SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Mukhtaar Roobow Abu-maansuur oo Xamar la keenay,isaga oo ay kalsooni farabadani ay ka muuqato

Iftiinkacusub.com: Waxaa wakhti aan sidaasi usii fogayn garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyey iyada oo Diyaarad khas ah lagu sido Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)
Afhayeenkii hore ee kooxda Al Shabaab.

Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur oo ay weheliyaan xubno ka tirsan dawlada ayaa soo gaadhay garoonka Aadan Cadde, waxaana si wayn loo adkeeyay amaanka garoonka iyada oo la diidan yahay in ay dadku arkaan Diyarada siday Mukhtaar iyo isaga laftiisaba.

Waxaa la xaqiijinayaa Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu-Mansuur in markii ay Diyaaradu keentay garoonkana laga soo dejiyay,waxaa si gaar ah loogu wareejiyey sarakiil iyagu ka dirsan hay'adaha sirdoonka ee Maraykanka iyo reer Yurub,

Mukhtaar Roobow waxaa wakhtigan hadda ah lagu hayaa ,xarimaha ay ku leeyihiin dawladaha shisheeye Muqdisho gaar ahaan agagaarka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde .

Mukhtaar Roobow ayaa waxa lagu tilmaama in uu ka mid ahaa ragii lafdhabarta u ahaa kooxda Al-shabaab,balse Mukhtaar Roobow waxa ugu danbaysay in uu kooxdaasi ka tirsanaado sanadkii 2013 kadib markii ay isku dhaceen hogamiyahiisii Geeriyooday Axmed Cabdi Godane.

Mukhtaar Roobow ayaa hada waxa la odhan karaa waxaa ku khasbay in uu dowlada isu soo dhiibo kadib markii fadhisinadii uu deganaa ay weeraro isdaba joog ah ay kusoo qadeen Al-shabaab, kuwaasi oo ujeedadooda ugu muuhiim sani ay ahayd in ay Mukhtaar gacan ku dhigaan ama ay ka caydhiyaan deegaanka si aanu uga dhex samaysan ciidamo xoogleh.

Hadaba dadka qaar waxa ay iswaydiinayaan maxay ayaa lagu samayn karaa Mukhtaar Roobow ,ma dhici kartaa in uu ciqaab la kulmo, misse waxa uu noqon doonaa Boqor Taash iyo dalacsiin loo sameeyo,iyada oo aynu ogsoonahay in dhamaan dhalinyaradii ay Mukhtaar Roobow iyo saxiibadii ay marin habaabiyeen in midkasta lagu xukumay Dil toogasho ah.

Dad badan oo Somaliyeed ayaa aamin san in Mukhtaar Roobow iyo qayrkiiba aanay jirayn cid wax yeelaysaa,sababta oo ah waa rag si xoogle ugu tiirsan qabaa'ilka iyo reeraha ay ka dhasheen.

Mukhtaar Roobow intii aanu dawlada ku meelgaadhka ah losoo gacan galin waxa talo wadaag lasoo yeeshay Qabiilka uu ka dhashay ee Raxanwayn,waana middi uu maanta isku halaynaayo,isaga oo garawsan in aanay cid wax yeelaysaa aanay jirin.

Waxa sidan oo kale isaguna wakhti hore isu soo dhiibay dawlada Xasan Daahir Aways oo ka mid ahaa asasayaashii ururadii kala duwanaa ee Somaliya ka hana qaaday,Xasan waxaa la odhan karaa waxa uu hada ku dangiigsan(raaxaysanayaa) Guri wayn oo ku yaala magalada Muqdisho isaga iyo qoyskisiiba,iyada oo uu Xasan Daahir Aways uu ka mid ahaa horjoogayaashii iyagu dabka saaray kumaan kun oo dhalinyaro Somaliyeed oo ku lee'day dagaladii kala duwanaa ee ay u horseedeen.

Arimaha sidan oo kale ahi waxa ay keenayaan in markasta ay nabad galyo iyo nolol ay helaan kuwa iyagu madaxda ka ah kooxahan,iyada midkasta Xabad madaxa lagaga dhuftay dhalinyaradii iyo da'yartii Somaliyeed ee ay marin hababiyeen.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment