay gaadhay xaalad ay socon kari waydo,waxa kaloo ku istaagay dhamaan Saxaradii oo waayey meel ay kasoo baxaan,kadib markii marinadii Ilahay ugu talagalay Dab la qabadsiiyey.

Waxaa si dhakhsa ah loola cararay dhakhtarkii markaasi ugu dhawaa Tuuladeeda , kaasi oo ay uga sheekaysay halka ay ka timi iyo xaalkeedu hadda sida uu yahay ,waxa uu dhakhtarkii kula taliyey in sida ugu dhakhsaha badan ay wadanka uga dhoofto ,isla markaana ay raadsato dhakhtarkii ay balanta la-lahayd ee ay kasoo baxsatay.

Gabadhii waxa ay kusoo noqotay dalkii ay ka dhooftay,xanuunka iyo mushkiladaha kusoo kordhaw aawadii markii ay madaarka kasoo degtay, waxa lagu soo qaaday babuurta loo Ambalaska madamaa ay tahay mid xaalkeedu uu yahay khatar,kadibna waxa si toos ah loo keenay dhakhtarkii ay ku caasiday.

Waxa la kulmay dhakhtarkeedii,waxa uu arkay xaalkeedu halka uu maraayo,kadibna madaxa ayuu ka ruxay isaga oo markaasi u arka in ay tahay gabadh xaalkeedu uu yahay mid aan hada si dhakhsa ah aan waxba looga qaban karin .

Walalayaal arimahani waa kuwo inta badan inagu badan,maaha gabadhan oo kaliya cida sidan samaysaa,hadii aynu nahay Soomali arimahani waa ay inagu badan yihiin waxaana loo baahan yahay in la digtoonaado.

Daawo dhaqameedku maaha wax la inkiiraayo,waanu jira dunida oo dhan,balse maaha in xanuunada qaarkood loola tago daawona loogu raadsado qof isagiiba xaalkiisa Ilahay og yahay.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment