SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Gabaygan la magac baxay (MALASHAXAN)waxaa tiriyey Abwaan Cabdullahi Xaaji Jaamac (Fara-qurux)

Gabaygan la magac baxay (MALASHAXAN) waxaa tiriyey Abwaan Cabdullahi Xaaji Jaamac (Fara-qurux) Sida ka muuqata gabayga ,waxa aad mooda in uu Abwaanku gabaygan ku tilmaamayo guurka iyo talooyin uu markaasi siinaayo dhalinta maanta.

Cabdiyow masaawaadka gabay meerisyda dhaaban

Maansada sariigalehiyo hadalka maydhaaman

Godka madhan sarbeebaha maldahan maangadaha laalan

Murti dhumucle heeraab mutaxan ma’iyo wow reeban

Maaleeyo suugan u eeg malabse doocaan ah

Adigaa u maarayn yaqaaan mahaya moogahe

Miisaan tanaa dhaxal u noqon jiilka soo maqane

Wiilyahaw aduun waa maliyo, mahadho joogta’ahe

Maalmahan wareegaa xusuus, midiba cayntahaye

Hadaan loo mintirinayn qabyada, lama maxaadhsheene

Intaad maahsanaydbaan ahaa, maqana-jooga’ahe

Maluugtiyo cirkaan sahamiyoo, mooradaan dayaye

Masalooyin kala noocabaan, maamiyoo helaye

Bal malee midhii shalayto iyo, maanta waxa jooga

 

Bad malligan, hiraab moosinkiyo, laacay midabkeedu

Biyo madow, hiraan marinka iyo, muujinayn dawga

Meexaani dhinacaad daydaba, laga mildhaawaayo

Mirqin hoohigaa kaaga dhacay, mawjaduna qaaday

Markay midi muquurtaba, midkale, kor u majiirayso

Is maroorintiisiyo xarbiga, midhiqda taagwaaga

Maso waxynu nahay, saxar yaroow, maanyo sidataaye

 

Madag iyo malaha ina rag, waa mudacyo baarkoode’

Miyir talada loo kala hufaa, lagu macaashaaye

Wixii shalayto ii muuqday iyo, waxan is moodsiiyay

Mintidkiyo qarqoorkii muskuu, ila jibaaxaayo

Makaabaha halkaan ugu xidheen, miinna daba joojay

Magaw iyo hadii dheef macaan, lagu majeeranayay

Ka mayali misgeedkana u qabo, maasha aan saro’e

 

Mugdi nuura, maalin aan ifayn, madhanahaa buuxa

Maskoo aburle, mici aadu’iyo, muhino waabayleh

Run muqlaysan, been soo mutaxan, oo loo mashxaradaayo

Kaftan murugsan, hadal aan milgihi, laguba maamuusin

Dadka oon magaydiyo lahayn, wuxu ka maagaayo

Anigoo todobadaa meselo, madax dayaamaaya

Maankayga wixii soo ceshee, mudaya aan sheego

 

Sheekadu maqaariibti xalay, moodi fiid cawlka

Mayraca cawayskii anoo, keli mushaaxaaya

Malkadaan ka soo degay hadaan, dheehday midigtayda

Maris iyo shimbiro malabsitoo, wada mashxaradaaya

Intay migta ii hadiiyeen,oo marinka lay xaadhay

Maad iyo aroos laykaxee, layna muuneeye

Mucjisooyinkaan kala kulmiyo, miidda iga koobi

 

Hadii meherku gabadh uu ku dhaco,oo midigta lays qaado

Oo yaradka maamuuskaliyo, maal lakala qaato

Oo xidid mafsuud kala ahiyo, madaxi haasawdo

Barbaar muunadooda iyo qurux, muuqu kala soocay

Oo marashigay soo xidheen, milicdu shiikhayso

Maaweelo iyo sacab, hadii laysku mariwaayo

In aroos mugiisii u dhacay,waa u marag tiile

 

Milgo sharaf, aroos loo mindayay, gole la muuneeyay

Maxfal laysu yimi, iyo barbaar, mudh is soo booday

Murti waxa ah, wiil miiganiyo, muunad gabadhiileh

Midba inuu midkii kale cabbaar, sii miliiliciye

Inkastooy milmilo soo xidhaan, midabo kala jaada

Ama ay is wada muujiyaan, muunadiyo jaaha

muga quruxda, meel joogsi dumar, kama masoobaane

midduunbay indhuhu mooganaan, ugu maqnaadaane

magoolkii baxaba, laan qudhaa, laga majeertaaye

caawana misbaaxiyo sidii, dahab la soo miiraay

murjaaniyo sidii luul midbaw, shiikhin madarkiiye

Naftaa muhatay muuqeeda oo waan miliilicaye

Marwaadka iyo xiisii afkaa hadalki maanacaye

Anigoon mid boganbaa dabnuu iga magaabeene

Nin ishiisa madhoodku marin oo maaginbaan ahaye

Magdi iyo salaam muuno badan midigta laa laadshay

Iyana may mildhaawine takaloo madadsan ii dhiibtay

Muusoodki dhoolaha markay muujiseen dheeday

Meselooyinkii aan ku idhi maandhe iga koobi

 

Lagu mood mahiigaan da’iyo, heego iyo marise

Lagu mood gudgude miirmay iyo, mayay arooryaade

Lagu mood cir miirale iyo, waqal na mayracaye

Lagu mood maqaariibta dhool, meel fog ka hanqadhaye

Lagu mood uffiyo maayadoo, fadad muquurteene,

Lagu mood daruur milantay iyo, hogol mudh soo tidhiye

Lagu mood milaal gorod madaw, madiyo guulaamo

Lagu mood dhulkoo mawjadiyo, dhibicu maansheeyey

Lagu mood xareed miiraniyo, maax wayiireede

Lagu mood galshimo meersaniyo, haro mareegaleh

Lagu mood midhaafada dixiyo, gacamo daadmaray

Lagu mood mataax iyo bataax, mulacyo xaradhii

Lagu mood dareemo iyo maadh, maydhay dharabkii

 

Lagu mood dhirtoo muunadii, muujisoo dihine’

Lagu mood dhudaa maydhaxdale, muuqyadoodiiye’

Lagu mood milaaxiyo dhinbiil, miida geedahe’

Lagu mood caleemaha ku maran, garab madheedhleeye’

Lagu mood midhaa curbtaliyo, mariyo hoobaane’

Lagu mood maniyo ubax baxiyo, madaxa laamaha’e’

Lagu mood masaariyo higlada, mulaygi dooloode’

mugaa quruxda miisnaka iyo muunadiyo bilicda

muuqaagu way deeqayoon muran ka taagnayne’

muraayadi dhalaal bilicleh iyo midabku way dheehe

hayeeshee inay miridho-daxal waysu maakimo’e

walow aad mulaaxdiyo dayaxa miiganaan dheertay

miyir iyo hubsiimiyo dadnimo madhaxu waa duuge’

Kala mudan haween maamulkiyo, danu maleegnaane

Kala mudan miciinkiyo wax qabad, meesi ku halayne

Kala mudan marjada baalida ah, muruq dhabeeleede

Kala mudan basari muranta iyo, gaari miiganiye

Kala mudan sumbada macangaga ah, maansha daahiyde

Kala mudan biddada maagistaleh, rixin mulaaxleeye

Kala mudan maraadiyo qabyada, tow mintirisaaye

 

Kala mudan haween maanka iyo, miida garashade’e

Kala mudan murtida hooyonimo, maanso iyo luuge

Kala mudan midhaha laga dhaxlaa, maada sheekade’e

Kala mudan hal maamuuska iyo, dhaqan macaanaane’e

Kala mudan milgada iyo xushmayn, maqal wanaagsaniye’e

Kala mudan miliilica indhaha, maansha naxariise

Kala mudan habluu muuqa iyo, muunadaiyo quruxe

Maanshaa allaahuye milgiyo, bilac madhafaane

Calaf waa muquune, hadii mawle igu beegay

Waxaan kaa malaystiyo, marwooy noqo mid maamuusleh

Gabayaagu ninka uu kusoo halqabsanaayo waxa layidhaa Cabdiraxmaan Xuseen Dda'uud

No comments:

Post a Comment