SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Gabadh qabtay xanuunka Qalalka oo wadaad Jin-arag ah loo guuriyey!

Iftiinkacusub.com: Way adag tahay in aynu kala garano xanuunada inta badan ku yimaada Maskaxda sida,Jimanka,Sixirka iyo xanuunka dhimirka ama waalida,taasna waxaa u sabab ah inaga oo aan marka hore aan la tashanin cidda aqoonta buuxda u leh.

Waxaa jira xanuuno badan oo maskaxda ku dhici kara,kuwaasi oo lagu daawayn karo oo kaliya Quraanka iyo wixii la halmaala,sidoo kale waxaa iyana jira ,cuduro iyo xanuuno iyana ku dhaca maskaxda,kuwaasoo u baahan in loola tago dhakhtar markaasi aqoon buuxda u leh.

Haddii aynu nahay Soomali ,waxa dabeecad iyo dhaqan inoo ah, in aynaan goobaha xafimaadka aynaan tigin inta xanuunada iyo jiradu ay inagu cusub yihiin,balse aynu daawo iyo dhakhtar u raadsano goor ay talo-faraha ka baxday, ama xanuunkii uu noqday mid aan markaasi daawadu waxba ka tarayn.

Halkan waxa aan idiinku soo gudbinayaa qiso iyo sheekho ku dhacday gabadh soomaliyeed oo dhalinyaro ah ,gabadhaasi waxa ay muddo aad u farabadan ay qabtay xanuunka aynu u naqaano Qalalka ama faaliga.

Aqoondaradii markaasi haysay qoyskii ay gabadhaasi ka dhalatay,ayaa waxa ay sababtay in gabadhii wakhti aad u badan in ay dabiib iyo daawo uga raadiyaan,dadka iyagu ku shaqaystay Fooxa iyo Faaliyaha.

Gabadhaasi yar waxaa dadkii ay ka dhalatay ay la mareen, dhul yaw farabadan oo ka mida deegaanka ay degan yihiin iyo kuwo ka fogba;si xanuunka inantooda haya ay daawo ugu helaan ,tiraba Labaatan qof oo Rag iyo Dumar isugu jira ,ahna dadka ku shaqaysta Jimanka ,Faaliyaha iyo fooxa waa ay la kulansiiyeen,balse in ay kasii darto mooyaane wax caafimaad ah kamay helin.

Sida xanuunka Qalalka ama Faaliga lagu yaqaano, tiraba maalintii waxa ay afka Dhulka dararysaa sadax jeer,waxa ay sida caadada u ah dadka Qalalka qaba Afka kasoo daynaysaa Xunbada iyo Abuurka astaanta u ah dadka Qalalka qaba,balse dadkan ay ka dhalatay gabadhu ,maaha kuwo xanuunkanba garanaaya ama maqlayba.

Gabadhii oo jidhkeedu uu yahay mid markaasi madax iyo mijo isku luqun duuban ,sida lagu yaqano xanuunada qalalkana afkana Xunbada ka tuuraysa,laguna sido Kaariyoone ama sida ay dadka qaar u yaqanaan Gaadhi-gacan, ayaa waxa loo keenay ,xarun uu haysto Fooxle gaboobay,kaasi oo wax ku dabiiba Jiman iyo shayadiin uu la shaqaysto.

Ninkii Jin'araga ahaa markii gabadhii loo keenay ,waxa uu arkay in gabadhani ay tahay mid u dhalatay qurux Joog iyo Jamal leh, waxa uu qoyskeedii ay gabadhu ka dhalatay uu ka codsaday, in gabadhani ay isaga la joogi doonto si uu daawooyin fiican u siiyo;taasi oo ay qoyskiina kuba farxeen,madamaa ay muddo aad u badan kusoo rafadeen xanuunka Inantooda.

Reerkii iyo Qoyskii ay gabadhu kasoo jeeday ,waxa ay noqdeen ,kuwo markaasi ku qanca hadalka iyo balan qaadka Fooxlaha ,isla markaana waxa ay gabadhoodii kaga tageen kuna aamineen nin aanay garanayn wax uu ku samayn doono,taasna waxaa ugu wacan aqoon darada iyo jahliga dadkeenii ku habsaday,kaasi oo inaga galay dhinaca Diinta oo ay inagu yar tahay aqoonteedu.

Muddo aan ka yarayn hal Sano markii uu Fooxlahii uu gabadhii Hoygiisa ku haystay,maalin kastana ay la kulmaysay garaacis iyo hatigaad isaga kaga imanaysa ,madamaa uu yahay shakhsiyan mid isaga laftiisu qaba xanuun Nafsiya,ayaa gabadhii waxa ay noqotay mid cudurkii iyo xanuunkii uu kusii fido.

Muddo ka bacdi dadkii ay gabadhu ka dhalatay,ayaa waxa ay u yimadeen Fooxlahii iyaga oo markaasi u wada wixii dhaqaale uu uga baahnaa, waxa kaloo ay la kulmeen Inantoodii oo ay muddo ka maqnayeen,halkii ay ka filayeen in ay arkaan,Inantoodii oo caafimaaday ama soo raysay sidii hore , waxa ay la kulmeen Inantii oo wax kusii siyaada mooyaane aanay waxba kusoo kordhin.

Dadkii ehelka u ahaa Gabadha ,waxa ay isla halkii ku go'aan sadeen, in gabadha dhamaanteed ay siiyaan una hibeeyaan Fooxlaha,kaasi oo ay iyagu u yaqanaan in uu yahay Wali soo daahiray.

Waxa ay Fooxlahii ka codsadeen in uu gabadha ka Guursado, isaguna uu daawaysto,ilayn waa arxan-laawe dadnimo iyo damiirku ka dhintaye,waa uu ka aqbalay arintii ,isaga oo waliba ka codsaday in ay Aduunyana ugu daraan,waanay ka ogoladeen waxaanay siyeen waxay hanti lahayeen badankeedii ,taasi oo ay u haysteen ,in ay gabadhoodii kula xidideen nin ka mida dadka Ilahay karaameeyey.

Hadaba maxaa ku dhacay gabadhii yarayd ee Maskiinta ahayd?

Bahalkii dadqaadka ahaa,Waraabahii ku mamay baabiinta iyo ka muraadsiga Hablaha yaryar ee Soomaliyeed,isaga oo uga faa'idaysanaaya xanuunada iyo cudurada markaasi haya,una dheertahay jahliga iyo garasho darada dadka ku habsatay,waxa uu gabadhii yarayd ee Maskiinta ahayd marsiiyey cadaabtii Ifka.

Waxa ay kala kulantay dil,garaacis,hatigaad iyo darxuumooyin dheerad ah,muuq-ahaan waxa ay ka tagtay kii dadka, qofkasta oo arkaa waxa uu ku suuraynayaa in ay Bahal oo lae u eekaatay ;darxumada iyo dayaca waxaa u dheer in iyada oo bukta in uu ku shaqaysto.

Waxa uu u diiday hadh iyo habeen in ay nasato,waxa uu uga dhaartay Jiif iyo nasasho,hurdo raaxo leh goor ugu danbaysay ma taqaano,waxa u dheer xanuunkii Qalalka oo marka uu ku kaco dhulkana ay galgalato,Fooxlaha iyo Xertiisu ay ku dul dhaantaynaayan ,iyaga oo markaasi u haysta in uu kusoo xaadiraayi Jinkii u waynaa.

Aakhirkii gabadhii waxa ay ku danbaysay ,mid markaasi Tol iyo taagba wayday,ma taqaano cid ay u ciirsato,garaadkii iyo garashadii yarayd ee ay lahayd xataa waa ay ka luntay,maskax ahaan waxa ay noqotay mid isku darsan tahay,Bari iyo Galbeed reerkoodii meel uu ka jiro ma taqaano.

Jidhkeeda intii ka joogtay ,markii loo keenay Fooxlaha ayaa feentay,waxa kasoo hadhay dareen iyo laba indhood oo ay adag tahay in ay si fiican wax ugu aragto,waxa ay noqotay qalfoof meel ka mida dhismaha Fooxlaha la iskaga tuuray laguna ilaabay ,hadiiba la xasuusto ayaa waxa Jabcad/Weel yar loogu geeyaa cunto yar,balse sida Digaaga inta la hordhigo ayaa laga soo dhaqaaqa.

Fooxlahii isaga sheekha loo haystay ,maaha mid isagu gabadhan iyo caafimaadkeeda dan iyo muraad ka leh,waxa uu tiraba haystaa oo goobtan uu wax *dulaynaayo ugu xaraysan , Dumar aad u farabadan oo midkastaba dadkii dhalay ay goobta ku dayaceen.

Ilahay mahadi ha ka gaadhee , muddo ka bacdi ayaa waxaa deegaankii ay gabadhu ku darxumaysnayd yimi ,Hay'ad ku shaqo leh daawaynta xanuunada Qalalka,nimankii Hay'adda haystay ayaa waxa ay dadkii deegaanka joogay u sheegeen, in ay jirto gabadh ku dayacan deegaanka isla markaana loo filaayo in xanuunka qalalku uu soo ritay.

Ha'ada nimankii haystay waxa ay raadiyeen gabadhii,kadibna waxa ay arkeen gabadhii oo uu dhulka dhigay xanuunka Qalalku,waxa ay ka codsadeen Fooxlahii meesha ku haystay in uu gabadhan u ogolaado in ay qadaan soona daweeyaan, Fooxlahiina awalba dan sidaasa kamuu lahayna,waxa uu ku yidhi madaxdii Hay'ada ""marka ay caafimaado isoo celiya"" iyana waa ay ka aqbaleen madamaa ay tahay xaaskiisii.

Gabadhii waxaa la keenay Dhakhtar ku yaala deegaanka,waxaa loo bilaabay daawadii Qalalka,isla muddo aan ka badnay hal Bil ayay kasoo kabatay Qalalkii,balse dhibatada ugu wayn ee markii danbe soo baxday waxa ay noqotay,xanuun dhinaca Dhimirka ah oo maskaxda kaga dhacay,taasi oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay sabab u tahay garaacistii faraha badnayd ee uu u gaystay Fooxlahu iyo darxumadii uu soo mariyey.

Gabadhii waxaa kusoo kordhay waswaas iyo shaki ay ka qaaday qoyskeedii iyo Ninkii Fooxlaha ahaa ,taas oo marka lagu soo hadalqaado ay ka murugoonaysay,waxaana dib loogu bilaabay Daawooyinka Dhimirka/Waalida.

Muddo ka bacdi dadkii ay gabadhu ka dhalatay ,waxaa la kulmay dad markaasi aqoon iyo garasho u leh Diinta Islaamka,waxaana loo sheegay in ay khalad iyo dulmi ay ka galeen Inantooda,waxaanu lagu booriyey in ay iminka sida ugu dhakhsaha badan ay ka furaan gabadhan Fooxlahan nolosheedii baabiiyey,taasi oo ay iyaguna aqbaleen kana fureen,gabadhiina waxaa loola cararay dalalka dibada si loogu soo daaweeyo.Taasi oo akhirkii lagu guulaystay,caafimadna Ilahay siiyey gabadhii yarayd.

Guntii iyo gabagabadii ,arimaha noocan oo kale ahi ,had iyo jeer waa kuwo ka dhaca dhulka Soomalidu ay degto,ilaa hadana waxa aynu ognahay in ay jiraan deegaamo iyo goobo ay ka jiraan arimahan noocan ahi,xataa magalooyinkeena waawayni maaha kuwo ka wacyi-gashan arimahan noocan ah in ay ka digtoonadaan.

Waxa aan dadka Soomalida ah kula talin lahaa,in aanay isku khaldin daawaynta Quraanka iyo Axaadista ee banaan in la isku daaweeyo, iyo Daawo benaada ay khurafaadlayaasha iyo Fooxlayaashu ay wataan doonayaana in ay dadka If iyo Aakhiraba ay ku seejiyaan.

Waxa kaloo iyana haboon in la kala garto, xanuunada ka imanaaya Durada iyo Jimanka, iyo Xanuunada u baahan in loola tago dhakhtar,haddii ay labadaasi iskaga kaa khaldamaana waxaa kugu dhacaysay in ay kaa baxaan naf iyo maal, iyo waliba wakhti aad u farabadan oo aad wax ku qabsan lahayd.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment