SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Gudoomiye Cirro kursiga xaal kumuu helin ee waxa doortay

Gudoomiye Cirro kursiga xaal kumuu helin ee waxa doortay mudnayaasha baarlamaank. Sharci ahaan doorashada shirgudoonka waxa iska leh mudanayaasha baarlamaanka. Farsamo ahaana waxa maamula habsami u socodka hawlaha golaha ka socda sidda xeererka,go’aamadda, ansixinta iyo doorashooyinka xoghaynta golaha wakiildadda oo kaashanaya shaqaale weynaha golaha.

Wixii siyaasad ah waxa lagala xisaabtamayaa xubnaha baarlamaanka. Wixii farsamo xumo ahna waxa lagala xisaabtamayaa xoghaynta. Waxa muuqda maanta waxa weeye in xubnihii golahu shaqadoodii ka soo baxeen oo mudane kastaa u codeyay ciddii uu dan u arkayay. Waxaase meesha soo galay awood ka baxasan sharciga baarlamaanka oo arrintii farsamada hayd khalkaliyay. Tani waxa ku haboon tahay in lagala xisaabtamo xoghaynta golaha.

Waxaase nasiib daro ah in siyaasiyiin waaweyn dadka ugu khudbeyaaan wax aan sharci aheyn . Mujaahid Cali guray oo ka tirsan xisbiga kulimeye kuna raacay qabyaalayd iyo ka madhnaasho aragti siyaasadeed oo dalkan lagu badbaadiyo;ayaa waxa uu ummadda u sheegay in uu filayay in musharxa cabdiraxmaan cirro xaal u siiyo baashe maxamed kursiga guddoonka wakiilada ee uu baneyay. Hadalkan waxa ka muuqada fahan la’aan arimaha ku haboon in lagu ololeeyo iyo kuwa qaranka ka dhaxeeya oo loo baahan yahay in uu qofku mawqif cad ka qaato.

Gudoomiye Cirro kursiga xaal kumuu helin ee waxadoortay mudnayaasha baarlamaank oo ay ka mid yihiin xildhibanadda xisbiga kulmiye ee maanta cali guray janbiga ka qabsaday.

Musharax Cirro maanta waxa uu u taagan yahay jagada madaxweynaha jamhuuriyada Sommaliland taas oo uu shacabka codkooda waydiisanayo. In uu xaal iyo hadyad ku helo diyaar u ma aha ee wuxuu u tartamayaa sidii dalkan loo horumarin lahaa una noqon lahaa hogaamiye umaadoo dhan isku wada.

MaxamedSaalax

Dhallinyarda isbedeldoonka ah ee Xisbiga WADDANI.

Facebook: Maxamedsaalax

maxamed_s2000@hotmail.com

No comments:

Post a Comment