SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wali Miyaanad Xajin !!!

Waxaan jeclaan lahaa qormadan in aan Allah ugu dhawaado oo aan xusuusiyo walaalaha aan cimrigood tagin guriga Alle si ay u gutaan tiirka shanaad ee tiirarka Islaamka.

Xajka wuxuu kamidyahay calaamadaha waaweeyn ee diinta islaamka ee uu qofka dareemayo hadduu iimaan leeyahay addoonimada alle, waayo waa kulansanadeedka muslimiinta ka kala yimaada daafaha dunida oo dhan, iyadoo ay ka jawaabayaan ogeeysiintii nabi Ibraahim ee Allah amray " ogeeysii dadka xajka waxay kuu imanayaan iyagoo lugeeynaya, iyagoo saran mid bog laaban dushiisa kana imanayo meelkasta oo fog". Waxaa lug ku xajin jiray awoowayaasheen mar wax ka badan, maxaa nagu dhacay innagoo haysanna gaadiidka saacadaha soconaya.

Alle wuxuu leeyahay aayad fasirkeedu yahay " Alle wuxuu dadka ku waajibiyay xajka ninkii kari karo,ninkii gaaloobana Allah waa ka deeqtoomaa". Culumada waxay yiraahdeen maxaa aayadda loo dabadhigay "ninkii gaalooba" waxay yiraahdeen ninkii aan xajin isagoo inkirsan waajibnimada xajka waa gaal kii kalena waa dambiile weeyn ee haya wadadii gaalada.

Fadliga Xajka: Rasuulka scw wuxuu ku yiri xadiis fasirkiisu yahay:" ninkii xajiya oo aan xaaraan sameeyn iyo faasiqnimo wuxuu soo noqdaa isagoo lamid ah maalintii hooyadii dhashay" maxaa ka weeyn dambi dhaafka intaa la eg ee uu xajku leeyahay.Xadiis kalena wuxuu ahaa fasirkiisa " Xajka lagu baarrinimo falay (si wanaagsan loo gutay) abaal aan janno aheeyn ma laha".

Yuu ku waajibay xajku?

Wuxuu ku waajibay xajka qof kasta oo muslim ah,caqli leh,qaangaar ah,xor ah, helikara sahay uu uga tago inta uu masruufo iyo sii socod iyo soosocod sahaydeeda, jidkuna ammaan yahay.Haweeneeyda waxaa intaa u dheer in ay heeysato maxram kexeeya soona celiya.Haddii intaa lagaa helo ama ay kusoo martay cimrigaada xajkii waa kugu waajibay ee ogoow qofka muslimka ahoow.

Cumar binu khadaab waxaa laga wariyey markii islaamka madaxda uu u ahaa in uu yiri "waxaan hamminaa in aan magaalooyinka u diro ciidan soo baara dadka helikara wax ay ku xajiyaan oo aan xajiyin si aan u saaro "jisyo"(canshuurta laga qaado dadka aan muslimka ahayn ee la nool muslimiinta) kuwaas ma aha muslimiin.

Xujeeyda sanadkan waxaa looga baahanyahay inay ku dadaalaan in ay u xajiyaan sidii Rasuulkeenna scw uu xajiyey sida uu u yiri " iga qaata manaasigtiinna", xoolaha aad ku xajineeyso xalaal ha noqdaan, dadka ha dhibin xujeeyda ah, badi Allah xuskiisa,maalinta carrafo duceeyso una ducee inta aad jeceshahay iyo muslimiinta guud ahaan,raac culimada faraha badan ee la socota xujeeyda, ha noqon xaajigii aan xajin.Waxaan ula jeedaa haddii tusaale ahaan meel carafo ka baxsan aad hargasho adigoo u maleeynaya in carafo ku jirto xajkaagii waa burree ogoow xaajiyoow.

Xajka waxaa laga helaa culumo aad fursad u weeysay in aad la kulanto sida Sh. Cumar Faruuq, Shariif Cabd – Nur ee ka faaiideeyso la kulankooda, muxaadarooyinkooda iyo fatwadooda.Allah ha aqbalo xajkeenna iyo camalkeenna oo idil, Allah ha nasiiyo dambidhaaf iyo naxariistiisa.

Shiikh C/raxmaan Sh. Cumar

No comments:

Post a Comment