SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Lixdankii ilaa maanta dhaqanka Madaxda Somalidu ismuu bedalin!

Gabaygan Ilahay ha u naxariistee Xaaji Aadan Af-qalooc waxa uu ka tiriyey ,kadib markii uu arkay in madaxdii dalka loo doortay in ay daacad ku hogaamiyaan ,ay noqdeen kuwo markaasi ka fikira oo kaliya dantooda gaar ah iskana ilaabay dhamaan dantii guud ee ay ahayd in ay ilaaliyaan.

Gabayaagu waxa uu Gabaygan kusoo qaadanayaa sida boobka hantida umada loo xalashaday ,iyada oo laysuguna faanaayo ,waxa kaloo aad Gabayga ka dheehanaysaa heerka ay taagnayd akhlaaqda iyo dhaqan xumada markaasi taalay dadka.

Hadaba marka aad isu eegto isla markaana aad is barbar dhigto, xalada uu markaasi ku sugnaa dalku iyo maanta sida uu yahay ,ma kula tahay in ay wax wayni isbadaleen ,ma halkii ayuunbaa wali la taagan yahay ?miyaa laga hoos maray? misse isbadalo fiican ayaa jira oo muuqda?

Waakan gabaygii:

Ta’da gabayga waa taanan odhan tan iyo waa dheere

Isticmaarku maantuu tegey baan taydii gaabsadaye

Maantana ma tiriyeene waa igu tahdiideene.

 

Ragbaa ararta tiigaaliyee taana ma’aqaane

Afartaan wataa iyo dantaan uga tacjiilaaye

Tuyaroo tilmaan iyo warba ah an’idin taabsiiyo.

 

Meeshuu Waraabuhu ka tegey Tarandac Doofaare

Taltallaabsey Daayeer markuu taygarkii lumaye

Tukii Haadka’adag buu noqday oo tuur laftuu sidaye

Tartankii Dameerkii Fardaha Tahan ka dheeraye.

 

Tiir libaax Currigu uga baxay oo taahayoo ciya’e

Marba wuxu Orgigu tiigsadaa Awr tabaadiyahe

Rahuna wuxu tummaati ula baxay tuur caddow Dibiye

Wuxu diig Haldhaaga ugu tegey Taaggi Xodayoode

Guburigii tigaad cunay marooduu u toocsadaye

Timirtii Basriyo waxis bedeley Midhihi Toomoode

 

Goortuu Galoolkii tifmay buu Tawlay Carigiiye

Halkii Damalka laga tuugi jirey timi Dhalooshiiye

Dhibta timi Jamhuuriyaddan oo tahan la boobaayo

Iskaa wax u tabciyo khaa’inimo la’isku Taageerye

Qawaaniin u taaliyo nadaam taxan ma yeelaane

sida Tafare amar ma jiro laysku taabaco’e.

 

ninba tiginka meeshuu dhidbaday taabka ku adkaye

Waashmaan kulay tahay ninkii taabay meel dheregye

Warqad jananku teeb kuugu qoray kaabul kugu tuurye

Kumana tayso galo Aadanuhu taad u filateene

waa tacab qassaar xaajadaad gacan toglayseene

Taakulo Gacmaha lays qataa lagu tanaadaaye

Tartankiyo is garab yaacu waa tu’an bannaanayne.

 

Tusmaa uunku kala leeyahaye teennanaa simane

Dadka kale ninkiisii wax tara waa tix geliyaaye

Idinkuna caqliga taabudka ah waa ku tumataane

Tartar baad ka dhaaftaan ninkii toos idiin wada’e

Taako iyo Mayl kala fog baad mid u taqaaaniine

Ragbadan oo Aqoon lagu tuhmey buu tuuray shilinkiiye

Tuurcaddihiyo Jaahil baad Tamar u yeesheene

Toorrey afbadan baw xidheen Taarig xoogsadaye

Timbi baad u dhiibteen nimaan tuna kasheegayne.

 

Awr madaxa Taaj loo geshaa waa tusmo habaabe

Toogada dhuulkeenna iyo dhibaha tacabka doonaaya

Ninna kuma tallamayee qasdigu waa tolla’yeeye

Nin waliba kursi ad taabtid buu taaggi leeyahaye

Waxbadan baa habsaan tegey intaynu isku taagnayne

Kabatolkii Maxkamad loo tirshey oo tolomaduu jeexday

 

Hadduu Buugga teel-teel u dhigo taasu yaab malehe

waxse Tacaddi ku ah inuu mid kale uga tabaystaaye

Inkastaba istiil oo waxaad taag u heli weydo

Ninkii kaaga togan uga tag baan tani Awoodayne.

 

Tallaabada mid Gaalkii shabbaha tegey malliibaane

Adiga oo waxuun tabanayoo tegey halkuu joogo

Markuu sida libaax raqi u taal qoorta kor u taago

Oo uu Tayga luquntiisa sudhan taabto faraqiisa

Oo inaad Addoonkiisa tahay taasna la ahaatay

Oo aan dadkana wax u tarayn callanna tageerin

Oo inuu adduun badan tabcado taa qudha u jeeda

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

Jaamacad nin tegey oo Digriiga tuu layimi haysta

Oo inuu dadkii wax u tariyo tacabo doonaaya

Oo taasna loo baahan yahay toogtan sida joogta

Oo jaahil tigin adag dhidbaday taqadimkuu diidey

Oo reerki tegi waayeyoo camal la’aan taagan

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

Haddaan saracu taam noqon ummadi ta’akhur weeyaane

Waxbana kuuma taro Raashin aad debed ka tuugtaaye

Turaabta iyo ciidaba raggii tamarta loo dhiibey

Iyagoon wax tarin bay dadkii tahan lugooyeene

Ninkaan qaadka tuurta ugu sidin uma tiraabaane

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

Taangiga Biyaha loo dhisiyo iyo Riigga lagu taagey

Oo shicibka oo oon latuban Toonta lagu beero

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

Danta togan batroolkeenna waa laga tashiilaaye

Todoba mayl nin jira oo bukaan talalayoo liita

Oo inuu Xakiimka u tagiyo taakulo u baahan

Inkastuu tawaawaco ninkii khabarka soo tuuray

Misna temeshlihiyo xaafaddaa lagu tegaayaaye.

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

Mid tacliinta loosoo diroo tadhaq ah oo liita

Oo tuhun kujiro inuu kategey toobadiyo diinka

Oo aqal tilmaaman iyo Khamriga gacan-toglaynaaya

Oo uu Talmiidkii yaraa taas ka baranaayo

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego.

laba boqol nin maaliyaddu tahay tirada loo dhiibey

Aan tacabo Baadiye lahayn tuludi waa maale

Oo toban baloodh jeexday oo tumanayoo keyf ah

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

maalbadan nin tahan soorogiyo kii katirinaayey

Oo loo tashaday aan cashuur Buugi lagu taaban

Oo Toban kun oo shay habeen tuhun la’aan qaaday

Oo aan Ammaanona tix gelin waajibkana tuuray

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

Goortaad maxkamadaha tagto baad tacajebeysaaye

Tab ninkeeda xaajada ninkii taabi kari waaya

Inkastaad xaq taabuda wadigo marag cad oo taagan

Ama aad xujada toosisoo looyarku istiilo

Gartu hadalka kuuguma tamiye taasu waa lacage

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

Ninkii raasamaaliyo Istaaf waa isugu taale

Iyagaysku tiirsane cidkale uma tagaabane

Teelona uma dhigtaan dawlad iyo kii ka taagdarane

Ninkaan tooda waafiqin Xabsi bay ugu tabaystaane

Taqyiirteenna maaliyadda iyo tawsta bixi weydey

Waa labada qolo oo lategey waxaydun tawdeene.

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

Hadday Boogi kugu taal ninkale tiisu kaa dedane

Haddad adigu Tuur leedahay iyoo Tootir iyo Qaallo

Tu kaleeto inaad toosisaa waa tu’aan dhicine

Waxa khaa’inada looga tegey tacabadii boobay

Ninba Qoon ku taal buu kabaqay inay ka taabtaane.

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

Ragga talada maamulahayoo taanna hidin waayey

Oo waxay islaamnimadu tahay taababka u gooyey

Oo tooda keliyuun helayoo tarandacoo seexday

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

Taaloogga Naagaha jartay oo timaha qaar xiiray

Oo sida waraabaha tartama toonka cararaaya

Oo dhaqaale u tudhayn ubadna tuugaynin

Oo taranta soomaaliyeed teed ka kala gooyey

Oo toban jirkii kori lahaa fadhay tagoogiisa

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

Tacluus iyo Abaar wada socda oo taagan baa timiye

Waatii huluumbuhu lategey Togayadeeniiye

Tarab-tarab u lay Goolashii tegi lahaa dhoofe

Tuulooyinkii caydhihii waa kuwaa tubane

Togagii Yubiyo beerihii lagu tabaalowye

Matagto e Daruurtii Cirkaan tiix ka di’hayne

Goortay nimcadu taam tahay oo tahan laguu siiyo

Oo lagaga tago toobadday taasi dhalataaye.

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

Tuweyskii la’eed iyo hablaha tababarkoodiiye

Towxiidka nimanbaa nayidhi waa tu aan jirine

Tukashaduba qaarbay latahay teenash iyo luufe

Tiihii Israil helay bay tani sallawdaaye

Anoon Boogta wada taaban oo idin tusaaleyey

Oo aan Tanbiih iyo Islaax taana uga jeedo

Waa Taar an Boosta ugu ridey zoobbe haw tago’e.

ILAHAY ha u naxariisto Abwaanka usoo duceeya.

 


 

No comments:

Post a Comment