SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hooyadii dhashay IHN Wasiir Siraaji oo codsatay in la toogto ninkii dilay wiilkeeda.

IFITIINKACUSUB.COM: 8/8/2017 (IC) Hooyadii dhashay Wasiirkii la dilay ee Cabaas Siraaji Xaliimo Salaad Fiile, ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay in sida ugu dhakhsaha badan Tiirka loosoo taago loona toogto ninkii dilay Inankeedii.

Hooyo Xaliimo oo hadalkeeda uu ka muuqday Murugo aad u farabadan ayaa maxkamadda sare ee dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay ka dhabeyso go’aankii ay ka gaadhtay Dable Caydiid oo ah askarigii dilka u geystay wiilkeeda Wasiir Cabaas.

Maamada oo farrin usoo dirtay dowladda ayaa si sharaf leh u codsatay in tiirka la geeyo askariga ka dambeeyey dilka Wiilkeeda oo ay ku sheegtay inuusan cidna dulmin isla markaasna uu u shaqeenayey shacabka Soomaaliya,iyada oo tidhi:

" Soomaaliyuu u meel joogaay, dulmi ma wadan, dabbaal ayaa dilat, haddana waranka intay igu dhufteen ayey igu gil-gilayaan "sidaa waxaa tidhi hooyada wasiirka la dilay dhashay,iyada oo hadalkeedii sii wadata aya waxa ay racisay:

" Maanta waxaan maxkamadda sare ka codsanayaa in go’aanka ay ku dhawaaqday in la fuliyo"

Hadalka Hooyada dhashay wasiirka Geeriyooday Xaliimo, ayaa kusoo beegmaaya xilli ay jirto xiisad ka oogan xukunka dilka ah oo u dhaxeyso dowladda Soomaaliya iyo beesha Habargidir,

Madaxda dowladda ayaa go’aan ku gaadhay in la toogto dable Caydiid oo ah gacan ku dhiiglihii dilay Wasiir Cabaas, waxaana jiro dadaalo ay wadaan odayaal kasoo jeedo beesha Ceyr oo doonayo in kiiskaan lagu xaliyo qaab beeleed lana joojiyo xukunka dilka toogashada.

No comments:

Post a Comment